Muuse Biixi oo Itoobiya u saxiixay qeyb kamid ah Badda Soomaaliya (Sawirro)

0
Monday January 01, 2024 - 16:10:02 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 202
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi oo Itoobiya u saxiixay qeyb kamid ah Badda Soomaaliya (Sawirro)

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan magaalada Adis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya ayaa galabta waxa ay heshiis kala saxiixdeen i Ra’iisal Wasaaraha Dalka Ethiopia Abiy Ahmed Ali.

Muuse Biixi ayaana dowladda Itoobiya u saxiixay qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya si ay u isticmaalaan ciidamada Itoobiya, waxa uuna sheegay Madaxweyne Biixi in Ithiopia u saxiixeen 20-km oo kamid ah oo biyaha Soomaaliya .

Hadal uu ka jeediyay munaasabada heshioiska lagu saxiixayay madaxweynaha Somaliland ayuu ku sheegay in sidoo kale heshiiska qeyb ka yahay in dekadda Berbara ay wax kala soo degaan Itoobiya.

Muuse Biixi ayaa sidoo kale sheegay in heshiiska uu saxiixay qeyb ka tahay in Itoobiya dhankeeda noqoto dalkii ugu horeeyay ee maamulkooda u aqoonsada dowladda rasmi ah, taa uu tilmaamay in muddo ah ku taamayeen.

"Raysalwasaaraha Itoobiya wuxuu naga codsaday inaynu wada galno isfahan ah in ay badda ka helaan meel ay dagaan ciidankoodu. Sida aanu ku heshiinay ee ku qoran halkan in annaguna aanu u oggolaanno labaatan kilomitir oo badda ah iyaguna markaaba ay na aqoonsadaan, oo ay qaranka Somaliland dawladdii u horaysay ee aqoonsata ay noqon doonaan,” ayuu yiri Muuse Biixi.

Dowladda Itoobiya oon laheyn bad ayaa muddo dheer ku taameysay sidii ay ku qaadan laheyd qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya, waxaana maanta muuqata in Ithiopia u rumowday qeyb kamid ah damaceedii ahaa in ay hesho bad .

Xukuumadda Soomaaliya ayaan la ogeyn tallaabada ay qaadi doonto kaddib heshiiskan ay gaareen maamulka Somaliland iyo dowladda Itoobiya, waxa ayna tani muujineysaa haddii dowladda federaalka ka aamusto in wax weyn u dhimi doona Qaranka Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip