Akhriso: Taariikh nololeedkii Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye 20/12/2023

0
Wednesday December 20, 2023 - 17:50:40 in Wararka by MOGTIMES ONLINE
  • Visits: 274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso: Taariikh nololeedkii Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye 20/12/2023

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

     Waxaa maanta oo 20-ka Dcembar 2023 Dalka Jabuuti ku geeriyootay AUN Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, ka dib xanuun asiibay iyada oo ka mid ah wafidiga Ra’iisul wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre ee ka qeyb galaya Madasha Aragti-Wadaag ee lagu qabanaya dalka Jabuuti.

 

Waayahii ay soo martay:



     Waxa ay 2 April 1964 ku dhalatay magaalada Muqdisho, iyadoo barashada Qu’aanka ku bilawday hayaankeeda waxbarsho, waxa ay 1972 illaa 1979 Dugsiga hoose iyo dhaxe ku baratay Dugsiga Hassan Dhagey ee ku yaala magaalada Jowhar, waxayna Dugsiga Sare ilaa heer Jaamacad ku qaadatay magaalada Muqdisho.

Xirfadaha Shaqo:

1981-1982: Bare Dugsiga Dhexeee Hassan Dhagey Burey – Jowhar – Soomaaliya

1982-1983: Xogheynta iyo Maamulka Xisaabaadka Dugsiga Sare ee Beeraha Jowhar 

1983-1984: Maamulka Xarunta Xiriirinta Labada Gobol ee Hiiran iyo Shabellaha Dhexe – Buurane

1984-1990: Mashruuca Fidinta Beeraha 1990-2000: Ganacsato iyo Guri Joogto

Doorka Siyaasadeed:

Waxa ay AUN leedahay 23 Sano oo Khibrado Siyaasadeed ah iyada oo soo qabatay xilalkan:

2000-2004: Xildhibaan Dowladii Carta lagu soo Dhisay (TNG) 

2004-2009: Xildhibaan Dowladii Impagathi lagu soo dhisay (TFG) 

2004: Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Haweenka iyo Dalyeelka Qoyska XKMG

2005-2006: Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Hidaha iyo Dhaqanka XKMG

2006-2007: Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Warfaafinta iyo Hanuuninta Dadweynaha XKMG

2008-2009: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska XKMG

2008-2009: Siihayaha Wasiirka Wasaraadda Xanaanada Xoolaha, Kalluumeysiga iyo Bii’ada XKMG

2009-2010: Xildhibaan Baarlamaankii lagu Biiriyey Djibouti 

2009-2010: Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Reer Miyiga XKMG Dhirta iyo Daaqa XKMG 

2010-2011: Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga

2011 : Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Biyaha, Batroolka Macdanta iyo Tamarta XKMG

2011-2012: Guddoomiyaha Guddiga Cilmi Baarista, Tignaloojiyada, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Golaha Shacabka KMG

2012: Xildhibaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya

2013: Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arr. Bani’aadanimo ee Golaha Shacabka BJFS

2014: Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha XJF

2016: Wakiilka u matalaaya Soomaaliya IPU-IGAD Women CAUCUS

2017: Xildhibaan Golaha Shacabka BJF

2017 – 2020: Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Isboortiga XJFS

2020 – 2022: Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka XJFS

2022: Xildhibaan Golaha Shacabka BJF

2022: Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

 

INNAA LILAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip