Abwaankii waynaa ee Hurre Walanwal oo Burco ku geeriyooday

0
Friday December 15, 2023 - 21:14:04 in Wararka by
  • Visits: 124
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Abwaankii waynaa ee Hurre Walanwal oo Burco ku geeriyooday

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..
 Abwaan Cismaan Ibraahin Warsame (Hurre Walanwal) oo kamid ahaa bahda suuggaanlayda Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday magaalada Burco isaga oo 75 jir ah.
Abwaan Hurre oo ay walaalo ahaayeen Abwaankii Waynaa ee Ibrahin Warsame Hadraawi oo 18, 8, 2022 Hargaysa ku geeriyooday, waxa uu sannadkii 1948 ku dhashay magaalada Caynaba gudaheeda, halkaasi oo uu ku nolaa ilaan10 jirkiisii, intaa kadibna waxa uu u wareegay nolosha miyiga iyo xoolo raacatonimo.


Mar uu waraysi siiyay Muuqbaahiyaha Xukuumada Somaliland, waxa uu sheegay in uu barbaarnimadisii ku qaatay agagaarka Ceelka Ballidhiig iyo Buuhoodle, isaga oo sheegay in uu tirinta suuggaanta bilaabay isaga oo 9 jir ah.

Abwaanka ayaa ku caanbaxay heesaha jiibta iyo jaanta leh, ee Soomaalidu badiba caanka ku tahay, xiligii uu yara waxa uu sheegay in heesaha loo adeegsan jiray haasaawaha hablaha iyo in mararka qaar qabiiladu isku dacaayadeeyaan ama isku amaannaan.

Waxa uu dhallinyaronimadiisii kamid ahaa dhallinyaro reer miyi ah oo ay dadku ku naanaysi jireen Orgi-naagood kuwaasi oo u banbaxay tumista ciyaaraha dhaqanka iyo heesaha, isla markaana habeen walba u socdaali jiray reeraha ay ku tuhmaan in ay hablo joogaan iyaga oo hees ka dul tuman jiray, hablahana heeso jiib iyo jaan leh kula haasaawi jiray hadii ay usoo baxaaan.

"Waxan ahaa geel raac iyo orgi-naagood ciyaarta uun tuma oo habeenbaa meesha laga tumayo uun taga" Ayuu Abwaan Hurre Walanwal ku sheegay waraysiga uu siiyay Muuqbaahiyaha Xukuumada Somaliland.

Hurre waxa uu caanbaxay kadib hees ay gago ciyaareed iskugu tiriyeen gabadh iyaduna suggaanyahan ah oo la yidhaa Cambaro Nuux Maxamed oo reer Buuhoodle ah dhamaadkii lixdamaadkii.

"Wakhtiga heestaasi aniga iyo Cambaro na dhexmartay 1967 ayay ahayd, Cambaro quruxda waxay kaga qaalisanayd, waxay ahayd gabadh han wayn, Cambaro ninka ay la hadasha awr ayuu qali jiray habeenkii, waxay ahayd gabadh xikmad badan, waxay ahayd 17 jir ana 19 jir baan ahaa" ayuu Hurre ka sheegay goob fagaare ah sannadkii 2011.

Abwaanka ayaa intii uu nolaa doorwayn ka qaatay horumarinta Suggaanta Soomaaliyeed, isaga oo dhiirigalin jiray ciyaaraha kala duwan ee murtida leh.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip