Maryan: "Ragga i shukaansada waxay igu dhahaan waad qurux badan tahay laakiin kuguma soo dhiirran karno"

0
Thursday December 14, 2023 - 14:09:00 in Wararka by
  • Visits: 1668
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maryan: "Ragga i shukaansada waxay igu dhahaan waad qurux badan tahay laakiin kuguma soo dhiirran karno"

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Garka

Qoraalka sawirka,   Maryan waxay sheegtay inay ku faanto garkeeda
  • Author,Fatuma Maalim
  • Role,Weriye Sare

Markaad ka duwan tahay bulshada aad ku dhex nooshahay ma aha xaalad sahlan, waxaana kula soo gudboonaan kara caqabado badan.

Balse Maryan Yuusuf Nuur, oo leh gar, ayaa BBC-da u sheegtay: "waan isku kalsoonahay waana jeclahay nafteyda."

Gabadhan 32 jirka ah oo baraha bulshada ku isticmaasha Ruun Raalliyo, ma qariso garkeeda meel walba oo ay aadeyso, iyo haddii ay bulshada ku dhex jirtaba. Sidoo kale waxay muuqaallo soo dhigtaa barteeda TikTok oo ay dad badan ku xiran yihiin.

"Dadku si kale ayay ii eegaan wayna dareemaan inaan ka duwanahay. Qaar baa igu yiraahda maad garka iska xiirtid,” ayay tiri Maryan.

Magaalada Muqdisho oo ay ku nooshahay Maryan kama baqdo inay dhex marto waddooyinka magaalada iyadoo aan wadan indho-shareer amaba aan garkeeda qarin

Goormee ayay isku aragtay garka?

Garka

XIGASHADA SAWIRKA,MARYAN RUUN

Xaaladdu caadi ayay ahayd, waxayna ahayd gabar yar oo qurux badan oo nolosheeda si caadi ah u wadata, balse mar qura ayay isku aragtay isbeddelkan.

"Xaaladda garka waxaan isku arkay markii aan soo qaangaarayba garku wuu iga soo baxay. Markii hore wax yar ayuu ahaa, maalin baan u socday aroos oo aan is iri iska xiir, markii aan xiiray ayuu maalinba maalinta ka dambeysa sii badanayay,” ayay tiri.

Maryan waxay sheegtay inay fir u leeyahay garka oo qoyskeeda qaar ka mid ah ay gar leeyihiin, "Eaddadey waxay leedahay gar iyo hareed,” ayay tiri.

"Markii hore waan necbanaan jiray garka waxaana is iri yeysan dadku kugu arkin ee iska xiir,” ayay intaas sii raacisay.

Waxay sheegtay in muddo 10 sano ah ay raadin jirtay wax ka baabi’iya garka si uusan dib dambe ugu soo bixin, balse ay ku guul darreysatay.

Maryan waa hooyo leh shan carruur ah, oo aabbahoodna ay kala tageen. Seygeedii hore oo ay qaraabo yihiin ayay sheegtay inaysan kala kulmin wax caqabad ah oo ku aaddan xaaladdeeda aysanna ku kala tegin garkeeda dartiis.

"Caqabad kalama kulmin. Ninkeygii hore wuu igu ogaa garka, carruurteydana way la qabsadeen garka, waxayna mar mar igu fowdeeyaan hooyo iyo aabbe waad noo tahay,” ayay tiri Maryan oo qosleysa.

"Waxaan u tagay dhaqtar”

Garka

XIGASHADA SAWIRKA,MARYAN RUUN

Waxay Maryan sheegtay inay tagtay isbitaalka Kalkaal ee magaalada Muqdisho lagana qaaday dheecaanno si baaritaan loogu sameeyo. "Aniga oo og inaan dumar ahay, carruur dhalay, arrintaanna la yaabban ayaan dhaqtar u tegay,”

Natiijada baaritaanka ayaa soo baxday, waxaana loo sheegay Maryan inuu ku badan yahay hoormoonka ragga ee testosterone.

Maryan su’aalaha uu dhaqtarka weydiiyay ayaa waxaa ka mid ahaa, "Reerkiinna malaga helaa dad gar leh?” Markaas oo ay u sheegtay in dhowr qof oo qoyskeeda ah sida hooyadeed iyo eedaddeed ay leeyihiin gar. "Hooyadey xitaa ilaa saddex tin oo kale ayay garka ku leedahay,” ayay tiri.

Markii ay Maryan heshay natiijada isbitaalka, ayna ogaatay inuu noqon karo hidde, ayay bededshay fekerkii ay ka qabtay nafteeda.

"Markii dambe garkeyga dib ayaan dib u jeclaaday waxaana bilaabay inaan dadka usoo bandhigo oo aanan qarinba”

"Hadda garkeyga bidaar ayuu leeyahay, waxaana rabaa inaan raadiyo wax is wada raaciya oo isku dheellitira hareedna iigu sameeya,” ayay tiri.

Caqabadaha ay la kulanto

garka

Maryan waxay sheegtay in mar walba ay la kulanto caqabado, iyadoo dadku ay ula dhaqmaan si aysna jecleysan.

"Dadku waxay i weydiiyaan su’aalaha qaar, sida abbaayo nin maa tahay mise naag? Labadaba ma isku leedahay?”

Sidoo kale waxay sheegtay in aabbaheed uusan oggoleyn inuu gar ku arko. "Aabbe mar walba wuxuu i dhahaa garkaan suuli oo raadi wax lagu baabi’iyo, sidoo kale hooyo ma oggola, aniga ayaase go’aansaday inaan soo bandhigo,”

Waxaase jira dad tiro yar oo ku dhiirrigeliya una sheega inay garka ku qurxoon tahay oo ay tahay hibo Eebbe siiyay ayna dumarka wax dheer tahay.

Maryan oo hadda guurdoon ah ayaa sheegtay in caqabadda ugu badan ay kala kulanto ragga oo u sheega inuusan jirin qof guursanaya maaddaama ay gar leedahay.

"Ragga i shukaansada waxay igu dhahaan ma lagugu soo dhiirran karo, hadhow meeshii naag laga filayay amuu nin kasoo baxaa.” Ayay tiri Maryan.

Muxuu yahay hoormoonka testosterone?

Garka

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Hoormoonka testosterone wuxuu ka mid yahay kuwa ku jira jirka bani'aadamka, ilmaha inta uusan dhalan ayuuna bilaabaa inuu shaqeeyo oo jirka uu shaqooyin kala duwan u qabto, sida uu BBC-da u sheegay Dr Cismaan Gaboose oo ka mid ah dhaqaatiirta Soomaalida.

"Hoormoonkaa xaddiga ugu faraha badan ragga ayaa leh, qeyb yar oo dumarka ay ku jirtana way jiraan, laakiin xaddiga ugu faraha badan wuxuu ku badan yahay ragga. Dumarka koodu lama xaddi ah kan ragga," ayuu yiri.

Shaqada uu qabto hoormoonkan way ku kala duwan tahay ragga iyo dumarka. Ilmaha marka uu calooshu ku jiro toddobaadka toddobaad ayuu bilaabaa shaqadiisa, sida in xiniinyuhu yimaado halka loogu galay yimaado.

"Shaqooyinkiisa kale waxaa ka mid ah in raggu yeesho calaamadaha loogu talogalay sida inuu gar yeesho, inuu jirka meelo kale timo ku yeesho, inuu codkiisu noqdo mid ka duwan kii gabadha ee dhuubnaa, inuu ka murqo weynaado kan dumarka,"

Inkastoo uu ku badan yahay ragga, haddana sababo badan ayaa keena inuu ku bato dumarka sida uu qabo Dr Gaboose, "waxaa ka mid ah in kansar uu ku dhici karo ugxan sidaha dumarka, kaasoo keena inuu hoormoonkaas siyaado, xanuunno kale oo makaanka ku dhaca," ayuu yiri.

Dr. Gaboose ayaa sheegay in marka uu hoormoonkan ku bato dumarka uu sababi karo inay yeeshaan calaamadaha qaar ee ragga sida in codkeedu weynaado, qalqal ku yimaada caadada amaba dhalmo inay iska waayaan, inay gar yeelato amaba timo ku yeelato meelo kale, inay yeelato murqo waaweyn iyo calaamado kale." Ayuu yiri.

Xaaladdan ayuu sheegay dhaqtarku in la daweyn karo, iyadoo hadba la eegayo xaaladda iyo waxa sababay.

Inkastoo aan tiro rasmi ah laga heyn xaddiga dumarka adduunka adduunka ee xaaladdan qaba, haddana Dr Gaboose wuxuu sheegay inaysan badneyn haweenka la kulan xaaladdan.

XIGASHO:-BBC





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip