Milkiile garoon ku dhax feeray garsoore kaddib markii kooxdiisa Gool laga dhaliyay (Sawirro)

0
Wednesday December 13, 2023 - 14:47:37 in Wararka by
  • Visits: 1492
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Milkiile garoon ku dhax feeray garsoore kaddib markii kooxdiisa Gool laga dhaliyay (Sawirro)

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Warbaahinta caalamka ayaa si weyn u hadal heysa dhacdo aad loola yaabay oo ka dhax dhacday garoon kubadda cagta lagu ciyaaro oo kuyaalla dalka Turkiga, kaddib markii milmiile carreysan uu feeray garsoore .

Milkiilaha kooxda heerka koobaad ee horyaalka Turkiga ka ciyaarta ee Ankaragucu ayaa garoonka soo galay Isniintii isaga oo carreysan markii kooxdiisa gool bar baro ah laga dhaliyay, waxa uuna feer madaxa uga dhuftay garsoorihii ciyaarta.

Faruk Koca ayaa si deg deg ah garoonka ugu soo orday markii kooxdiisa gool wadnaha jaray laga dhaliyay daqiiqadii 97-aad, waxa uuna si toos ah u abaaray garsoorihii ciyaarta hayay kaa uu durba feer ku bilaabay.

Guddoomiyaha FA-ga Turkiga Mehmet Buyukeks ayaa shaaciyay in la hakiyay dhammaan ciyaaraha horyaalka Turkiga, waxa uuna xusay in ay socdaan baaritaano lagu sameenayo weerarka uu milkiilaha kooxda Ankaragucu u geestay garsooraha.

"Ciyaarihii horyaallada oo dhan dib ayaa loo dhigay ilaa muddo aan la cayimin .Weerarkan waxa uu ceeb u yahay kubadda cagta Turkigaā€¯ ayuu yiri madaxa ugu sareeya horyaalka kubadda cagta ee Turkiga.

Madaxweynaha Fifa Gianni Infantino ayaa weerarja garsooraha loogu geestay gudaha Turkiga ku tilmaamay mid aan la aqbali karin, waxa uuna caddeeyay in rabshadaha boos ku laheyn ciyaaraha iyo bulshada dhaxdooda.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip