Wiil Sideed Sanno jir ah oo muddo saddex bilood iyo bar Qur'aanka ku dhameeyay !

0
Wednesday December 06, 2023 - 11:47:37 in Wararka by
  • Visits: 298
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil Sideed Sanno jir ah oo muddo saddex bilood iyo bar Qur'aanka ku dhameeyay !

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Wiil sideed sanno jir ah oo lagu magacaabo Abdullah Al Fahim ayaa si cajiib leh Qur’anka oo dhan ugu xifdiyay kuna dhameeyay muddo 105 maalmood ah oo u dhiganta 3 bilood iyo bar.

Wuxuu ka qeybgalayaa wiilkan tartanka Caalamiga ee Qur’anka kariimka ah 2024, wuxuuna si hordhac ah ugu sii diyaargaroobayaa gudaha Masjidka Niamat Noor ee dalka Bangladesh, sida ay kusoo warramayaan warbaahinta dalkaas.

Fahim oo ka baxay dugsiga Hedayetun Noor Hifzul Quran, wuxuu rajaynayaa inuu noqdo caalim diinta Islaamka ku xeeldheer. Aabbihiis Salim Ullah Jahangir wuxuu imaam Masjid ka yahay xaafadda Ukhiya ee degmada Chattogram.

Macalinka dugsi Qur’anka wiilkan cajiibka ah Hafiz Shoaibul Islam Sohail ayaa sheegay in Fahim uu gebi ahaanba Qur’anka ku dhammeeyey muddo saddex bilood iyo bar ah, uuna si fiican u xifdiyay Qur’aanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip