Golaha Ammaanka oo Soomaaliya ka qaaday cunaqabatayntii hubka ee saarnayd muddada dheer

0
Friday December 01, 2023 - 23:18:09 in Wararka by
  • Visits: 182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Ammaanka oo Soomaaliya ka qaaday cunaqabatayntii hubka ee saarnayd muddada dheer

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..
email sharing button
 Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si rasmi ah Soomaaliya uga qaaday cunaqabatayntii hubka ee saarneyd xilliga dheer.
Dowladda Soomaaliya ayaa ku tilmaamtay go’aankaan, tallaabo muhiim ah oo horay loo qaaday.

Ka dib sanado badan oo ay Soomaaliya dadaal dheer ugu jirtay in laga qaado cunaqabataynta , Golaha Amamanka ayaa ugu dambayntii go’aamiyay in la qaado cunaqabateynta, kadib cod bixin dhacday maanta.


14 dal oo katirsan golaha ammaanka ayaa ogolaatay in Soomaaliya laga qaado xayiraada hubka, waxaan ka aamusay hal dal.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in qaadista cunaqabataynta hubka ay door muhiim ah ka qaadanayso dib u dhiska ciidamadeeda qalabka sida, ilaalinta difaaca qaranka, iyo u gogol xaadhidda mustaqbal nabad iyo ammaan ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay guusha taariikhiga ee Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay uga qaaday Soomaaliya cunaqabteynta hubka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in ay sharaf u tahay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateynta hubka oo saarneed 31 sano.

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Abuukar Cismaan ayaa sidoo kale soo dhaweeyay qaadista cunaqabateynta, wuxuuna sheegay in ay muhiim u tahay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

"Dhammaadka cunaqabateynta 'waxay ka dhigan tahay fursad ay Soomaaliya wax uga qabato caqabadaheeda amniga.” ayuu yiri ergaygu, isagoo intaas kusii daray in Soomaaliya ay xaqiijin doonto in la qaado tallaabooyin looga hortagayo in hubku uu ku dhaco gacanta kooxaha hubeysan.

Qaadista xayiraada hubka ee Soomaaliya, ayaa waxay albaabada u furi doontaa in dowladda federaalka Soomaaliya ay soo iibsato hub casri ah, oo kaalin ku lahaan doona dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhowr jeer oo hore wuxuu ka codsaday golaha ammaanka Qaramada Midoobay sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa cunaqabateyn Hubka.

Soomaaliya ayaa Cunaqabatayntan waxaa la saaray sanadkii 1992-kii, taas oo ka dhalatay ka dib dagaalladii sokeeyey ee dalka ka dhacay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip