Dil toogasho oo saaka lagu fuliyay Ninkii dilay Cabdullaahi Cali Huday

0
Sunday November 19, 2023 - 12:32:40 in Wararka by
  • Visits: 132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dil toogasho oo saaka lagu fuliyay Ninkii dilay Cabdullaahi Cali Huday

    Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa saaka oo Axad ah dil toogasho ah ku fulisay Cabdisalaan Cali Axmed oo dhawaan magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ku dilay Wiil la dhashay Taliyaha Booliska degmada Guriceel Cabdullaahi Cali Huday. Goob f

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa saaka oo Axad ah dil toogasho ah ku fulisay Cabdisalaan Cali Axmed oo dhawaan magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ku dilay Wiil la dhashay Taliyaha Booliska degmada Guriceel Cabdullaahi Cali Huday. Goob fagaare ah oo ku taalla Guriceel ayaa lagu toogtay Cabdisalaan Cali oo ay hore Maxkamadda ciidamada dil toogasho ah ugu xukuntay, kadib markii lagu helay inuu dilka geystay Cabdisalaan Cali oo ahaa ciidanka NISA ee dowladda Federaalka. Ciidanka NISA iyo kuwa Booliska ayaa gacanta kusoo dhigay Cabdisalaan oo baxsaday markii uu 9 bishaan November 2023 dil u geystay Allaha u naxariistee Cabdullaahi Cali Huday oo ahaa wiil la dhashay Taliyaha Booliska Guriceel. Dadka ku dhaqan Guriceel ayaa horey uga dalbaday laamaha caddaaladda in ninka dilka gestay la geeyo tiirka lana toogto, waxa ayna tilmaameen in toogashada xal u noqoneyso dilalka micno darrada ah ee dadka loo geesto. Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale waxaa dilal toogasho ah loogu fuliyay rag dilal u geystay Askar iyo dad shacab ah, waxaana Maxkamadda ciidamada ay sheegtay in cid kasta oo dilal geysata cadaalada lahor geyn doono.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip