'Xaaskeyga oo umul ah ayaan waayay lacag aan cunto aan helay ugu geeyo'

0
Friday November 17, 2023 - 21:15:05 in Wararka by
  • Visits: 182
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    'Xaaskeyga oo umul ah ayaan waayay lacag aan cunto aan helay ugu geeyo'

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Hooyo Soomaaliyeed

     Soomaaliya oo ay ku dhufteen daadad xoogan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 50 qof sida ay baahisay Hay’adda Musiibooyinka Qaran ee Soomaalida (Sodma).

Gobolka Gedo, gaar ahaan magaalada Baardheere ayaa kudhawaad gabi ahaan dadkii daganaa isaga barakaceen, iyada oo noqoneysa mid kamid ah meelaha ugu daran ee ay saameyeen daadadka Elnino.

Gargaar kooban ayay ka heleen markiiba dawladda Soomaaliya. Laba doonyyood oo ay ku dhex isticmaalaan magaalada oo isku badashay haro yar ayay u soo dirtay dawladdu. Balse dadka qaar ayaa la kulman caqabad aysan filayn oo ku hor gudubtay gargaarkii yaraa ee ay wada jirka uga faa’iideysan lahaayeen.

Ibraahin Feere-Kore waa abe leh xaas iyo toban caruur ah oo kamid ah dadka ay barakiciyeen daadadka ku dhuftay magaalada.

Todobaad ka badan ayay isaga iyo reerkiisu ku sugan yihiin meel aan biyuhu gaarin oo ah banaanka magaalada.

Baardheere

XIGASHADA SAWIRKA,AHMED SALIHI

Wuxuu haystay shaqo uu ka maareyn jiray carurtiisa iyo hooyadiis oo la nool, balse wax walba waa aysan is badaleen markii ay daadadku ku dhufteen magaalada.

Wuxuu sheegay inay ku adkaatay si uu raashin, biyo iyo caafimaad ugu heli lahaa caruurtisa.

Balse markii uu isku dayay inuu aado goobta kaliya ee aan daadku gaarin ee magaalada Baardheere, oo ah halka kaliya ee uu yaalo raashinka ay heli karaan dadka barakacay ayuu damcay inuu raaco doomaha gargaarka ee ay keentay dawladdu.

"Qofkii [raaca] waa laba doolar, raashinka uu watana waa laba doolar,” ayuu sheegay in maamulkii gacanta ku hayay doomaha ay u sheegeen.

Ibraahin Wuxuu sheegay inuu ku qasbanaaday inuu lacagta dhiibo, si uu u gaaro suuqa kaliya ee ka furan magaalada oo uu caruurtiisa raashin uga soo ib karay.

Balse soo labashadii ayuu sheegay inuu ka dhago adeygay lacagta bixinteeda, kadibna uu ku qasbanaaday in uu ku hoydo maalinka xiga,

"Subaxii dambi ayaan soo gudbiyay,” ayuu BBC u sheegay Ibraahin.

Markii gaaray halkii uu deganaa Ibraahin, wuxuu sheegay in uu arrintaan uga hadlay baraha bulshada, taas oo sababtay sida uu sheegay inay xiraan maamulka Degmada.

"Markii aan arrinka ka hadlay waa la isoo raadiyay, ciidan ayaa la iisoo diray,” ayuu yiri Ibraahin. "Waa la iqaaday waxaa la igeeyay saldhiga degmada”.

Maxamed waxa uu sheegay in uu halkaas ku xirnaa muddo saddex maalin ah, kadibna ay soo daayeen dad shacab ah iyo odayaasha degmada oo iskaashaday.

Cbadicasiis waxa uu isna kamid yahay dadka ka barakacay degmada Baardheere, waxa ayna daris yihiin Ibraahin. Caruurtiisa iyo xaaskiisa oo umushay markii ay daadadku ku dhufteen degmada isaga oo hadda ku haya banaanka Baardheere.

Baardheere

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL MEDIA

SI uu caawimaad iyo quud ugu raadiyo xaaskiisa jilicsan iyo ilmahiisa dunida ku cusub ayuu isku dayay inuu gaaro suuqa kaliya ee ka nabad degmada Baardheere, balse wuxuu waayay lacag uu ku raaco doonta.

"Anaga iyo rag kale oo meel wada fadhina ayuu na weydiistay inaan qarash isugu aruurino,” ayuu yiri Ibraahin oo ay wada joogeen Cabdicasiis.

"Waan caawinay doontii ayuuna raacay, laakiin markii uu helay alaab uu u gayn karo qoyskiisii ayuu hadana waayay lacag uu ku raaco doonta si uu gurigisii ugu laabto. halkii doonta laga raacayay ayuu ku ooyay,".

Taas ayaa sababtay in dadkii joogay goobta ay mudaharaadaan, maamulka gobolkuna soo faragaliyo, sida uu noo sheegeen dhallinyadaan.

Si aan wax uga ogaano arrintaan ayaa isku daynay inaan la xiriirno maamulka degmada Baardheere balse nooma aysan suuragalin inaan helno.

Balse waxaa naloo sheegay in arrintaan ay joojiyeen maalka gobolka Gedo ee uu hoos tago kan degmada Baardheere.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Maxamed Xuseen al-Qaadi ayaa sheegay in arrintaan ay ka xumaadeen sidoo kalana ay talaabo ka qaadi doonaan kooxdii gacanta ku haysay doomaha loo keenay gargaarka ee kireeyay markii dambe.

"Arrintaas in la iskula xisaabtamo waa qorshaha noo yaala, sababtoo ah shacaabkaan dhibaateysan gurmadka loosoo diray in ay dhibaato ku adreemaan marnaba raali kama nihin,” ayuu BBC u sheegay Qaadi.

Qaadi oo aan wax weydiinay sababta maamulka doomaha ay u kireeyaan ayaa sheegay in ay ku micneeyeen, "inay doonayeen in shidaal loogu iibiyo doomaha iyo in gunno laga siiyo qofka naaquudaha ka ah,”.

Maalmo kooban ayuu sheegay in doonta la kireynayay, sidaas daraadeedna ay doonayaan inay ogaadaan xaddiga lacagta laga qaaday dadka maalmahaas iyo waxa loo isticmaalay.

Daadadka Baardheere ku dhuftay ayaa wali biyiha ay sababeen ka buuxaan magaalada, roobabka oo aan wali kala joogsan ayay sheegeen dadka aar inaysan rajo ka qabin inay dhawaan ku laaban doonaan hoygoodii.

Sidoo kale gargaar kale oo ay keentay hay'adda Sodma ayuu sheegay in uu soo gaaray magaalada, kaas oo u badan timir iyo wax ay dadku cunaan. "Waxaan isku dayaynaa inay dadka siay tahay u gaarto" ayuu sheegay gudoomiye al Qaadi.

XIGASHO:-BBC





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip