ida feeryahan Ramla Cali dib ugu soo dhacsatay suunka feerka ee horey looga qaaday

0
Wednesday November 08, 2023 - 23:33:23 in Wararka by
  • Visits: 1897
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    ida feeryahan Ramla Cali dib ugu soo dhacsatay suunka feerka ee horey looga qaaday

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Ramla iyo Guzman



Gabadha Soomaalida ah ee haysata jinsiyadad Ingiriiska Ramla Cali ayaa soo ceshatay Suun xagga feerka ah oo ay lumisay sannadkan gudihiisa ka dib markii ay ka badisay Alejandra Guzman oo u dhalatay Mexico.

Cayaarta oo ka dhacday Montem carlo ayaa Ramla oo 34 jir ayh waxay dib u soo ceshatay suunka WBA interconrinental, kaas oo ay lumisay bishii Juun, waxaana garsoorayaasha ay kala siiyeen 96-94.

Ramla waxay sheegtay in aysan hurdo seexan habeenkii cayaarta ka horreysay. "Xilligaygii caadada ayaa ii billowday saaka, tamarteydana way yarayd” ayey tiri.

Ramla oo sagaal goor guulaysatay marna laga guulaystay muddadaii ay feerka ku jirtay ayaa ayadoo yar la geeyey Britain, halkaas oo ay ka billowday cayaaraha.

Waxay sheegtay in ay danaynaysay in gabadhan ay mar labaad la cayaarto. "Aniga ayaa codsaday mar labaad in cayaar isku laabasho ah aan la cayaaro, waxaanan doonayey in aan wax uun xaqiijiyo – taasoo ah in aan feeryahanad ahay, waxaanan dareemayaa in aan taas sameeyey caawa” ayey tiri.

Billowgii cayaarta ayey sheegtay in ay si qun yar ah ku billoday.

Guzman oo 26 jir ah ayaa weerarka ku billoday Ramla, waxayna Ramla iska ilaalinaysay gacanteeda bidixda taaasoo ahayd tii 5 bilood ka hor ay kaga guulaysatay.

Ramla

Wareeggii labaad iyo kii seddexaad waxay Ramla la heshay laba midi goo xoog leh.

Guzman sidaa kuma quusan ee feer ay garka kala heshay (Upper cut) wareeggii lixaad, laakin Ramla degdeg auyey uga soo kabsatay, waxayna dhowr feer oo is daba joog ah la heshay wareeggii todobaad.

Sidaa ayey ku sii wadday, halka Guzman ay raadinaysay inay mar kaliya dhulka feer la dhigto (Knock out), waxayna Rmla isku dayeysay inay fogaato inay soo gaarto gacanta Guzman, maadaama feerkeeda bidixda uu kulul yahay, gaar ahaanna waxay taxaddarka badisay labadii wareeg ee u dambeeyey.

Ninka dhiirrigaliyaha u ahaa Ramla, Eddie Hearn, wuxuu ku tilmaamay cayaarta "ama samee ama jab” oo si kale marka loo yiraahdo noqonaysa "ama guulayso ama guul darrayso”.

Wuxuu intaa ku sii daray in Ramla ay u sii dhawaanayso jaa’isadaha caalamiga ah , gaar ahaanna inay horyaalnimada WBA kula feertanto Mayerlin Rivas oo u dhalatay Venezuela, iyo gabadha reer Mexico ee Erika Criz Hernandez oo cayaari doonta dabayaaqada Bishan.

Ramla oo Time ka soo muuqatay

XIGASHADA SAWIRKA,TIME

Ramla oo magaceeda buuxa uu yahay Ramla Siciid Axmed Cali waxay ka soo muuqatay majaladda Time oo u soo xulatay inay ka mid noqoto mid ka mid ah 12ka gabdhood ee sanandka 2023.

Waxay kaloo noqotay Gabadhii ugu horraysay ee Soomaail ah ee ka qayb gasha cayaaraha Ololbikada, waxayna noqotay gabadhii ugu horraysay ee dalkeeda u soo hoysa billad dahab ah xagga feerka.

Waxay iminka Ramla Cali danjire sharafeed u tahay UNICEF, Siro Hotels, Cartier, iyo Christian Dior.

Waa gabadhii ugu horraysay ee taariikhd cayaarta feerka si rasmi ah cayaar ugu dheeshay boqortooyada Sacuudii Caraabiya.

Markii ay 12 jir ahayd ayey reerkeedu qaxooti ahaan ugu guureen England ayagoo sii maray Kenya, waxayna feerka billowday ayadoo kuray ah, markasoo ay doonaysay inay miidsaan isku yarayso.

Waxay ka mid ahayd 15 dumar ah oo bishii Siteembar 2019 ka soo muuqday majaladda British Vogue, majalladaasoo ay tifaftirayaasheeda ka mid ahayd Meghan Markle oo ah Duchess of Sussex.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip