R/W Xamza oo si adag uga hadlay qaddiyada Falastiin: Xamaas maahan argagixiso

0
Thursday November 02, 2023 - 14:32:22 in Wararka by
  • Visits: 254
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    R/W Xamza oo si adag uga hadlay qaddiyada Falastiin: Xamaas maahan argagixiso

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

 Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyay munaasabad ka dhacday xarunta Tiyaatarka Qaranka, ayna goobjoog ahaayeen culimada Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay arrimo ku aadan xasuuqa ay ciidamada Israel ku hayaan shacabka reer Falastiin.

Xamza ayaa caddeeyay mowqifka dowladda federaalka ee dagaalkaasi, wuxuuna shaaca ka qaaday Xamaas aysan aheyn argagaxiso, ayna garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed.

"Xamaas argagixiso ma ahan waa urur xoreynayo dalkooda, waana inaan si buuxda ugarab istaagno” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre.

 

Sidoo kale wuxuu su’aallo ka keenay sababaha ay dowladaha waa weyn iyo kuwa ud doodi jiray xuquuqda aadana ay uga aamusan yihiin illaa iyo hadda dhibaatada Falastiin.

"Aaway dadkii xuquuqda bani’aadamka ilaalin jiray?, aaway kuwii u dagaalami jiray carruurta? aaway kuwii haweenka u dagaalami jiray? aaway xaeegge aadeen? ayuu yiri.

Waxaa kale oo uu yiri "Falastiiniga muslimka ah wuu dhintay, midka Yahuudiga ah ee muctadiga ah ee kusoo duulay ee gurigooda fadhiya waa la dilay miskiinkaas ayaa la leeyahay. Maanta inkastoo xanuun badan ina hayo annaga, haddana waxaa waajib ah inaanan hilmaamin waxa ka jira Falastiin”.

   Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in dowladda Soomaaliyeed ay weligeed Qudus u aqoonsanaan doonto caasimada Falastiin, ayna kasoo horjeedo boobka Israel.

"Ma aqbaleyno, kamana tanaasuleyno dowladda Falastiin oo caasimadeedu tahay Qudus, weligeyn kama tanaasuleyno, waa inay dadka muslimiinta u duceeyaan walaaladaas” ayuu yiri.

 Ugu dambeyn wuxuu ka hadlay dhibaatooyinka haatan ka jira waddamada islaamka, isaga oo carabka ku dhuftay in la’isku mashquuliyo, laguna dhex aasay kooxo Khawaarij ah.

Caalamul islaam waxaa la dhigay in la’isku diray oo Khawaarij isku mid ah loo soo diray oo qolo walba gudahood la’isku mashquuliyay oo la cadaabay ayaa waxaa naka gaarsiiyay in naloo fasiro maanta oo sanka nagala mar marinaayo Xamaas waa argagixiso ma aqbaleyno, mana dhaheyno” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay ra’iisul wasaare Xamza.

Caasimada Online | News From Somalia




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip