Shirweynihii sugidda Cuntada, Aafooyinka iyo Isbeddelka Cimilada‏ oo Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay

0
Friday October 23, 2015 - 19:28:47 in Wararka by
  • Visits: 687
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirweynihii sugidda Cuntada, Aafooyinka iyo Isbeddelka Cimilada‏ oo Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay

    Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay kulan looga hadlayey Fatahaada iyo Roobabka la filayo in ka da'aan dalka , waxaana Kulankaas ka qayb galey Wasaarada ay Khuseyso, iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada iyadoo Kulankaas uu furey Ra

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay kulan looga hadlayey Fatahaada iyo Roobabka la filayo in ka da'aan dalka , waxaana Kulankaas ka qayb galey Wasaarada ay Khuseyso, iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada iyadoo Kulankaas uu furey Ra'iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cumar Carte Qaalib

Mar uu ka hadley Furitaankii Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte Qaalibn waxaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka deggen gobollada ay ku yaalaan webiyada Shabeelle iyo Jubba in ay ka fogaadaan meelaha laga yaabo in Wabiyaashaas ay ku Fatahan

Wasiirkii hore ee baaraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Baafo mar uu ka hadlayey kulankaas socdey mudada Labada Maalin loogana hadlayey Roobabaka iyo Fataadaha ku soo Wajahan Soomaaliya ayaa sheegay in Maamul gobaleedyada wadanka ka jira ay kala tashanayaan sidii loo sugi lahaa cunnada loogana hortagi lahaa musiibooyin dhaca. Waxaa uu intaas sii raaciyey

"Waxa ugu weyn waxa ay tahay in la helo qorshe mideysan oo dhinaca Soomaalida ka soo baxa, dowladda dhexe hogaamineysa, qeybna ka yihiin MaamulGgobaleedyada, Mashaarciida la fulinayo ahaadaan kuwo banaanka laga keenay oo ay ahaadaan kuwo aan annaga k asoo shaqeynay”

Wasiirkii hore ee Beeraha Mudane Cabdi Maxamed Baafo ayaa sheegay in shirkii looga hadlayay arrimaha Shirka Sugidda Cuntada, u adkeysiga Aafooyinka iyo La qabsiga is badalka cilimida uu ahaa mid aad iyo aad loogu baahnaa isla markaana uu ku soo beeegmey Xili loo baahnaa maadaama Soomaaliya la filyo in ay ka da’aan Roobab Wata Fatahaado


Waxaa ugu Dambeyntii Shirkaas ka soo baxay Qodobo Muhiim oo ay ka mid ahaayeen in Dowladu ay magacowdey Guddi kaasoo howshiisa ay noqon doonto sidii la iska kaashan lahaa Fatahaada iyo Roobabka la filayo in ay ka da;aan Soomaaliya , waxaan Gudigaas Howshiisa ay noqon doontaa sidii wax uga qaban lahaa Roobabaka Fatahaada laga digey
Qaramada Midoobay ayaa horay uga digtay in dabeylaha Wata Roobab Fatahaado ay Soomaaliya ka geysan karaan khasaare halis ah, waxaana xukuumadda Soomaaliya loogu baaqay in ay u diyaar-garowdo ka hortagga khatarahaas, iyadoo kaashanaysa Haya’adaha gar-gaarka ka shaqeeya.

DSC_2938DSC_3227 (1)DSC_3227DSC_3228DSC_3418yuu



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip