Mar la sheegay in David Beckham uu "gogol dhaaf sameeyay" iyo wixii ay xaaskiisa sameysay

0
Wednesday October 04, 2023 - 20:26:16 in Wararka by
  • Visits: 1413
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mar la sheegay in David Beckham uu "gogol dhaaf sameeyay" iyo wixii ay xaaskiisa sameysay

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

David

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Victoria Beckham ayaa si adag uga hadashay gogol-dhaafka la sheegay in uu mar sameeyay seygeeda David, iyadoo ku tilmaantay "xilligii ugu adkaa" ee guurkooda.

Lammaanaha ayaa hore u beeniyay wararka sheegaya inuu naag kale xiriir la lahaa markii uu u cayaarayay kooxda Real Madrid sanadkii 2003.

"Waxay ahayd xilligii noogu adkaa sababtoo ah waxay noola muuqatay in dunidu ay naga soo horjeeddo,"ayay gabadhan ka mid ahaan jirtay kooxdii gabdhaha ee Spice Girls ku tiri dokumentari ay ka diyaarisay Netflix.

"Arrintu waxa weeye – waanu iska soo horjeednay haddii aan daacad ka noqdo."

Waxay barnaamijkan, oo cinwaan looga dhigay Beckham, lana sii daayay shalay, ku sheegtay inaysan iyada iyo ninkeeda aad uga wada hadlin wixii dhacay.

Balse Victoria ayaa tiri: "Waad ogtahay, ilaa Madrid, mararka qaar waxaan dareemayay inay tahay annaga iyo qof walboo kale oo iska soo horjeeda. Balse waanu isla jirnay, waanu isku xirneyn, waanan is caawineynay.

"Balse markii aay joognay Spain, uma aysan muuqan runtii in midkeenba kan kale uu la jiray. Taasina waxay ahayd mid murugo leh."

Waxay intaa ku dartay: "Xitaa ma bilaabi karo inaan kuu sheego sidii ay u adkeyd iyo sida ay ii saameysay."

David

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Mar ay ka hadleysay diiradda warbaahinta kaddib markii iyada iyo carruurteeda ay u guureen oo ay ninkeeda la degeen Spain, waxay tiri: "Waxay ahayd arrin yaab leh. Isla markii aan eegnay warbaahinta waxay joogeen meel walba oo aan tagnay, waa nala daba socday.

Markii gabadhan heesaaga ahaan jirtya ee isku beddeshay inay naqshadeyso dharka la weydiiyay in xilligaas ay u carootay seygeeda, waxay ku jawaabtay: "Haddii aan daacad ka ahaado, haa waan u carooday.

"Way ahayd, haddii aan daacad ahaado, waxay ahayd xilligii ugu badneyd ee aan caroodo nolosheyda oo dhan."

David

XIGASHADA SAWIRKA,KOICHI KAMOSHIDA / GETTY

Qoraalka sawirka,

David Beckham ayaa Real Madrid kaga soo biiray Manchester United sanadkii 2003

Taxanahan, ayaa weeraryahankii hore ee England iyo Manchester United – haatanna ah milkiilaha Inter Miami – wuxuu sidoo kale ka sheekeeyay sida gogol-dhaafkaas la isla dhex marayay uu u saameeyay isaga iyo qoyskiisa.

"Waxaa jiray sheekooyin xun oo ay aad u adkeyd in lala tacaalo," ayuu yiri. "ItWaxay ahayd markii ugu horreysay ee aniga iyo Victoria uu guukeenna lasoo gudboonaado cadaadis noocaas ah.

"Waxaa u maleynayaa in labadeennaba aan xilligaas dareennay, keliya maaha inaan is weyneyno, balse aan quuseyno badweyn."

Wuxuu intaa ku daray: "Ma garan karo sidaan uga gudubnay, xaqiiqdii."

'Ka dhig mid aan la fahmi karin'

Qiimeynta uu The Independent ku sameeyay arrintan ayaa lagu ogaaday in dadka sameeyay ay "ka dhigeen wax aan la fahmi karin" markii ay ka hadlayeen gogol-dhaafka la sheegay ee David.

Sidoo kale wargeyska Guardian ayaa sheegay in dokumentigan uu yahay mid xiiso leh oo nolosha cayaartoygan ka sheekeynaya.

Wargeyska The Telegraph ayaa sidoo kale taageeray kuna tilmaamay mid mararka qaar naxdin leh kana sheekeyneysa nolosha nin aan la fahmi Karin.

Qof kale ayaa sheegay in aalaaba Beckham laga diyaariyo barnaamijyo xayeysiin u ah xirfaddiisa iyo noloshiisa.

Lammaanahan, ayaa is guursaday sanadkii 1999, waxayna isu dhaleen afar carruur ah.

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip