Gudoomiyaha gobolka Banaadir & Mas'uuliyiin kale oo gaaray Farumaha dagaalka

0
Monday September 18, 2023 - 12:42:07 in Wararka by
  • Visits: 136
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudoomiyaha gobolka Banaadir & Mas'uuliyiin kale oo gaaray Farumaha dagaalka

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta oo ah (Isniin 18, September 2023) gaaray deegaanada Nuur-dugle iyo Caddaan Laxey ee Gobolka Shabeelada dhexe, si uu udar-dargeliyo Howlgalk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta oo ah (Isniin 18, September 2023) gaaray deegaanada Nuur-dugle iyo Caddaan Laxey ee Gobolka Shabeelada dhexe, si uu udar-dargeliyo Howlgalka Alshabaab ee ka socda Bariga Gobolka Shabeelaha Dhexe. Duqa Muqdisho ayaa sii maray deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe, oo uu ku dhiirageliyay Ciidamada Qaranka iyo Xoogaga Difaaca Shacabka ee kaalinta ka qaatay la dagaalanka Xubnaha Alshabaab ee ku sugan Gobolka Shabeelaha Dhexe. Sidoo kale waxa uu booqday furimaha ay Gobolka Sh/dhexe kaga sugan yihiin Ciidamo ay hogaaminayaan Guddoomiyeyaal ka tirsan Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir oo iyagu qeyb ka ah Dagaalka dalka looga saarayoAlshabaab m iskuna diyaarianaya in ay ka saaraan goobaha fara ku tiriska ah oo ay ku harsan yihiin. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Ciidamada Qaranka iyo Xoogaga Difaaca shacabka kula dar-daarmay in la dar-dargeliyo dagaalkaka dhan ka ah Alshabaab , waxa uuna xusay in aysan jirin meel looga haro Dagaalka oo uu hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Safarka dhiiragelinta CXD iyo dar-dargelinta dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee uu Duqa Muqdisho ku gaaray Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay tusaale u tahay in qof waliba ay mas'uuliyad ka saaran tahay sidii uu ugu qeyb qaadan lahaa Dagaalkaas, iyadoona horey uu Maamulka Gobolka Banaadir taageero dhinac weliba leh uu la garab taagnaa CXD iyo kuwa Deegaanka ee dagaalka kula jira Alshabaab ayaa lagu yiri ' war qoraal ah oo ka soo baxay Maamulka gobolka Banaadir.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip