Maxay Soomaaliya ka doontay Cuba, waddanka ciidamadeeda ku jabiyay dagaalkii 1977

0
Sunday September 17, 2023 - 20:26:16 in Wararka by
  • Visits: 187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Soomaaliya ka doontay Cuba, waddanka ciidamadeeda ku jabiyay dagaalkii 1977

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Somali

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Markii uu dhacay dagaalkii u dhaxeeyay wadamada Soomaaliya iyo Itoobiya sanadkii 1977/78 dii, waxaa dib uga soo biiray dagaalka ciidamadii Cuba oo saraakiishii xilligaas ee Soomaalida ahayd ay ku eedeeyeen inay ciidamadooda jabiyeen.

Wixii xilligaas ka dambeeyay waxaa xumaaday xiriirkii diblumaasiyadeed ee u dhaxaysay labada waddan.

Balse axaa bartamihii bishaan aan ku jirno ee Septemper gaaray wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya Abshir Cumar Huruuse, isaga oo sheegay inuu uga qayb galay shirka G77, oo ah urur ay ku midansan yhiin 134 oo dunida ah.

Bartiisa Facebook ayuu ku qoray: "Shirkan ayaa ku saabsanaa kaalinta sayniska, hal-abuurka iyo Tiknoolajiyaddu ku leeyihiin horumarka iyo kobaca dhaqaalaha adduunka,".

Dhanka kale wuxuu sheegay Huruuse inuu la kulmay masuuliyiin ka socota dawladda Cuba

Cuba iyo Soomaaliya

XIGASHADA SAWIRKA,ABSHIR HURUSE

Maxaa iska badalay xiriirka labada dal?

Bishii April ee sanadkaan aan ku jirno, Wasiir Huruuse ayaa qaabilay safiir ay Cuba u soo dirsatay Soomaaliya, iyaga oo sheegay inay sii ambaqaadi doonaan xiriirka labada dal.

Wasiirka oo xilligaas hadlay ayaa sheegay, in ka hor dadaalkii 77 ay labada dal xiriir lahaayeen.

Safiirka Cuba oo lau magacaabo Juan Manuel Rodrigues Vazquez ayaa ah safiirka u jooga dalka Kenya, kaas oo sidoo kalena qaabilsan arrimaha Soomaaliya ee Cuba.

Warbaahinta dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in safiirka Cuba uu waraaqihiisa aqoonsiga u gudbiyey wasiirka arimaha dibadda.

Cuba

XIGASHADA SAWIRKA,PRENSA LATINA

Cuba oo horay u xustay askartii uga dhimatay 77

Bishii Maarso ee sanadkii 2019 kii, madaxwayna ku xigeenkii ugu horreeyay ee Cuba, Salvador Valdes Mesa ayaa waxaa uu ka qaybgalay xuska ciidamadii Cuba looga dilay dagaalkii Ogaadeeniya ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Sida uu qoray wargeyska Prensa Latina ,Valdes ayaa caasimadda Cuba waxa uu ubax dhigay goob uu ku yaallo dhagax ay ku dhagan yihiin sawirada askartii Cuba uga dhimatay dagalkii 1977 kii ee dhexmaray Itoobiya iyo Soomaaliya.

Guushii ay Cubanka ka so hooyeen dagaalka 15 kii bishii March 1978, ayaa so afjaray duullaankii ay ciidamadii soomaaliya ku soo qaadeen gobolkaasi Ogaadeeniya.

Dowladda Soomaaliya ee u hogaaminayay Maxamed siyaad Bare ayaa xilligaasi sheegtay in dhulka "Soomaali galbeed" uu yahay dhul Soomaaliyed islamarkana ay Itoobiya xoog ku haysato.

Madaxwayna ku xigeenkii ugu horreeyay ee Cuba,Salvador Valdes Mesa ayaa xuska ka dib waxa uu kulan la qaatay wakiilo ka socday bulshada Cubanka ee ku nool dalka Itoobiya .

Dagaalkii 1977 dhexmaray Soomaaliya iyo Itobiya ayaa ahaa mid uu khasaaro badan ka dhashay labada dhinacba.

Waxaa markii hore dagaalka ku gacansareeyay ciidamada Soomaaliya,balse waxaa markii dagaalka ka soo qaybgalay dowlado ay Cuba ka mid ahayd oo Itobiya gacan ka siiyay in ciidamadii soomaaliya dib looga saaro goobihii ay qabsaden.

Khubarada militariga ayaa waxay sheegeen in xilligaasi ay ciidamadii soomaaliya ahaayeen kuwa dhisan qalab ahaan iyo uud ahaan tayada maka lo barbardhigo kuwii Itoobiya.

XIGASHO:-BBC





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip