Mo Faarax oo ordaya markii ugu dambeysay iyo waxa xiga ee uu yeeli doono

0
Sunday September 10, 2023 - 12:44:34 in Wararka by
  • Visits: 1543
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mo Faarax oo ordaya markii ugu dambeysay iyo waxa xiga ee uu yeeli doono

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

BBC

Qoraalka sawirka,

Maxamed Faarax iyo hooyadiis Caaisha

Taageerayaasha ayaa u dabaal dega mitir walba oo lasoo afmeero. Mo Farah ayaa dhoollaha muujiyey isaga oo labadiisa garbood kolba mid eegaya. Kadibna cagaha ayuu wax ka dayey ilaa dhamaadka iyo astaantiisa dabaaldegga.

Waa rikoorkii ugu horeeyay ee Maxamed Faarax lixdii tartan ee Great North Run, oo uu kaga adkaaday orodyahanka u dhashay dalka Itoobiya Mike Kigen oo uu dirqi kaga guuleystay. Taas waxay ka dhigtay inuu noqdo qofkii ugu horreeyay ee British ah ee ku guulaysta tartanka muddo 29 sano ah sannadkii 2014. Laakiin waa wiil Soomaaliyeed oo asalkiisu kasoo jeeda Somaliland.

Taasi waxay ahayd sannad astaan u ah bartamihii xilliyadiisii ugu wacnaa, sanadahaas la lodin waayey ee uu ku hantay labada billadood ee dahabka ah ee uu ka qaatay ciyaarihii Olombikada ee London iyo Rio labadaba.

Laga soo bilaabo heerkii ugu sarreeyey ee awoodiisa, ilaa Mo sagootintiisii u dambaysay.

Maanta oo Axada, 40 jirkaan ayaa ordi doona tartankii ugu dambeeyay ee xirfadiisa cajiibka ah isagoo ku laaban doona Waqooyi Bari si uu u dhameystiro safar macsalaameyntiisa ugu dambeysay ah oo uu ku marayo London iyo Manchester sanadkan.

Maxamed waxa uu muddo dheer ku adkaysanayay inuu u ogolaan doono jidhkiisu inuu u tilmaamo marka uu soo afjarayo xirfaddiisa orodka, kaas oo ku guuleystay 10 orodka dheer ah oo xiriir ah.

Isagoo ka caga jiidaya, oo aan awoodin in uu la qabsado heerka tababarka ee looga baahan yahay si uu uga qayb qaato tartannada. Faarax wuxuu ku dhawaaqay horaantii sanadkan in ugu dambeyntii soo afmeerayo xirfaddiisa orodka.

"Waxaan helay taageero cajiib ah sanadihii oo dhan ee orodka Great North. Waligayna waan ka qayb qaadan jiray tan iyo yaraantaydii. markaa waxay ahayd wax iska caadi ah runtii inaan go'aan ka gaaro tartanka ugu dambeeya ee orodka," Faarax ayaa sidaas u sheegay BBC.

"In aan ku dhameysto ugu hooseyn kaalinta saddexaad waa ujeedkeyga laakiin waan ogahay inaan orodka soo afmeero oo aan ogaado inay tahay markii ugu dambeysay. Waxay noqon doontaa mid dareen leh siyaabo badan. Sababtoo ah, waad ogtahay, waa kama dambeystii."

"Taageerada sanadkan waxay ahayd mid cajiib ah, inaad aragto sida dadku kuula fal galayaan, kuugu imanayaan ee kuugu fidinayaan taageeradooda iyo jacaylkooda, waa wax mar walba aan xasuusnaan doono."

Laacibka afarta jeer ku guuleystay Olombikada ayaa had iyo jeer lala xiriirin doona guulihiisa xaadda kiciya gudaha garoonka Olombikada Korontada ee London 2012kii.

Getty Images

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Maxamed Faarax ayaa orodkiisii ugu dambeeyay gelaya maanta

Waxuu halkaas taariikh ugu soo bandhigay taageerayaal buux dhaafiyey garoonka oo kor u dhafaya 80 kun oo qof. Orodka 10,000m ee uu billadda dahabka ah ka keenay, Maxamed Faarax ayaa wax aan la ilaawi karin u noqday dalka marti galinayey tartanka ee Ingiriiska, ka dib markii ay sidoo kale ku guulaysteen bilada dahab ah oo ay u qaadeen Jessica Ennis-Hill iyo Greg Rutherford.

Toddobo maalmood ka dib, waxa uu noqday ninkii toddobaad ee taariikhda Olombikada ku darsada taajka 5,000m ee horyaalkaas hal xilli ciyaareed. "Daacadii, 45 daqiiqo waxay ahayd mid cajiib ah. Weli ma rumaysan karo."

Maqaamkii Faarax ee ahaa mid ka mid ah orodyahannada ugu waaweyn abid ayaa sare sii maray markii uu ku ceshaday bilada dahabka ah ee cajiibka ah ee uu afar sano ka dib ka qaata orodkii ka dhacay dalka Barazil, isagoo xitaa ka soo kabtay hoos u dhicii orodka 10,000 mitir ah kasoo gaaray, ka hor inta uusan ku dhameysan orodka 2017. Isaga oo ku guulaystay billaadiisii dahabka ee 10-aad ee caalamiga ah ciyaaraha aduunka.

Guulaha Faarax, oo inta badan ku caan ah dabaaldeggiisa 'Mobot', ayaa ka mid ah kuwii ugu waaweynaa taariikhda ciyaaraha fudud ee Ingiriiska. Iftiinkaas baxaya ayey dadku ku barteen xitaa si ka qoto dheer xirfaddiisa ciyaareed.

Filim Dokumentari ah oo ay BBC-du soo saartay sanadkii hore oo cinwaan looga dhigay 'Mo faaraxa' dhabta ah, ayuu dhinaca kale daaha kaga rogay sheekadiisa.

Halkii loo haystay inuu yahay qaxooti waalidkiisa la yimid, sidii horeba loo sheegay, wiil yar oo Xuseen Cabdi Kaahin la yiraah ayaa si sharci darro ah Jabuuti looga keenay isagoo sagaal jir ah.

Magac been abuur ah ayaa loo bixiyay - Maxamed Faarax - waxaa lagu qasbay inuu daryeelo caruur qoys kale.

Getty Images

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Maxamed Faarax ayaa ku guuleystay biladaha dahabka ah ee orodka 5,000m and 10,000m ee lagu kala qabtay London iyo Rio 2012kii iyo 2016kii

"Waxaa jira waxyaabo aadan xakameyn karin nolosha, waxyaabo aadan wax ka dhihin. Waxaa jira caqabado ay tahay inaad la kulanto qof kasta oo aad tahay.

"Laakiin waxaan nasiib u yeeshay in qof igu kalsoonaado, oo uu i tusiyo wax ii ogolaanaya inaan shakhsigayga ahaado, orodka la’aantiis, iyo in aan ka mid noqdo koox orod, waxay sheekadaydu ahaan lahayd mid gebi ahaanba ka duwan sida tan.

"Waa inaad labada gacmood ku qabataa fursad kasta oo aad ka shaqaysiisaa - taasi waa furaha."

Waxay ahayd daah-fur wax ku soo kordhisay guulihiisa awalba wacnaa ee uu markii horeba gaaray, taasoo lagu sharfay waxqabadkiisa ciyaaraha fudud isagoo ku mutaystay geesinimo, waxaana codeyn ay BBC Sports qabatay loogu doortay shakhsiga ciyaaraha ee sannadkii 2017.

Dhaawaca sinta ee ka reebay Faarax inuu ka qayb galo tartankii Marathon-ka ee London ee dayrtii hore ayaa ugu dambayntii ka mid ahaa caddaymihii soo xiritaanka orodkiisa ee loo baahnaa si uu uga dhabeeyo go'aankiisa hawlgabka.

Si aad ah ayaana loogu soo dhaweeyay isku soo baxayo ay taageerayaasho ka dhigeen waddooyinka London iyo Manchester, taasoo ahayd mid soo jiidasho leh oo muujinaysa qaddarinta sare ee loo hayo.

Hadda oo ah dhamaadka cidhifka xirfaddiisa quruxda badan, oo soo jiidatay indhaha qaranka, dhiirigelisay kuwa kale oo aan tiro lahayn, ayuu Faarax 13.1-ka mayl ee ugu dambeeya wuxuu ku shaabadaynayaa waddada Newcastle ilaa South Shields maanta oo Axadda.

"Waan ku faanayaa waxa aan qabtay laakiin isla markaa waxaan rajeynayaa inaan noqdo waalid iyo qof caadi ah," ayuu qirtay Faarax.

"Waxa ugu adag waxa ay ahayd in aan caruurteyda ka maqnaado sanado badan. Ma joogin xafladahooda dhalashada, ka maqnaansha guriga inkastoo loo baahnaa inaan joogo, ayaa aad iigu adkayd.

"Waxaan dareemayaa hadda nafis, laakiin waa natiijada guusha. Taasi waa waxa ay igu qaadatay si aan u noqdo horyaalka Olombikada, horyaalnimada adduunka. Waa qayb ka mid ah. Laakiin ma fududa. Dadka intooda badan ma arkaan. dhammaan shaqada adag ee loo maro heerkan.

"Weli waan ku sii jiri doonaa ciyaaraha, waxaana doonayaa inaan dib u soo celiyo. Laakin, hadda, waxaan rabaa inaan fasax qaato oo aan la joogo qoyskeyga."

XIGASHO:-BBC




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip