Md.Salaad Cali Jeelle oo sheegay in Madaxda Dowladda ay dalka dib ugu celinayaan 4.5, si mar kale loo soo doorto

0
Thursday October 22, 2015 - 09:35:52 in Wararka by
  • Visits: 665
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Md.Salaad Cali Jeelle oo sheegay in Madaxda Dowladda ay dalka dib ugu celinayaan 4.5, si mar kale loo soo doorto

    Md.Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliyeed ee deggan Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu Madaxda Dowladda uu si xooggan ugu eede eyay inay dalka dib ugu celinayaan halbeygga awood qaybsiga beelaha ee 4.5.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Md.Salaad Cali Jeelle oo ka mid ah Siyaasiyiinta Somaliyeed ee deggan Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu Madaxda Dowladda uu si xooggan ugu eede eyay inay dalka dib ugu celinayaan halbeygga awood qaybsiga beelaha ee 4.5.        Md.Salaad Cali Jeelle oo shalay la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in dalka uu qaatay Nidaamka Federalism-ka, wixii ka dambeeyay sanadkii 2012-kana uu dalku ka baxay habkii ku meel gaarka ahaa.

       "Dastuurkeenna waxaa ku cad in Federaal la qaatay wixii ka dambeeyay sanadkii 2012-ka oo laga baxay xilligii ku meel gaarka ahaa,  Markaasaana ugu dambeysay nidaamka 4.5.” ayuu yiri Md.Salaad Cali Jeelle.

     Waxa kaloo uu yiri "Sida hadda muuqata Madaxdeenna waxay qorsheynayan inay soo celiyan 4.5, wax la aqbali karana ma aha in dalka dib loogu celiyo 4.5. Arrintaas marnaba ma aha wax la aqbali karo.”

       Siyaasigan, ayaa yiri "Dowladda waxay rabtaa inay dib ugu noqoto wixii laga soo gudbay ee ahaa in Xildhibaannada ay soo xulaan Odayaasha Dhaqanka. Xildhibaannadana ay markaasi soo doortaan Madaxda Qaranka, si ay u dhahaan suurtagal maaha in doorasho kale ay dalka ka dhacdo. Madaxda waxay rabaan inay markale soo laabtaan.”

        Mr. Jeelle, ayaa wuxuu Madaxda Dowladda ugu baaqay inay ka waan-toobaan inay dalka dib ugu celiyaan nidaamka sadbursiga ku dhisan, ee waxa loogu yeero afar dhibic shan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip