Muddada Uu Rasmus Hojlund Garoomada Ka Maqnaan Doono Garoomada Oo La Ogaaday.

0
Wednesday August 09, 2023 - 15:45:50 in Sports News by
  • Visits: 1608
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muddada Uu Rasmus Hojlund Garoomada Ka Maqnaan Doono Garoomada Oo La Ogaaday.

    Kooxda Al-shabaab oo xayiraad kusoo rogtay Shirkada Isgaarsiinta Hormuud

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxda Al-shabaab oo xayiraad kusoo rogtay Shirkada Isgaarsiinta Hormuud

Weeraryahanka Manchester United Rasmus Hojlund ayaa lagu soo waramayaa inuu maqnaan karo todobaadka bilowga xilli ciyaareedka cusub ee premier League.

Imaatinka xiddiga reer Denmark ee Old Trafford ayaa la xaqiijiyay Sabtidii iyada oo xiddiga da’yarka ah qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah.

Waxa jirtay warar sheegaya in uu xiddiga 20 jirka ah ciyaari doono kulankii ugu dambeeyay ee ay Man United isku diyaarinta la ciyaartay Athletic Bilbao laakiin waxa la ogaaday in uu xiddigu dhaawacnyaahay.

Tababare Erik Ten Hag ayaa haatan xaqiijiyay in uu xiddiga reer Denmark dhaawac ku seegi doono bilowga xilli ciyaareedka cusub.

Sida laga soo xigtay Mirror, Xiddiga ayaa garoomada ka maqnaan doona muddo 6 todobaad ah kadib dhaawaca dhabarka ah oo uu qabo.

Taas ayaa la macno ah in uu Xiddigu seegi doono 6 kulan oo ka mid ah horyaalka premier League xilli ciyaareedka cusub.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip