Farshaxamiistaha reer Cuba ee El Sexto oo xabsiga laga sii daayay (SAWIRRO)

0
Thursday October 22, 2015 - 09:19:33 in Wararka by
  • Visits: 840
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Farshaxamiistaha reer Cuba ee El Sexto oo xabsiga laga sii daayay (SAWIRRO)

    Waxaa Talaadadii xabsi ku yaala Magaalada Havana Ee Xarunta Wadanka Cuba laga sii daayay Danilo Maldonado, oo ka mid ah farshaxamiistayaasha ugu caansan dalkaasi. Danilo Maldonado oo loo yaqaano (El Sexto), ayaa waxa uu xirnaa muddo 10 bilood ah, wu

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa Talaadadii xabsi ku yaala Magaalada Havana Ee Xarunta Wadanka Cuba laga sii daayay Danilo Maldonado, oo ka mid ah farshaxamiistayaasha ugu caansan dalkaasi. Danilo Maldonado oo loo yaqaano (El Sexto), ayaa waxa uu xirnaa muddo 10 bilood ah, wuxuuna xarigiisa ka dambeeyay, isagoo waday farshaxan uu ku weeraraayo Madaxweynaha Cuba Fidel Castro iyo walaalkii Raul, oo horey Madaxweyne kaga soo noqday dalkaasi.

Farshaxanka uu waday ninkan, ayaa ka hadlaayay sida labada nin ee walaalaha ah ay ugu dhegan yihiin xilka madaxtinimada dalkaasi. Waxayna taasi Dowladdu u aragtay mid uu dadka ku kicinayo.

Maria Victoria Machado oo ah hooyada dhashay farshaxamiistaha, ayaa waxay soo dhaweysay tallaabada xabsiga looga soo sii daayay. Maria waxay sheegtay inay ku faraxsan tahay in wiilkeeda ay dib u midooban.

Madaxweyne Fidel Castro oo dhawaan dib u soo noolleeyay xiriirkii kala dhaxeeyay Mareykanka, ayaa ballanqaaday in Xukuumadda Havana ay ka shaqayn doonto ilaalinta xuquuqda bani’aadamka.

El Sexto oo 33 sano jir ah, ayaa Saxaafadda kula hadlay hoygooda, wuxuuna u mahadceliyay dhammaan intii ka qayb qaadatay sii deysmadiisa, dibna uu u bilaabi doono shaqadiisii.

Sii deysmada El Sexto, ayaa waxay ku soo aadaysaa laba bilood ka dib, markii xabsi ku yaala Magaalada Havana laga sii daayay Tania Bruguera, oo ah haweeney caan ku ah sawirka gacanta.

Tania, ayaa xabsiga la dhigay bishii December ee sanadkii hore, xilli ay dooneysay in qaab ciyaareed ku saabsan xoriyatul qowlka ay ku qabato Fagaaraha Dadweynaha Plaza Ee Magaalada Havana.

Danilo Maldonado, el sexto El Sexto- Danilo Maldonado, el Sexto El Sexto1-El Sexto2 Cuba El Sexto Cuba El Sexto Cuba El SextoEl Sexto5Tania Bruguera

Tania Bruguera




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip