Saamiya: Sheekada orodyahannaddii Soomaaliyeed ee riyadeedii ay geeridu soo afjartay

0
Thursday August 03, 2023 - 10:00:21 in Wararka by
  • Visits: 1646
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Saamiya: Sheekada orodyahannaddii Soomaaliyeed ee riyadeedii ay geeridu soo afjartay

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Qoraalka sawirka, Saamiya 

Ku dhawaad labo iyo toban sano ka hor ayay ahayd markii uu baahay warkii naxdinta lahaa ee ku aaddanaa in mid ka mid ah orodyahannadii Olombikada Soomaaliya ay badda ku dhimatay iyada oo tahriibe ah.

Saamiya Yuusuf Cumar ayaa isku deyeysay in ay ka gudubto dalka Liibiya iyada oo ku sii aaddanayd dalka Talyaaniga bishii April ee Sannadkii 2012 xilligaas oo doontii ay saarnayd ay qallibantay, sida ay baahiyeen warbaahinta Talyaanigu.

Saamiya ayaa dhammaysatay tartanki Olombikada ee Beijing 200 mitir iyada oo aan weligeed helin tababar rasmi ah.

Inkasta oo tartankaas ay ku dhammaysatay kaalinta ugu danbaysa, sidaa oo kalena ay sekenno ka danbaysay tartamayaashii kale xilligas weriyihii BBC ee Rome Alan Johnstone waxa uu ku qeexay in ay ‘wax weyn’ ahayd ka qaybgalkeeda tartankani.

Dadkii ka soo qaybgalay tartankaasina waxa ay u soo dhaweeyeen si ballaadhan iyada oo heshay sacab ka badan kii ay heleen kuwii ku guulaystay kaalimaha hore.

Saamiya


Waxa ay ku soo barbaartay, sidaa oo kalena ku tababaratay magaalada Muqdisho, xilli ay wejahaysay dagaal, gaajo, iyo waayo kale oo adag oo ka mid ahaa in aanay haysan qalabkii tartanka iyo sida oo kale in dumarka loo arkayey in aanay ciyaaraha noocan ah ka qayb geli karin.

Sida lagu sheegay qoraal ay Saamiya ka qortay warbaahinta Al-Jazeera, waxay la kulantay hanjabaad dil iyo caga-juglayn markii ay Soomaaliya ku soo laabatay ciyaarihii Olombikada ee 2008-dii ka dib, iyadoo maleeshiyada Islaamiga ah ee Al-Shabaab ay waagaa ka talinayeen qaybaha ugu badan dalka oo ay qayb caasimadda ka mid ahi ku jirtey.

'Ma illaawi doonno”

Saamiya

XIGASHADA SAWIRKA,SOCIAL

Bishii Oktoobar 2010, Orodyahanad Saamiya ayaa la sheegay inay u guurtay Itoobiya iyadoo raadinaysa tababare caawiya si ay ugu sii diyaar garawdo oo ugu sii tababarto Olombikadii London ee 2012.

Intii u dhaxaysay sannadkaas illaa illaa iyo markii laga war helay dhimashadeeda ma cadda sidii tababarkaas iyo nolosheedii kale ay ugu suuragashay.

Sida laga soo xigtay Al-Jazeera, ma jirin wax dammaanad qaad ah oo ku saabsan in la aqbali doono in ay ku tababarto garoonka Addis Ababa – waxayna ku xidhnayd xilligaas waqtigeeda orod iyo ogolaanshaha Xidhiidhka Ciyaaraha Fudud ee Itoobiya.

Warar ay baahiyeen warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegay qorshaheedii tahriibeed ee ay u dhimatay inuu ahaa in ay rejaynaysay gaadhitaanka Yurub si ay halkaas uga hesho tababare ka caawin kara in ay gaadho ciyaaraha Olombikada ee London.

Walaasheed Hodan oo ku nool dalka Finland, ayaa barnaamijka Newsday ee BBC-da u sheegtay waagaas in Saamiya ay ka tagtay Addis Ababa oo ay markii hore u safartay Suudaan, ka dibna sii martay Liibiya ka hor intii aanay dhiman.

"Waxa ay soo gaadhay Liibiya 2011 September, xilligaas oo aannaan dhawr bilood wax hadal ah ka maqlin, waxay ku dhex lunsanayd saxaraha Liibiya halkaas oo dhawr jeer lagu xidhay.” ayey Hodan sheegtay.

"Ka dib waxay go'aansatay inay doon ka soo raacdo halkaas, waxaana ku nidhi ha samaynin sidaas, hooyadayna waxay isku dayday inay ka joojiso safarkaas, laakiin Saamiya aad ayay uga go'anayd, waxayna waydiisatay hooyadayo cafis, hooyadayna way oggolaatay, kaddib waxa ay raacday doontii markii danbe ay ku dhimatay.”

Hooda ayaa sheegtay in qoyska ay maqleen geerida qaar ka mid ah dadka ku safrayay isla doonidaas, markii ay sii raadiyeenna ay ka war heleen in inantoodiina ay ka mid tahay dadka ku dhintay.

Warka naxdinta leh ee Samia ayaa soo shaac baxay markii Orodyahankii hore ee Olombikada Soomaaliyeed ee Cabdi Bile uu shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho.

Waxa uu xusay Mo Farah oo ah Orodyahanka Soomaaliyeed ee u guuray Boqortooyada Ingiriiska isagoo 12 jir ah, isla markaana ku guuleystay Olombikada sannadkii 2012, waa bilo ka bacdi markii ay dhimatay.

"Waan ku faraxsanahay Mo, sharaf ayay noo tahay," ayuu yidhi. "Laakiin ma iloobi doono Saamiya”

Hal mar ayaa warbaahinta adduunka ay qabsatay sheekada Saamiya, waxa laga qoray buugaag iyo suurragalnimada in laga jilo aflaam. Waxay noqotay dhacdo naxdin leh oo tusaale u ah safar nololeed oo ay ku raadinaysay rumaynta riyadeedii oo geeri ku danbeeyey.

XIGASHO:BBC


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip