Madaxweynaha Koofurta Sudan oo saxiixay heshiiska Nabadeed ee lagu soo afjarayo colaada dalkaas

0
Thursday August 27, 2015 - 18:42:08 in Wararka by
  • Visits: 1121
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Koofurta Sudan oo saxiixay heshiiska Nabadeed ee lagu soo afjarayo colaada dalkaas

    Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kiir ayaa shalay ku saxiixay Caasimada magaalada Jubba heshiis Nabadeed oo ay ka soo shaqeeyeen Dalalka Gobolka iyo Beesha Caalamka, iyadoo heshiiskan lagu soo afjarayo colaada mudada labada sano dalkaas ka jirtay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Koofurta Sudan Salva Kiir ayaa shalay ku saxiixay Caasimada magaalada Jubba heshiis Nabadeed oo ay ka soo shaqeeyeen Dalalka Gobolka iyo Beesha Caalamka, iyadoo heshiiskan lagu soo afjarayo colaada mudada labada sano dalkaas ka jirtay.
Xaflada saxiixa ayaa waxaa goob joog ahaa Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, Ra’iisul Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo Madaxweyne kuxigeenka Sudan Bakri Saleh Hassan.
               Sidoo kale waxaa xafladan goob joog ka ahaa xubno ka socday Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Ingiriiska iyo Mareykanka, kuwaasoo cadaadis ku saarayay dhinacyada Koofurta Sudan saxiixa heshiiska nabadeed ee lagu soo afjarayo dagaaladii mudada labaatanka bilood ka socday.

                Heshiiskan Nabadeed ayaa dhigaya in mucaaradka ay si awood qeybsi ah ay dowladda ugu soo biireen, iyadoo Hogaamiyaha Mucaaradka Reik Machar uu noqonayo Madaxweyne kuxigeenka, waxaana ay aheyd arrimaha uu ka biya diidanaa Madaxweyne Salva Kiir, taasoo horay uu ugu dalbaday in muddo 15 maalmood la siiyo, si uu ula soo tashato dowladdiisa.
                   Waxaa kaloo heshiiskan uu dhigayaa in Ciidamada Uganda ee ku sugan Caasimada Jubba laga saaro, dibna ugu laabtaan dalkooda, waxaana Ciidamadan taageerayaan ciidamada dowladda Koofurta Sudan.
             Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ugu hanjabay dhinacyada Koofurta Sudan in hadii ay xal gaari waayeen lagu soo rogi doono cunaqabateyn.
                  Heshiiskan ayaa hadii uu mira dhalo waxaa uu soo afjari doonaa dagaaladii sokeeye ee dalkaas curdunka ah ka bilowday dhamaadkii sanadkii 2013, xilligaasoo uu dhacay isku day afgambi la doonayay in xukunka laga tuuro Madaxweynaha talada haya Salva Kiir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip