Ra'iisal wasaare Xamse oo guddoomiyey kulan looga hadlayey ku biirista ururka bulshada bariga Afrika

0
Monday July 10, 2023 - 13:15:47 in Wararka by
  • Visits: 240
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ra'iisal wasaare Xamse oo guddoomiyey kulan looga hadlayey ku biirista ururka bulshada bariga Afrika

    Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Jamhriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta shir guddoomiyey kulan ballaaran oo looga hadlayey u diyaargarowga wadahadallada ku biirista Soomaaliya ee urur goboleedka Iskaashiga ganacsiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ra'iisul wasaaraha xukuumadda Jamhriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre ayaa galabta shir guddoomiyey kulan ballaaran oo looga hadlayey u diyaargarowga wadahadallada ku biirista Soomaaliya ee urur goboleedka Iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha ee bariga Afrika (EAC), kadib markii dhowaan la aqbalay codsiga Soomaaliya inay ka mid noqoto ururkaasi. Kulanka oo ay ka soo gaybgaleen mas'uuliyiin kala socotay laamaha kala duwan ee dowladda ayaa lagu soo bandhigay heerka u diyaargarowga dowladda Soomaaliya ee xag farsamo iyo dhaqaale. Ra'iisul wasaaraha oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ku biirista Soomaaliya ee urur gobolleedka (EAC) ay ugu jirto fursado iyo dano ganacsi, dhaqaale iyo isu socod kuwaasi oo abuuraya maalgashi iyo shaqooyin wax weyn ku soo kordhinaya dhaqaalaha dalkeena. Waxaa uu sheegay in xubinnimada Soomaaliya ay u sahleyso ganacsatada Soomaaliyeed ka mid noqoshada suuq weyn ay kaga faa'iideeystaan inay u iibgeeyaan badeecadahooda iyadoo aan la canshuurin. Shirka ayaa waxaa warbixinno ku saabsan heerarka kala duwan ee uu soo maray codsiga dowladda Soomaaliya, qaabka loo wajahayo wada xaajoodka iyo waxa ay ka qabsan karto Soomaaliya soo jeediyay Ergayga gaarka ah ee u qaabilsan madaxweynaha Cabdisalaan Hadliye Cumar iyo La taliyaha horumarinta Ganacsiga ee Ra'iisul wasaaraha Cabdiqani Jaamac. Ra'iisul easaare Xamse Cabdi Barre ayaa ugu dambeyn bogaadiyey shaqada ay qabteen Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha iyo saraakiisha kale ee kala shaqeeyay hawsha lagu guuleystay ee ku-biirista Soomaaliya ee urur goboleedka bariga Afrika (EAC).




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip