Bashar Al-Assad oo booqasho layaab leh ku tagay magaalada Moscow (Sawirro)

0
Wednesday October 21, 2015 - 18:46:50 in Wararka by
  • Visits: 712
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Bashar Al-Assad oo booqasho layaab leh ku tagay magaalada Moscow (Sawirro)

    Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad ayaa maanta booqasho layaab leh ku tagay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, taasoo ah safarkiisii u horeeyay ee uu dibada ku tago, tan iyo markii ay dalka Suuriya ka bilowdeen dagaalada sokeeye. Labada Madaxwey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad ayaa maanta booqasho layaab leh ku tagay magaalada Moscow ee dalka Ruushka, taasoo ah safarkiisii u horeeyay ee uu dibada ku tago, tan iyo markii ay dalka Suuriya ka bilowdeen dagaalada sokeeye. Labada Madaxweyne waa Madaxweynaha Suuriya iyo Madaxweynaha Ruushka ayaa wada hadalo ku qaatay aqalka Kremlink, iyagoo ka wada hadlay xaaladihii u dambeeyay ee dalka Suuriya iyo weerarada Cirka ee Ruushka ka wado dalkaas.

Madaxweynaha Suuriya Bashar Al-Asad ayaa u mahad celiyay Ruushka, waxaana uu xusay in Ruushka uu joojiyay is fidintii Argagixisada ee Suuriya.

Sidoo kale Madaxweyne Putin ayaa sheegay in kaliya Ruushka uusan diyaar u ahayn oo kaliya milatari la dagaalama argagixisada, laakiin uu sidoo kale diyaar u yahay in xal siyaasadeed la helo mashaakilka Suuriya.

Ruushka ayaa bishii hore bilaabay weeraro cirka ah oo ka dhan ah Daacish iyo falaagada dagaalka kula jirta Madaxweyne Bashar Al-Assad, waxaana weerarada cirka dhaleeceeyay dalalka reer galbeedka.

bashar asad (4) bashar asad (3) bashar asad (1)bashar asad (5)




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip