Wasiirka arrimaha dibadda oo gaaray New York, halkaas oo uu shir caalami ah uga qaybgalayo

0
Wednesday May 24, 2023 - 13:11:35 in Wararka by
  • Visits: 183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka arrimaha dibadda oo gaaray New York, halkaas oo uu shir caalami ah uga qaybgalayo

    Wasiirka arrimaha dibadda dowladda FS mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Maraykanka, halkaas oo uu ka furmayo shir caalami ah oo dhaqaale yabooh loogu samaynayo dalalka bariga Afrika ee la dhibaatoonaya saamaynta abaar

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda FS mudane Abshir Cumar Jaamac ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Maraykanka, halkaas oo uu ka furmayo shir caalami ah oo dhaqaale yabooh loogu samaynayo dalalka bariga Afrika ee la dhibaatoonaya saamaynta abaarihii isxigxigay ee soo maray. "In kasta oo dalkeenna inta badan roobkii Gu'gu ka curtay hadana waxaa weli taagan saamaynta ay reebeen shantii xilli roobaad ee ina dhaafay oo aan si wanaagsan u da'in" ayuu yiri wasiir Abshir. Wasiirka ayaa khubad ka jeedin doona shirka, si uu madaxda ula wadaago xaaladda Soomaaliya iyo soo kabashada ay ka samaynayso abaarihii soo maray, kuwaas oo boqolaal kun oo Qoys oo xoolo dhaqato iyo beeraley isugu jira ay ku barakaceen. Sidoo kale wasiir Abshir ayaa kulamo gaar ah la qaadanaya madaxda iyo hay'adaha ka qaybgalaya shirkaas, si looga wada xaajoodo in Soomaaliya lagu caawiyo mashaariic bulshada gaarsiin kara u adkaysiga abaaraha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip