
Daawo: Xamza oo $10,000 guddoon siiyay HOOYO sameysay arrin geesinimo leh
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa guddoonsiiyay abaalmarin lacageed oo gaareysa toban kun oo dollar ($10,000) Hooyo Soomaaliyeed oo sameysay ficil geesinimo leh oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.
Hooyo Farxiyo ayaa waxay abaalmarintan ku muteysatay kadib markii ay diiday xubno Shabaab ah inay gurigeeda ka dhigtaan marin ay usii dhex-maraan bar-kontarool oo ku yaalla degmada Kaxda, islamarkaana ay waxyeelo kasoo gaartay qaar kamid ah qoyskeeda diidmada ay kala hortagtay Shabaab-ka.
"Waad ku mahadsan yihiin Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha illaa Xildhibaanada oo waalidkeyga iyo walaaladay ah, wixii isoo gaadhay ayaa maanta la iga maydhay, waa u mahad-celinayaa.” ayay tiri.
Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa abaalmarintan oo aheyd mid dhiiri-gelin ah ku guddoonsiiyay hooyada qoska gurigooda u diiday Shabaab-ka munaasabad mka dhacday degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.
Mudane Xamza ayaa sidoo kale waxa uu amray in loo dayac-tiro gurigii ay ku noolayeen oo burbur uu kasoo gaaray diidmadii ay kala hortimid xubnaha Shabaab-ka ee xilligaasi rabay inay bambaano ku weeraraan ciidamada ku sugan isgoys ciidamadu ku sugan yihiin oo ka fogeyn gurigaasi.
Hoos ka daawo muuqaalka
Daawo: Xamza oo $10,000 guddoon siiyay HOOYO sameysay arrin geesinimo leh
.