Muxuu madaxweyne Xasan Sheekh ka yiri dhinacyada isku haya dagaalka SUDAN?

0
Sunday April 16, 2023 - 09:37:26 in Wararka by
  • Visits: 275
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu madaxweyne Xasan Sheekh ka yiri dhinacyada isku haya dagaalka SUDAN?

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo war cusub soo saaray ayaa ka hadlay dagaalka culus ee Sabtidii ka qarxay dalka Suudaan, kaas oo haatan kasii daraya, kuna sii fidayo meelo horleh, sida ay sheegayaan wararka hadda soo baxaya.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo saaray bayaan ku qoran luqadda Ingiriiska ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka, kadibna wax kasta lagu dhameeyo wadahadal.

"Xaaladda oo lasii huriyo iyo rabshadaha oo lasii kordhiyo kuma imaanayaa xalka caqabadaha ay wajahayso Jamhuuriyadda Suudaan,” ayuu Xasan Sheekh ku yiri nuqul kamid ah war-saxaafadeedka uu soo saaray

 

Sidoo kale waxa uu farriin u diray beesha caalamka, isaga oo ugu baaqay inay qaadato doorka kaga aadan dhex-dhexaadinta labada dhinac, si loo qaboojiyo xiisadda Suudaan.

Horay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay ku muujisay, sida ay uga walaacsan tahay isku-dhacyada hubaysan ee u dhexeeya ciidamada iyo xoogagga birmadka deg-degga ee dalka Suudaan.

"Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu baaqaysaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh dirirta in ay si deg deg ah u joojiyaan colaadda, isla markaana ay is xakameeyaan, ayna guda-galaan wadahadal lagu xalinayo khilaafka, si loo dhowro amniga iyo xasiloonida siyaasadeed,” ayaa lagu yiri bayaanka ay wasaaradda ka soo saartay rabshadaha ka soo cusboonaaday Suudaan.

 

Dhanka kale, wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in weli xaaladda ay kacsan tahay, waxaana saaka jugta madaafiic culus laga maqlay Omdurman oo kaabiga ku haysa caasimada Khartoum iyo Bahri oo iyadana ku dhow. Goob joogayaal ayaa sidoo kale sheegay in rasaas ay ka dhacaysay magaalada Port Sudan ee ku taalla dhanka badda cas.

Sidoo kale, ugu yaraan 56 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen iska horimaad culus oo u dhaxeeyay ciidamada Suudaan iyo ciidamada RSF ah kaas oo ka dhacay caasimadda dalkaasi ee Khartoum.

 

Wararka ayaa sidoo kalen intaasi kusii daraya in dagaallada ay kusii fideen qeybo kale oo dalka ka mid ah oo uu ku jiro gobolka Daafuur, halkaas oo ay ka jirto xaalad aanan deganayn.

Si kastaba, dagaalkan ayaa billowday xilli aan la fileyn, isla-markaana dadka ay si caadi ah u wataan halw-maalmeedkooda.

Muxuu madaxweyne Xasan Sheekh ka yiri dhinacyada isku haya dagaalka SUDAN?




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip