FAALLO "SOMALIYA Iyo Booto aan la is qabadsii karin!!!."

0
Wednesday April 05, 2023 - 19:19:59 in Wararka by
  • Visits: 902
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FAALLO "SOMALIYA Iyo Booto aan la is qabadsii karin!!!."

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

1-Somaliya waxaan nahay Ummad mideeysan ( oo leh dhowr Maamul Gobaleed oo kala aragti ah iyo Madax heeysato Dhalashada 50 waddan).

2.Waxaan nahay Ummad isku Diin ah ( oo Qolaba Qolada kale u dilee Gaalaa tihiin)

3.Waxaan nahay Ummad isku Asal ah ( oo ku doodee Carab aan nahay iyo ma nihin)

4.Waxaan nahay Ummad isku Af ah ( oo Caruurtooda loo kala tarjumayo)

5.Waxaan Nahay walaalo is jecel. ( Colaadooduna aynan Dhamaan)

6.Waxaan nahay Dad Dowladda Jecel ( Sharcigana aan dhowrin)

7.Ciidankeenu waa Libaaxyadii Afrika ( Midkoodna Xuduuda Dalka ma joogo)



Riyada Maamulada.

1. Punt land: ayaa sheegtay in aynan Aqoonsaneyn, lana Shaqey doonin Safiirka cusub ee Mareykanku u magacaabay Dalka Shiinaha.

2. Somali land: ayaa sheegtay in ka Dowlad ahaan ay dhax dhaxaad ka noqon doonto Arrinta Ukraine.

3. Koofur/Galbeed: ayaa ugu hanjabtay Masaarida in Haddii Masar ay ku xad gudubto Heshiiskii Biyaha Nile.

 

In K /Galbeed aynan Indhaha ka qabsan doonin, xad gudub lagu sameeyo Ethiopia.

4. Galmudug: ayaa leh waxaan jooji doonaa Dhaqaalaha aan siino Bangiga Aduunka iyo EU haddii aynan Farsamadda Casrigaa gaarin karin Wadamada soo korayo.

5. Jubaland: ayaa leh, Suuqa Bariga Afrika Hadaan nalagu darin, waxaan Cunaqabateyn saari doonaa 7da Dal ee Xubnaha ka ah, Anga oo ka xiridoono Hawada iyo Badda.

 

Dowladda Kenya si gaar ah ayaan u sari doonaa


 Xayiraadda Hubka.

5. Hirshabeele: ayaa leh, Waxaan Golaha amaanka uga digeynaa Haddaan Caasimada Yuhudda laga bedelin Baytul qudus, waxaa ballan qaadeynaa in Israel iyo Xulafadeeda aan Darsi sii Doonaa.

6.Dowladda Federaalka ayaa Ballan qaaday in Dowladda Nageria ay ka Gacan siin doonto sidii Boka Xaaram looga titiri lahaa Nageria iyo in Caalamka oo dhan ay ka sifeeydoonto Argagixisada.

 

Si loo helo Caalam Heshiis ah Argagixisadana la Heshiis ah.

Somalidu ma Riyo ku noolaa, meey Runta naftooda u sheegaan.

 

Mise waxa ay ku noolaa doonaan Booto aan la is qabadsii karin?.


Qore:Yahya Amir

.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip