Maareeye "Inta aan sanadkan dhamaan ayaa la dhisayaa maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe

0
Wednesday October 21, 2015 - 09:15:05 in Wararka by
  • Visits: 680
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeye "Inta aan sanadkan dhamaan ayaa la dhisayaa maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe

    Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo howlaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo ka dhawaajiyay in la dhisi doono inta aanu dhamaan sanadkan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo howlaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, isagoo ka dhawaajiyay in la dhisi doono inta aanu dhamaan sanadkan.
 Maareeye ayaa sheegay in markii hore qorshuhu aha in bisha November la soo xulo ergooyinka iyo Baarlamaanka, si doorashada Madaxweynaha loo qabto, hase ahaatee ay dib u dhigeen murano iyo waxyaabo kale oo jiray.

"Meel aad u fiican ayuu marayaa howlaha maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe markii hore waxaa loogu tala galay bisha November in ergooyinka la xulo iyo baarlamaanka la xulo, si doorashada madaxweynaha loo galo, laakiin marka wax la dhisayo dad badan talada laga qeyb geliyo la rabo murano badan iyo waxyaabo kale iska soo baxaya”ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in ka hor bisha December ay suuroobi doonto in Madaxweyne iyo Baarlamaan la doorto, waxaana uu rajo ka muujiyay sida ay iminka u socoto howsha.

Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dhaqan gelinta qodobadii ka soo baxay shirka wada tashiga, waxaana uu xusay in la go’aansaday Guddiga howl fulinta iyo guddiga farsamada ay dhowaan u baxaan Gobolada, si ay kulamo wada tashi ula yeeshaan bulshada rayidka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip