Daawo: Xasan Sheekh oo shaaciyay go'aan la xiriira doorashada soo socota

0
Wednesday March 22, 2023 - 08:35:37 in Wararka by
  • Visits: 376
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Xasan Sheekh oo shaaciyay go'aan la xiriira doorashada soo socota

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay khudbad xasaasi ah ka jeediyay munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada ayaa ka hadlay arrimo la xiriira doorashooyinka dalka.

Madaxweynaha ayaa marka hore shaaca ka qaaday go’aan culus oo la xiriira doorashada soo socota 2026, wuxuuna ku dhawaaqay inay noqon doonto qof iyo cod.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in la’isku dooran doono xisbiyo, si looga gudbo nimdaamka beelaha ee 4.5, kaas oo ay haatan ku dhisan tahay dowladda federaalka.

"Soomaaliya ilaahey idinkiis doorashada soo socota waa qof iyo cod xisbiyeysan oo xisbi la’isku doorto,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

 

Waxa kale oo uu intaasi sii raaciyay "Xisbiga waa suuq badeecado la keensado badeecada la keensanaayana waa caqli”.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in furaha siyaasadda uu yahay abaabul iyo fakir, sidaas daraadeedna aan loo baahneyn tiro badni.

"Siyaasadda tiro badnaan ma’aha, laandheere ma’aha siyaasaddu waa abaabulnaan iyo fikir,” ayuu markale yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale madaxweynaha ayaa diray fariin guud, wuxuuna ku baaqay in dowladdiisa lagala shaqeeyo amniga iyo hirgelinta doorashadaas, si ay u noqoto qof iyo cod ah.

Hadalkan madaxweynaha ayaa kusoo aadayo xilli xasaasi, isla-markaana uu haatan baarlamaanka horyaallo qorshe wax looga beddalayo dastuurka, si muddo kordhin horleh loogu sameeyo hay’adaha dowladd, lagana dhigo muddo xileedkaooda muddo 5 sanno ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip