Madaxweynaha Shiinaha oo la kulmay Boqorada Britain (Daawo Sawirada)

0
Wednesday October 21, 2015 - 09:06:18 in Wararka by
  • Visits: 825
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Shiinaha oo la kulmay Boqorada Britain (Daawo Sawirada)

    Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping oo booqasho rasmi ah ku joogga Magaalada London, ayaa waxa uu kula kulmay Boqorada Britain, Queen Elizabeth, oo ku qaabishay Qasriga Boqortooyada. Madaxweynaha Shiinaha oo si diiran ay u soo dhaweysay Boqorada Brita

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping oo booqasho rasmi ah ku joogga Magaalada London, ayaa waxa uu kula kulmay Boqorada Britain, Queen Elizabeth, oo ku qaabishay Qasriga Boqortooyada. Madaxweynaha Shiinaha oo si diiran ay u soo dhaweysay Boqorada Britain, ayaa wuxuu xalay la qaatay kulan casho ah, isagoona kaga mahadceliyay casho sharafta ay u sameysay. Madaxweynaha oo waqti Boqorada Elizabeth kula qaatay Qasriga Buckingham, ayaa waxa uu ka sheekeeyay xiriirka labada dhinac iyo midka ganacsi ay lee yihiin, isagoona ku sifeeyay mid xidideystay.

Dhanka kale Madaxweynaha Shiinaha, ayaa Talaaladadii khudbad socotay 11 daqiiqadood ka jeediyay labada aqal ee Baarlamaanka Britain uu ka kooban yahay. Wuxuuna si weyn u ammaanay xiriirka labada dal, waana tan i siinaysa buu yiri sabab aan ku rumeysto booqashada inay xoojinayso xiriirka saxibtinimada ee Shiinaha iyo Britain.

Sidoo kale wuxuu sheegay in isku tiirnaanshaha xagga dhaqaale ee Britain iyo Shiinaha, ay tahay mid ay labada dalba danahooda ku wadaagayan, sidoo kalana ay lee yihiin xiriir is afgarasho oo aad isugu dhow, sida uu yiri.

Madaxweyne Xi Jinping, ayaa booqasho afar cisho qaadanaysa ku jooggi doona Britain, waxa uuna ku sheegay mid kordhinaysa uun xiriirka Shiinaha iyo Britain.

Arbacada maanta, ayaa waxaa lagu wadaa in Jinping uu kulan la qaato Ra’iisal Wasaaraha Britain, David Cameron. Jinping ayaa goobo kala duwan booqan doono mudada uu booqashada ku jooggo dalkaasi.

Xi Jinping  Xi Jinping1 Xi Jinping1-Xi Jinping2 Xi Jinping3- Xi Jinping4 Xi Jinping5 Xi Jinping6Xi Jinping7   Xi Jinping91Xi Jinping92

 






Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip