
Madaxweynaha dalka Ruushka, Vladimir Putin oo xalay booqasho lama filaan ah ku tegay magaalada Mariupol
Madaxweynaha dalka Ruushka, Vladimir Putin ayaa xalay booqasho lama filaan ah ku tegay magaalada Mariupol ee dalka Ukraine oo ay qabsadeen ciidamada dalka Ruushka sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Ruushka.
Muuqaalo la baahiyay ayaa muujinaya Vladimir Putin oo xilli habeen ah baabuur yar ku dhex maraya waddooyinka magaalada Mariupol, isaga oo la hadlayay dadka deegaanka.
Booqashadan ayaa la rumeysan yahay in ay tahay tii ugu horreysay ee Putin ku tago dhulka cusub ee Ukraine dhawaan laga qabsaday.
Madaxweyne Putin ayaa magaalada Mariupol ku tegay diyaarad helicopter ah sida ay sheegtay Wakaalada wararka ee Tass.
Sidoo kale Putin ayaa la sheegay inuu la kulmay taliyeyaasha ugu sarreeya ciidamada Ruushka ee ku sugan magaalada Mariupol.
Madaxweyne Putin ayaa waxaa booqashada ku wehliyay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Ruushka, Marat Khusnullin, kaas oo Putin u sharaxayay sida uu u socdo dib u dhiska magaalada lagu sameynayo maadaama ay magaaladu ku burburtay dagaalka Ruushka iyo Ukraine.
Magaalada Mariupol oo jirta dhanka Ruushka ayaa laga qabsaday ciidamada Ukraine, iyadoo dadka reer Mariupol laga qaaday afti ah in ay Ukriane ka go’aan kuna biiraan dalka Ruushka, waxaana arrintaas diiday Qaramada Midoobay, dowladaha reer yurub iyo dowladda Ukraine.
Koox dadka deegaanka ah ayaa BBC u sheegay in Ruushku uu wado olole qaali ah oo dib loogu dhisayo magaalada Mariupol, uuna kasbanayo quluubta iyo maskaxda dadkeeda, ujeedada ayaa ah in Mariupol lagu daro dalka Ruushka.
Mariupol, waxaa ka dhacay dagaaladii ugu dheeraa uguna dhiiga badnaa ee dhexmara dalalka Ruushka iyo Ukraine, waxayna magaaladu ku burburtay dagaaladaas.
Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyadda (ICC) ayaa Jimcihii soo saartay warqad lagu soo xirayo madaxweynaha dalka Ruushka, Vladimir Putin kaas oo lagu eedeeyay inuu dalka Ukraine ka gaystay dambiyo dagaal.
Warqada soo qabashada madaxweyne Putin ee Maxkamadda caalamiga ah ee dambiyadda ICC ayaa la macno ah in Putin hadda la xiri karo haddii uu cag soo dhigo mid ka mid ah 123 dowladood ee xubnaha ka ah maxkamadda.
Sabtidii madaxweyne Putin ayaa booqasho aan la shaacin ku tegay Jasiiradda Crimea, si uu u xuso sanadguuradii sagaalaad ee ka soo wareegtay markii Crimea ka go’day Ukraine.
Sawirkaan hoose waa xalay, waana Putin oo dhex taagan magaalada Mariupol.
Madaxweynaha dalka Ruushka, Vladimir Putin oo xalay booqasho lama filaan ah ku tegay magaalada Mariupol
..