War-Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran Ee Baydhabo

0
Friday March 17, 2023 - 21:02:46 in Wararka by
  • Visits: 311
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War-Murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran Ee Baydhabo

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Magaalada Baydhabo waxaa lagu soo xiray shirka golaha wadatashiga qaran, kaasoo labadii maalin ee lasoo dhaafay u socday madaxda dowladda, qaar kamid ah kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Sida ku cad war-murtiyeedka shirka laga soo saaray, madaxda ayaa ka heshiisay Federaaleynta maaliyada dalka, dimoqraadiyadeynta iyo doorashada, dhameyatirka heshiiska qaab dhismeedka amniga qaranka iyo arrimo kale.

Golaha ayaa ka dooday arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan in dalka doorasho qof iyo cod ah, waxaana Goluhu isku raacay in gorfeynta arrimaha doorashooyinka lagu dhameystiro kulanka xiga oo dhici doona May 2023.

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa Guddi iska dhex saaray oo ay xubno ka yihiin Madaxweynayaasha Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle, kuwaasoo loo dirayo Puntland, si ay ula soo xaajoodaan, si ay uga qaataan doorkooda wada hadalada masiiriga ah u ah dhameystirka dowlad dhiska dalka.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama iyo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Puntland ayaa ka maqan heshiiskan, iyadoo aan la ogeyn sida ay saameyn ugu yeelan karto maqnaansheheeda dhaqan gelinta qodobada ay isla qaateen madaxda.

Akhriso: War murtiyeed laga soo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaran - Somali News Leader


war-murtiyeed laga soo saaray shirkii golaha wadatashiga qaran ee baydhabowar-murtiyeed laga soo saaray shirkii golaha wadatashiga qaran ee baydhabowar-murtiyeed laga soo saaray shirkii golaha wadatashiga qaran ee baydhabowar-murtiyeed laga soo saaray shirkii golaha wadatashiga qaran ee baydhabowar-murtiyeed laga soo saaray shirkii golaha wadatashiga qaran ee baydhabo



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip