Daawo: DF Soomaaliya oo Muqdisho uga dhawaaqday dagaal cusub oo ka dhan ah…

0
Friday March 17, 2023 - 10:25:44 in Wararka by
  • Visits: 238
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: DF Soomaaliya oo Muqdisho uga dhawaaqday dagaal cusub oo ka dhan ah…

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka ayaa waxaa looga dhawaaqay dagaal ka dhan ah Maandooriyaha iyo dadka ka ganacsan, taasi oo dhibaayo xooggan ku haysa bulshada caasimada iyo xasilloonida dalka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Sulub Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in hay’addaha amnigu ay gacan adag ku qaban doonaan dadka ka ganacsada Maandooriyaha.

 

"Umadda Soomaaliyeed waxay ogeyd hal cadow oo la yidhaahdo Khawaarij, waxaa kusoo biiray cadaw kale oo ka daran Khawaarijta oo dadka ku dhex jira oo badelaya qof dhiiggiisa iyo noloshiisa, waxaa rabaa in aan idin sheego in aan la dagaalameyno oo waxaa rajeynayna in aan suulino,” ayuu yiri Taliye Sulub.

Taliyaha ayaa waxa uga digay dadka ka ganacsada noocyada kala duwan ee maandooriyaha inay ka waantooban, "Ha dhibaateynina waa dadkiina, ka waantooba waxaas. Dadkeena uma baahna dhibaato ka badan Khawaarijta midda ay u geysatay.”

Sidoo kale waxa uu ballan-qaaday in saraakiisha dowladda oo qaarkood lagu eedeyo inay qeyb ka yihiin ka ganacsiga waxyaabaha maan-dooriyaha ay ka sifeyn doonaan hay’addaha dowladda, sida uu sheegay.

"Kuwa banaanka ka keenaya ee meelaha isku qarinaya waxaa ugu tageyna meelahood oo guud ahaan dalka waxaa ka sameynayna howl-galo lagu ciribtirayo waxaas,” ayuu yiri.

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa "Dadka waxan qashinka ah dhalinta u qaadsiinaya waxaa leenahay ilmuhu waa ilmihiina waa kuwa dhasheen oo kale, oo dadkiina dhinac ka raaca wax xalaal ah raadsada Ilaahay ayaa idin siinaya.”

Howl-gallada cusub ee ku dhawaaqay taliyaha ciidanka Booliska ayaa imanaya kadib kulan ka dhacay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar, kaasi oo diiradda lagu saaray la-dagaallanka Muqaadaraadka iyo waxyaabaha Maankadooriya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip