Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay qorshe cusub

0
Tuesday March 14, 2023 - 07:34:26 in Wararka by
  • Visits: 411
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo shaaciyay qorshe cusub

    ,,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,,

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo shalay furay shirweynaha qaran ee waxbarashada dalka ayaa shaaciyay qorshaha waxbarasho ee dowladda uu hoggaamiyo.

Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu tilmaamay in dowladda federaalka ay ka go’an tahay dib u soo nooleynta, mideynta iyo tayeynta nidaamka waxbarasho ee dalka

 

Waxa uu shaaciyay in la shaqaaleysiin doono toban kun oo Macallimiin Soomaaliyeed ah, si kor loogu qaado fursadaha waxbarasho ee ay heli karaan muwaadiniinta Soomaaliyeed.

"Waa in aan hubino barid tayo sare leh oo ay hormuud u yihiin xirfadlayaal iyo Macallimiin lagu xulay tartan daah-furan inaga oo shaqaaleysiin doona ugu yaraan 10,000 oo Macallimiin ah,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.Madaxweynaha ayaa sidoo kale waxa uu istaagay qorshaha dowladda ee baahinta adeeg waxbarasho oo tayo leh iyo xaqiijinta Manhaj mid ah oo Qaran oo wax lagu baro ubadka Soomaaliyeed.

"Qorshaheennu waa in aan kordhinno tirada ardayda xaadirta iskoolada oo ay ku jiraan kuwa ku dhaqan miyiga iyo bulshooyinka nugul, sidoo kale waa in aan dhaqan-galinno manhaj mid ah oo Qaran.”

Xasan Sheekh ayaa ka marqaati kacay in fursadaha waxbarasho ee xilligaan ay helaan dhallinyarada Soomaaliyeed ay aad u hooseeyaan, taasi oo caqabad ku ah dhisidda mustaqbal wanaagsan iyo xaqiijinta yoolasha horumarineed ee dalka.

Waxa uu ka dalbaday aqoon-yahanka, qurbe-joogta iyo kaadiriinta waxbarashada dalka in ay gacan ka gaystaan hirgalinta natiijooyin waxbarasho oo u dan ah jiilka soo koraya, si loo xaqiijiyo degenaasho siyaasadeed, horumar dhaqan-dhaqaale iyo barwaaqo baahsan oo ka hanaqaadda dalkeenna.

 




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip