Waxbarashadu waa rajada kaliya ee Soomaaliya ku gaari karto horumar waara

0
Thursday March 09, 2023 - 08:35:57 in Wararka by
  • Visits: 1793
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waxbarashadu waa rajada kaliya ee Soomaaliya ku gaari karto horumar waara

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..
WQ: Faarax Sh. Cabdulqaadir Maxamed

 
Waxbarashadu waa cabirka kaliya ee dhabta ah ee lagu ogaan karo awoodda xaqiiqda ah, kartida waxqabad iyo filashada Qaran yeelan karo.    
        Waxbarashadu waxay udub dhexaad u tahay Qaran dhiska, aqoonsiga ummadeed iyo isku xirka caalamka. Si kooban waxbarashadu ma go`aamiso aayaha iyo mustaqbalka qofka oo kaliya, ee waxay go`aamisaa mustaqbalka bulshada oo dhan.


       Waxaa jira tartan adag oo loogu jiro in dalba dalka kale uu kaga horumaro dhanka xaqiijinta ujeeddooyinka waxbarashada, fursadaha helitaankeeda, iyo tayaynteeda, si sare loogu qaado heerka aqooneed ee dadkooda.
        Qaramada dunida ugu horumarsan waxay ku horumareen aqoonta iyo xirfadaha ay muwaadiniintooda ka kasbadaan nidaamkooda waxbarasho.
      Waxaa jira xiriir marag ma doonto ah oo ka dhaxeeya waxbarashada, xasiloonida bulshada, horumarka iyo barwaaqada uu dal yeelan karo.
      Dhankeenna Soomaaliya waxaan bilownay inaan ahmiyad gaar ah siino arrintan, aanna qaadno tillaabooyin aan wax ku hagaajineyno.
           Dagaalka daba dheeraaday ee aan sodonka sano ka badan ku jirnay ayaa burburiyay dhammaan hay`adihii qaran ee muhiimka u ahaa in waxbarashadu ay horumarto. 
      Waxaa burburay xarumahii tacliinta, agabkii waxbarashada, buugaagtii iyo diiwaanadii waxbarasho ayaa dhamaan la baabi`yay. 
      Macalintii tayada lahaa ayaa ku kala firxaday dalka gudihiisa, gobolka geeska Afrika iyo Caalamka oo idil taas oo baabi`say cududii shaqaalaha, ee bahda waxbarashada ee dalku ku tiirsanaa. 
        Waxaa nagu yimid gaabis waxbarasho oo jiilal badan iskaga gudbay intii lagu guda jiray Qaran burburkii ilaa iyo waqtigan aynu hadda joogno.
 
Hey`adaha waxbarasho ee gaarka ah iyo kuwa bulshada leedahay ayaa dadaal u galay inay daboolaan baahiyaha baaxadda leh ee ay qabaan shacabka Soomaaliyeed. 
        Taas ayaan se dabooli karin baahida waxbarasho ee dalka taal. Xilligan la joogo sababo la xiriira duruufaha aan kor ku xusay dartood, Soomaaliya waxay ku jirtaa dalalka ugu hooseeya dunida, gaar ahaan dhanka qorista caruurta ee dugsiyada, tayada waxbarista iyo wax soo saarka ardayda. Halkan ma ahan xaalka aynu rabno inaan kusii nagaanno, amaba aan kusii nagaan karno, haddii aan dooneeyno inaan ka lib keenno mustaqbal ifiya oo dalkeenna uu gaaro.

      Soomaaliya waa tusaalaha ugu fiican ee noo iftiiminaya xiriirka ka dhaxeeya Qaran dhiska, horumarka waara iyo waxbarashada. Dhab ahaan waxaa jirta dood adag oo tilmaameysa in Soomaaliya ay uga weecatay jihada Qaran dhiskeeda iyo ilaalinta Madaxbannaanideedaba sababo la xiriira inaan luminay haybteena ummadeed. Halkii aan bulshadeena ku hagi lahayn Heyb Qaran oo ku saleysan qiyamka iyo danaha aan wadaagno, waxaan ku habsaannay dano qofeed ama qabiil. Muddooyinkan dambe waxaa abuurmay sheekooyin iyo taariikho kala geddisan oo wali na kala qaybiyanaya.

       Ma jiri doonto mabaadi’ guud oo tixraac u noqon kara nabadgalyo iyo horumar waara haddii aan sidaan kusii soconno. Sidaas darteed waa inaan ka baxnaa dabinkaan halista ah ee uu sii xoojinayo jahliga iyo is-aamin la`aanta, innaga oo uga gudbeyna waxbarsho mideysan oo ay wada heli karaan caruurteena.

       Waxbarashadu waa waxa kaliya ee abuuri kara hayb ummadeed oo leh hiigsi ka fog dano qofeed ama qabiil. Dadkeennu waxay leeyihiin taariikh hodan ah, sheekooyin iyo mustaqbal ay wadaagaan, kuwaas waxaa lagu xoojin karaa dhismaha hannaan waxbarasho loo simanyahay oo ku dhisan hal abuur iyo curin cusub.

      Waxaa lama huraan ah inaynu iskugu nimaanaa wadahadal lab xaarnaan leh oo qotodheer, kuna saabsan hiigsiga nidaam waxbarasho tayo leh oo ay ka wada faa’ideysan karaan dadkeena. Sidaa daraadeed ayaa aan u qabanqaabinay shirweynaha waxbarashada Qaranka inta u dhaxaysa 13 - 17ka Maarso 2023.

      Shirweynaha Qaran ee waxbarashada waxa uu diirada saarayaa sameynta aragti guud ee waxbarasho oo sal looga dhigay danaha Qaran, ballaarinta helitaanka waxbarasho loo simanyahay, sare u qaadidda tayada waxbarasho iyo u helidda maalgalin joogto ah si aan caruurteena da’da waxbarasho gaaray aanay ugu dhicin waxbarasho la'aan. Arrinta ugu dambeysa arrimaha aan ka soo hadlay ee ah in aan caruurteena looga tagin dhaqaale dartiis waa in ay doodeena u jiheysantaa in waxbarashadu tahay maalgalin jiilal iskaga gudubta oo dhista awooda dadkeena, abuurtana fursado horseeda horumar waara, halkii aan u arki lahayn qarash ama makhaasiir inaga baxaysa. Waxaan ugu baaqayaa dhammaan saamileeyda waxabarashada Soomaaliya in aysan waxba kala harin taageerada waxbarashada dalkeenna.

      Waxaan shirweynaha ku lafa guri doonnaa habka ugu mudan in loo mareeyo hannaanka waxbarashada, iyadoo leh doorar cad iyo masuuliyado ka dhexeeya dhammaan saamileeyda. Waxaan ku qanacsanahay in haddii la helo xalal Qaran oo hal abuur leh, aan u beddeli karno caqabadaha waxbarashada ee jira fursado waxbarasho oo cusub. Sida cad, waxaa jira door weyn oo ay qaadan doonaan dowladda Federaalka, Dawladaha xubnaha ka ah dawladda Federaalka, bulshada, ganacsiga gaarka ah iyo taageerada bahwadaagteenna caalamiga ah.
 
     Gebagabadii, mustaqbalka Soomaaliya ayaa wali ku jira geeddi-socod. Inkasta oo horumar la sameeyay, wali waxaa taagan caqabadaha amni, siyaasadeed iyo dhaqan-dhaqaale. 
     Sida aan qabo waxbarashada ayaa ah habka ugu wanaagsan ee si dhaqso ah looga gudbi karo caqabadahaan laguna gaari karo mustaqbal horseeda xasilooni iyo fursaddo.


Faarax Sh. Cabdulqaadir Maxamed - Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip