Saddaxdaan Nin oo kale ma laga helaa Somaliya?=Faallo=

1
Tuesday March 07, 2023 - 18:35:02 in Wararka by
  • Visits: 750
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddaxdaan Nin oo kale ma laga helaa Somaliya?=Faallo=

    ..

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

..

 

Waxaa u baxay in aan Xaafadda Dhaxdeeda xoogaa soo soc socdo.

 

Waxaan la kulmay Guri la amray in la dumiyo oo buuq ka tagaan yahay.

Waxaan soo xasuusatay.

1.

 

Dowladii Sayid Cumar bin khidaab RC, ayaa soo saartay Amar lagu Duminayo Gurigii Cabaas bin Cabdul mudalib, iyada oo looga dhisayo Guriga Meel kale. (( taasi waa Go’aan Dowldeed oo rasmi ah))

2.

 

Sabatuna waxa ey aheyd in la ballaariyo DhulkaKacbada. (( Taasi waa Arrin loo qaateen ah))

3.

 

Cabaas ayaa yiri: Maya, Cumarow Gurigeyga la dumi maayo. (( taasi waa Xuriyadda Milkiyadda Qofka)

4.

 

Cumar ayaa yiri: Cabaasoow waxa loo Duminayo waa Beytulaah Kacbada Darted. (( Taasi waa Beer laxawsi))

5.

 

Cabaas ayaa yiri: waan kaa diiday Cumarow. (( taasi waa cisadda Muwaadinku ku leeyahay.

 

Madaxda Dowladda Horteeda))

6.

 

Cumar ayaa yiri: aan aadno Maxkamadda. (( Taasi waa Cadaalad doon))

7.

 

Cumar ayaa hadana yiri: Cabasow noo xul Qaali noo kala gar naqo(( taasi waa tawaaluc iyo kalsooni siin))

8.

 

Cabaas ayaa yiri: waxaa noo kala gar qaadato Qaaliga la yiraa, Shuriix. (( taasi waa Sumcad iyo Daacadnimo))

9.

 

Cumar ayaa yiri: waan kugu raacay. (( taasi waa sinan))

10.

 

Cabaas ayaa yiri: Amiirul Mu’miniinow noogu yeer Qaaliga. (( taasi waa kala dambeyn))

11.

 

Cumar ayaa yiri: Qaaligu Qof uma tago ee Annagaa Aadeeyno(( Taasi waa Madaxbanaanida Garsoorka))

12.

 

Qaaligii Markii loo tagay ayuu yiri: Amiirul Mu’miniinow, maxaad isku heysatiin. (( Amiirul Mu’miniinow.

 

Taasi waa Ixtiraamidda Masuuliyiinta))

13.Cumar ayaa yiri : Ha iigu wicin Amiirul Mu’miniinow, waxaan Joogaa Maxkamadda dhaxdeeda. (( taasi waa Tawaaluc iyo ixtiraaka Cadaaladda iyo sinaanta)) kadibna waxa uu ugu yeeray Cumarow oo kaliya, kuma hal qabsan Xilka Amiirul mu’miniin.

14.

 

Qaaligii ayaa yiri: Cumarow, in aad Guriga ka fogeeyso Kacbada… Xaq uma lihid. in aad Dumiso Guriga Cabaas oo aad meel kale Guri uga dhisto Ogolaasha la’aantiisa suuragal ma ahan. (( taasi waa Cadaalad, Amaana Culus iyo Gudasho masuuliyad))

15.

 

Cumar ayaa yiri: waan ogolaatay Go’aanka, Qaali fiican ayaadna tahay Shuriixoow. (( Taasi waa in aad Garta ogolaato xattaa Haddii lagaa gar hello))

16.

 

Cabaas ayaa yiri: Gurigeyga waxaan ogolaaday in la dumiyo Aniga oo sidaa u yeelayo Alla Dartii. (( taasi waa bixin iyo Niyad samaan))

Su’aal.

Somaliya ma laga helaa Saddaxdaan Nin oo kale, Cumar, Cabaas iyo Shuriix.

Qore:-Yahya Amir

.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip