Hooyo Soomaali ah oo ku dul umushay markab iyadoo tahriib ah (Sawiro)
Haweeney Soomaali ah oo ka tahriibtay caasimada dalka ee Muqdisho ayaa ku dul umushay markab laga leeyahay dalka Jarmalka kaasoo ka mid ahaa maraakiib ka qeybgalaysay badbaadinta kumanaan tahriibayaal ah.
Ciidamada Jarmalka oo kamid ahaa kooxo ka qeybgalayay badbaadinta tahriibayaasha ayaa sheegay in haweeney Soomaaliyeed ay ku dul umushay markabkii lagu soo badbaadinayay ilmo gabar ah.
Haweeneydan oo magaceeda lagu sheegay Raxma ayaa ah 33 jir waxana ay umushay gabar ay ugu magac dartay Safiya iyadoo gabadhana la sheegay in caafimaadkeedu uu wanaagsan yahay.
Raxma ayaa muddo shan bilood ah ku soo dhex jirtey tahriibka waxana ay ugu dambeyntii gaartay xeebaha dalka Talyaaniga iyadoo ka mid ah tahriibayaal lagu soo badbaadiyay markabka ‘Schleswig Holstein’ sida laga soo xigtey wargeyska Bundeswehr.
Safiya oo ah inanta yar ee ay umushay Raxma ayaa ahayd 3kg markii ay dhalatay waana ilmihii ugu horeeyay ee ku dul dhasha markab ay leeyihiin ciidamada badda dalka Jarmalka.
Raxma ayaa waxa ay ka mid ahayd 4,000 tahriibayaal ah kuwaasoo ka soo raacay inku dhow labaatan doon xeebaha dalka Libya waxaana haatan ay ku biireen kumanaan tahriibayaal ah oo gaaray xeebaha dalka Talyaaniga bilihii la soo dhaafay.
Hase yeeshee dadka tahriibaya oo sanadihii la soo dhaafay u badnaa Soomaali ayaa haatan dadka Soomaalida waxa ay ka noqdeen kuwa aad uga tiro yar wadamada kale. Waxaana ka mid ah haatan dadka tahriibayaasha ah dad u dhashay wadamada Masar,Libya,Siiriya iyo wadamo kale oo ka mid ah qaarada Afrika.