Nasashada Jimcaha. Q- 345=Somaliya Qarax kama dhamaado miyaa?)=

0
Friday February 24, 2023 - 14:13:55 in Wararka by
  • Visits: 613
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nasashada Jimcaha. Q- 345=Somaliya Qarax kama dhamaado miyaa?)=

    ,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

,

Xaaskii ayaa ku tiri: Ajir aan la soo koobi karin Alla ha kaa siiyo, ee Bishaan oo dhan sidaa u Soon.

( meeqa Sannaa la lahaa shacabka, u adkeeyata gaajada, Barwaaqaa loo baxaa.

 

Shacbkii weli Soon Ajir la’aan ah ayuu sooman yahay.

 

Madaxdiina?)

2. Nin Sheikh ah oo Dadka Tuuganimada ka wacdinayay ayaa yiri: Saddax Nin oo Tuuga ah ayaa Allaab badan soo wada xaday, Dameer ayeey ku rarteen.

 

Meel dhexe markii ey marayaan ayaa gaajo qabatay.

 

Mid ayeey ku yiraahdeen Tuulada Cunto nooga soo iibi. intii uu sii maqanaa ayeey ku heshiiyeen labadii kale in ey dilaan markuu Cuntada u keeno, si ey kaligood u qeybsadaan Alaabta.

 

Isagiina Cuntadii ayuu u soo sumeeyay si marka ey Cunaan ey u dhintaan kadibna uu kaligii Alaabta qaato.


Sidii ayaa dhacday, Saddaxdiiba waa dhinteen.

 

Dameerkii oo Alaabtii ku rarantahay ayaa Magaaladii ku soo noqday.

 

Iska ilaaliya Tuugadu ma fiicnee ayuu yiri shiikhii.

Mid Ciyaalka Xaafadda ahaa oo wacdiga dhageysanayay ayaa yiri: Shiikhoow Maanta waa nagu cabtay.

 

Haddii Saddaxdiiba wada dhinteen in ey sidaa ku heshiiyeen, yaa sheekada ku sheegay?, ma Dameerkaa kuu sheegay?. ( F.S: 1aad)

( Baraha Bulshada Maalmahaan waxaa ku badan, sheekooyin badan oo uu Dameer sheegay)

3.

 

Naag Garoob ayaa ayaa Nin shukaan sanayay ku tiri: wallaahi, Ninkii i helo weligii iga tagi maayo.

 

Ninkii ayaa ku yiri: Ninkii hore muxuu kaaga tagay?

( Siyaasiyoow, Marka aad faanee, ku talagal in Su’aalo badan lagaa weeydii doono faankaaga, Dadku Dhug laawe ma wada ahan)

4.

 

Nin Siyaasi ahaa ayaa Saaxiibkii oo Siyaasi kale ahaa ku yiri: Haddii aan Lacag kale helo waxaan rabaa in Aduunka oo dhan aan soo gato.

 

Kii kale ayaa ku yiri: Anigaa iska leh Beecna iima ahan.

( Haddii Siyaasiyiintu ey beentaa isku sheegeen, Anagana maxeey noo sheegi doonaan)

5.

 

Wiil yar Bambo F1 ah, dhagax ku garaacaa, ayaa waxaa arkay Nin Oday ah oo wadada marayay.

 

Wuxuuna ku yiri: Maxaad u garaacee ma in ey Qaraxdo ayaad rabaa.

 

Wiilkii ayaa ku yiri: Adeer haddii ey Qaraxdo mid kalaa ii taal. ( F.S: 2aad)

( Somaliya Qarax kama dhamaado miyaa?)

6.

 

Nin ayaa Furtay "Zoo” lagu xanaaneeyo Duur joogta.

 

Iridda laga soo galo ayuu ku qoray.

 

Qiimihii lagu galayo.

 

Waxa uuna ka dhigay 100 Dollar, cid soo gasho ayuu waayay.

 

Kadibna 50 Dollar, kadibna 20.

 

Cid soo gasho ayuu waayay, kharajkii Quudinta Duurjoogtuna waa ku batay.

 

Kadib waxa uu yiri: Maalinta Ciidda waa Lacag la’aan.

 

Dadkii oo dhan ayaa soo galay.
Iridii laga soo galayay waa xiray, waxa uu soo deeyay Libaax shabaq ku jiray.

 

Dadkii oo dhan ayaa u cararay Iridii laga baxayay "Exit Door” .

 

Laakin iridda Bixidda waxaa ku qoran Bixidu waa 500 Dollar. ( F.S: 3aad)

( wadamo Badan ayaa na siiyay macaawino Lacag la’aan ah, amaa maalin kale Nalagu soo daayaa Libaax, si looga baxana ey qaal Noqotaa, ogoow Dowladuhu Free wax kuma bixiyaan, Danno gaar ah oo qarsan ayaa jiro ).


Qore: Yahya Amir

.


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip