
Wararkii ugu dambeeyay shirkii dib u heshiisiinta Koofur Galbeed oo qarka u saaran in…
Waxaa soo xirmay qeybtii koowaad ee shirka dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed, kaas oo la isugu keenay madaxweynaha maamulkaasi Cabdicasiis Lafta Gareen iyo siyaasiyiin kasoo horjeeda oo doonaya in doorasho la qabto.
Gogosha shirka waxaa fadhiyay madaxweynaha federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha baarlamaanka, waxaana lagu heshiiyay in kulanka labo qeyb loo kala qaado.
Qeybta hore oo hadda lasoo xirey kulamadii ayaa lagu isku-raacay in xaalmarin iyo boogo dhayis lagu sameeyo dhibaatooyinkii ka dhashay shaqaaqadadii ka dhalatay markii uu muddo xileedka Lafta Gareen dhamaaday.
Dhinacyada ayaa sidoo kale waxay isla go’aamiyeen in la bixiyo magta dadkii dhintay, lana dhayo dhaawacyadii, iyo in la dayactiro gurigii shaqaaqada ka dhacday ee uu lahaa wasiirkii hore ee maaliyadda Maxamed Aadan Fargeeti.
"Durba waa la qaaday qaar ka mid ah tallaabooyinka, sida warqad uu Lafta Gareen soo saaray oo uu ku shaaciyay in uu ku cafiyay askartii dagaalka ka qeybqaadatay,” ayuu raaciyey illo wareedyadda.
Qeybta kale ayaa loo ballamay marka madaxweyne Xasan Sheekh uu kasoo laabto safaro dibadda ah oo uu bishan Janaayo ugu baxayo dalal kala duwan gaar ahaan Sacuudi Carabiya iyo Qadar.
Wejiga labaad ayaa ku saabsan in heshiis siyaasadeed laga gaaro nooca ay noqonayso doorashada madaxweynenimada iyo qaabka loo wajahayo. Waa qodobka ugu adag uguna xasaasiyada badan lagana filayo is-jiidjiid badan si lamid ah gacan-ka-hadal siyaasadeed.
Wararkii ugu dambeeyay shirkii dib u heshiisiinta Koofur Galbeed oo qarka u saaran in…
...