Kabtanka Portugal ayaa ah mid xor ah ka dib markii uu ka tagay Manchester United ka dib wareysi muran dhaliyay oo uu ku dhaleeceeyay kooxda.

Ronaldo ayaa lagu soo waramayaa in uu heli doono mushahaarkii ugu wbadbaa ee tariikhda kubada cagta isaga oo qaadan doona in ka badan £177m sanadkii.

37-jirkan ayaa sheegay in uu aad u xiisaynayo in uu waddan kale ka ciyaaro, iyo sida oo kale horyaal cusub oo kubbadda cagta ah, sida la baahiyey.

Ronaldo ayaa hadalkiisa sii raaciyay: "Nasiib ayaan ku leeyahay in aan ku guulaystay wax walba oo aan doonayay in aan ku guulaysto kubbada cagta Yurub, waxaana dareemaya hadda in ay tahay waqtigii saxda ahaa ee aan la wadaagi lahaa khibradayda Aasiya”.

Al Nassr – oo sagaal jeer ku guuleystay Horyaalka Boqortooyada Sacuudiga – ayaa ku tilmaamtay saxiixa "taariikh qormaysa”.

Naadigu waxa uu sheegay in ay heshiishkani dhiirrigelin u ahaan doono horyaalkeena, qarankeena iyo jiilalka mustaqbalka, wiilal iyo gabdhaba in ay noqdaan nooca ugu wanaagsan ee naftooda.

Xagaagii, Ronaldo ayaa diiday heshiis 305 milyan ginni ah si uu ugu biiro koox kale oo Sacuudi ah – Al Hilal – sababtoo ah wuxuu ku faraxsanaa United.

Horaantii bishii November, weeraryahanka ayaa bixiyey wareysi uu siiyay Piers Morgan oo ku laga baahiyey telefishanka TalkTV, kaasoo uu ku sheegay inuu dareemayo in ay "khiyaantay” kooxdiisii United, uusan ixtiraamin tababare Erik ten Hag, isla mar ahaantaana lagu qasbay inuu kooxda ka tago.

Ronaldo, oo dhaliyay 145 gool 346 kulan oo uu u saftay United, ayaa ka tagay Juventus oo uu dib ugu biiray kooxda Old Trafford bishii Ogosto 2021 – 11 sano ka dib markii uu u dhaqaaqay inuu ku biiro Real Madrid.

Wax ka badan 7 bilood ayaa uga hadhsanaa qandaraaskiisa uu isbuucii ku qaadanayay 500,000 oo gini ee kooxda United ah, laakiin bixitaankiisii degdega ahaa ayaa ahaa "mid ay isku raaceen labada dhinacba”.

Maalin ka dib markii uu ka tagay kooxda, waxaa lagu ganaaxay labo kulan oo maxali ah ka dib markii uu taleefoon ka tuuray taageere Everton ka dib guuldaradii United ee Goodison Park bishii April.

Wuxuu ganaax ku qaadan doonaa heerka gudaha koox kasta oo cusub – England ama dibadda – inkastoo aysan khuseyn heerka naadiyada qaaradaha, sida Champions League.

Ronaldo ayaa dhawaan ka soo laabtay u ciyaarista xulka Portugal koobkii aduunka ee ka dhacay dalka Qatar, wuxuuna taariikh ku sameeyay inuu noqday xidigii ugu horeeyay ee shan jeer oo kala duwan gool ka dhaliyay koobka aduunka goolkii furitaanka ee xulkiisa uu ka dhaliyay Ghana.