
DEG-DEG:- Lionel Messi oo Caawa Guusha tartanka koobka adduunka ka hantay xulka France {Arjantiin 7Vs France 5
Waxaa goor dhaw Dalka Qadar lagu soo gaba gabeeyay Tartanka cayaarihii kOOBKA Adduunka kaasoo socday mudo Bil ah, ayaa waxaana ugu danbayn ay Natiijadii kama dambeysta ahyed ee Cayaartii ugu danbaysay ee Caawa dhex martay Xulalka Qaranka France iyo Argentina.
Cayaartan ayaa caawa waxay ahayd mid mucjiso ah oo aad u adaga labada kooxba ay ku midideen sidii ay mid kastaaba guusha u raaci lahyed waxaana ay aheyd mid adag
ha se yeeshee bilowgii ciyaarta kadib marii Xulka qaranka France lagaga hor maray 2 gool, waxayna dadaal dheer kadib ku dhawaad 75 Daqiiqo ka dib keeneen 2 gool oo Deg deg deg ah.
Sidoo kale cayaartan ayaa ahayd mid aad u adag una xiisa badneyd oo weerarkeedu iyo difaaaceeduba 2da dhinac adkaa , waxaana la isla aaday markii ay dhamaatay cayaarta Waqti dheeraad in waqti kale lagu daray 15 daqiiqo oo dheeri ah.
Cayaarta ayaa ku dhammaatay 3-3 oo ay koobka ku qaadeen Rigoorayaal xulka Argentina oo uu Hogaaminayo waayeelka Lionel Messi halka ninka sida weyn ay u xifaaltamaan eeRreer France Mbappé caawa looga Adkaaday tartanka.
Dhinaca kale warar ka garoonka tartanka ka socanaya ee dalka Qadar ayaa sheegaya in ay xaadir ku yihiin madaxda 2da dal ee tartankaasi adag yeesheen iyadoo sidoo kalena uu ka mid ahaa Madaxdii halkaas joogtay Madaxweyne Xasanm shekh Maxamuud oo lagu Casuumay Halkaas
DEG-DEG:- Lionel Messi oo Caawa Guusha tartanka koobka adduunka ka hantay xulka France {Arjantiin 7Vs France 5
...