Xulka Argentina oo ku guuleystay koobka kubadda Cagta Adduunka 2022 (Sawirro-iyo CIYAARTA OO LIVE AH HOOS KA DAAWO}

0
Sunday December 18, 2022 - 22:33:28 in Wararka by
  • Visits: 1389
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xulka Argentina oo ku guuleystay koobka kubadda Cagta Adduunka 2022 (Sawirro-iyo CIYAARTA OO LIVE AH HOOS KA DAAWO}

    ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

....

Xulka kubada cagta Arjentina ayaa ku guueystay koobka aduunka 2022 ka dib markii ay 4-2 rigoorayaal ah kaga badisay Xulka France ee difaacanayey koobka

 

Xiligii caadiga ahaa ee ciyaarta loogu talo galay ayaa waxay labada kooxood isla dhaafi waayeen barbar dhac 2-2 ah, iyadoo xiligii 30-ka daqiiqo ee lagu daray ciyaartana ay min hal gool iska dhaliyeen taasoo ciyaarta ka dhigtay ismari waa 3-3.

Finalka caawa ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu xiisaha iyo xamaasada badnaa tan iyo intii la bilaabay ciyaaraha dunida oo afartii sanaba mar la qabto.

Laacibka Mbebe ayaa ka yaabsaday caawa malaayiinta qof ee caalamka daafihiisa ka daawanayey koobka aduunka ka dib markii uu labo jeer burburiyey rajada kooxda Arjentiin intii ay socotay ciyaarta.

France ayaa qeybtii hore ee ciyaarta lagu hogaaminayey 2-0 hase ahaatee Mpepe ayaa dhamaadka qeybta labaad ee ciyaarta waxa uu labo daqiiqo gudahood dhaliyey 2 gool oo sabab u noqotay iney ciyaartu ku dhamaato 2-2 barbar dhac ah, isagoo xiliga dheeraadka ah ee ciyaarta lagu darayna rigoore loo dhigay xulkiisa ku barbareeyey gool 3aad oo ay heshay arjentiin taasoo sababtay in labada kooxood lagu kala saaro rigooreyaal ama gool ku laad.

Leo Messi oo si weyn ugu hamuun qabay in sanadkan koobka aduunka la geeyo Arjentina ayey riyadiisii ugu rumowday,Amiirka Qatar, Gudoomiyaha FIFA, Madaxweynaha France iyo madax kale ahaa koobka gudoonsiiyey kooxda Arjentiina.

 



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip