Messi miyaa qaadi doona Koobka Adduunka mise Faransiiska ayaa mar kale ku guuleysan doona?

0
Sunday December 18, 2022 - 09:17:02 in Wararka by
  • Visits: 959
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Messi miyaa qaadi doona Koobka Adduunka mise Faransiiska ayaa mar kale ku guuleysan doona?

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Qoraalka sawirka,

Argentina iyo Faransiiska ayaa maanta wada dheelayaa ciyaarta kama dambeysta ee Koobka Adduunka

Argentina iyo Faransiiska ayaa maanta wada dheelayaa ciyaarta kama dambeysta ee Koobka Adduunka

Lionel Messi ma kula guuleysan doonaa Argentina Koobka Adduunka mise Kylian Mbappe ayaa Faransiiska ka caawin doonaa markii labaad oo isku xigta in uu qaado Koobka Adduunka?

Garoonka Lusail ee dalka Qatar waxaa galabta 6-da galabnimo ku wada dheeli doonaa xulalka Argentina iyo Faransiiska ciyaarta kama dambeysta ee Koobka Adduunka.

Messi oo 35 sano jir ah ayaa toddobo jeer ku guuleystay abaalmarinta Ballon d'Or-wuxuu noqday ciyaartooyga ugu wanaagsan adduunka balse dalkiisa weli kulama guuleysan Koobka Adduunka.

 

 

"Waxaan mar kasta ka maqleynay kooxda inaga soo horjeeda inay ugu cad cad tahay sababta ma muujinno in aan cid ka awood badanahay ama ka awood yar nahay”

"Mar kasta waxaan heysannaa ciyaartooygii ugu wanaagsanaa, difaaceenu wuu adag yahay, waxaan heysannaa fursado badan oo aan goolal ku dhalin karno”.

 

Tababaraha xulka qaranka ee Faransiiska Didier Deschampsayaa dalkiisa Kaptan u ahaa markii ay qaadayeen Koobka Adduunka sanadkii 1998, haatana waa maamulaha xulka, markii labaad ayuu ku hoggaamiyay inay u gudbaan ciyaarta kama dambeysta, afar sano ka hor ayay aheyd markii ay Koobka Adduunka ku qaadeen dalka Ruushka.

 

Wuxuu yiri, "Waxaan garanayaa Argentina, dad badan oo ku sugan adduunka xitaa laga yaabaa in dadkaas ay Faransiis yihiin, waxay rajeynayaan in Lionel Messi uu ku guuleysan doono Koobka Adduunka, wax kasta ayaa sameyn doonaa si aan u gaarno hadafkayaga”.

Messi maka caawin doonaa Argentina inay qaaddo Koobka Adduunka tan iyo 1986?

Lionel Messi

XIGASHADA SAWIRKA,BBC SPORT

Qoraalka sawirka,

Lionel Messi

Ciyaartan waxaa foodda isku saari doonaa laba ciyaartoy oo u kala tartamayo ku guuleysiga kabaha dahabka, Messi iyo Mbappe waxay labadooda Koobkan dhaliyeen mid shan gool halka Olivier Giroud iyo Julian Alvarezay kala heystaan min 4 gool.

Messi wuxuu Argentina ku hoggaamiyay ciyaartii kama dambeysta aheyd ee Koobka Adduunka ee sanadkii 2014-kii ee lagu qabtay Brazil, waxaana xilliggaas 1-0 kaga adkaaday Jarmalka oo koobkaa qaaday.

Argentina waxay laba jeer oo hore ku guuleysatay Koobka Adduunka sanadihii 1978 oo lagu qabtay dalkeeda iyo Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Mexico 1986, waxay haatan dadaal ugu jiraan sidii markii saddexaad ay ugu guuleysan lahaa Koobka.

"Shucuurteyad aad u kacsaneyd mar horeba sababta oo ah ciyaartooyda si daacad ah ayay wax kasta u hureen, aan rajeyno in aan ku guuleysanno Koobka, haddii aysan awoodina waa inay ku faanaan heerkan ay soo gaareen” ayuu yiri tababaraha xulka qaranka ee Argentina, Lionel Scaloni.

Xogta ku gadaaman ciyaartan

Kylian Mbappe.

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Qoraalka sawirka,

Kylian Mbappe

Labadan xul waxay wada dheeleen saddex oo ciyaar oo kaliya ah Koobka Adduunka, Argentina waxay ku guuleysatay laba ciyaar Koobkii adduunka 1930 iyo 1978 halka France ay ka badisay Koobkii adduunka sanadkii 2018-kii.

Argentina waxay markii lixaad gaareen wareegga ciyaarta kama dambeysta ee Koobka Adduunka, Jarmalka kaliya ah ayaa ka horreeyay oo siddeed jeer gaaray finalka, waxay ku guuleysteen 1978 iyo 1986 waxaa laga badiyay 1930, 1990 iyo 2014.

Haddii ay ku guuleystaan Argentina Koobkan waxay noqonayaan xulkii labaad ee adduunka ee looga guuleysto ciyaartii ay ku furayeen Koobka Adduunka ee qaada koobka, waxaana sidaas hadda ka hor sameysay Spain sanadkii 2010-kii.

 Messi wuxuu noqon karaa ciyaartoygii saddexaad ee kasoo jeeda Argentine ee ku guuleystay kabaha dahabka ee Koobka Adduunka kadib Guillermo Stabile iyo Mario Kempes oo kabaha dahabka ku kala guuleystay sanadihii 1930 iyo 1978.

Faransiiska wuxuu afaraad gaaray ciyaarta kama dambeysta ee Koobka Adduunka.

Xulka qaranka ee France, Les Bleus waxay doonayaan inay noqdaan dalkii saddexaad ee adduunka eel aba jeer oo isku xigta ku guuleysta Koobka Adduunka, waxaana hadda ka hor sidaa sameeyay Talyaaniga (1934-38) iyo Brazil (1958-62).

XIGASHO:-BBC



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip