Al-Shabaab Oo Muqdisho Ku Dishay Mas'uul Ka Tirsan Maamulka Deyniile.

0
Thursday December 01, 2022 - 08:19:49 in Wararka by
  • Visits: 159
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab Oo Muqdisho Ku Dishay Mas'uul Ka Tirsan Maamulka Deyniile.

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...
Rag hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa gudaha degmada Deyniile ku dishay Cumar Khaliif Xasan oo ahaa Madixii Samafalka Barakacayaasha ee degmada Dayniile.

Marxuumka xiliga la tooganayay waxa uu ka soo laabtay kormeer uu ku soo sameeyay xerooyinka ay dagan yihiin dadka barakacayaasha ah ee aqalada cowshadaha iyo bacaha ka sameysan ku leh halkaasi.



Dableyda weerarkan geysatay oo tiradooda saddex lagu sheegay ayaa hore usii kaxeystay gaari uu lahaa mas’uulka ay dileen, waxaana goobta dilka uu ka dhacay tagay ciidamadda amniga oo baadi goob ugu jira ragii gacan ku dhiiglayaasha ahaa ee toogashadan geystay.

Kooxda Al-Shabaab ayaa durba sheegatay mas’uuliyada dilka, waxeyna ku faaneen iney dileen mid kamid ah mas’uuliyiinta maamulka degmada Deyniile ee gobolkan Banaadir.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip