DEG DEG: Booliska oo shaaciyay in lasoo afjaray weerarkii Villa Rays iyo khasaaraha

0
Monday November 28, 2022 - 18:20:16 in Wararka by
  • Visits: 297
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    DEG DEG: Booliska oo shaaciyay in lasoo afjaray weerarkii Villa Rays iyo khasaaraha

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Afhayeenka ciidamada Booliska, oo galabta qabtay shir jaraa’id, ayaa shaaciyay in lasoo afjaray weerarkii Hoteelka Villa Rays, islamarkaana ay gebi ahaanba ciidamada dileen raggii soo qaaday weerarka.

Waxa uu sheegay in dagaal-yahaanada soo weeraray Hotelka ay ahaayeen lix dhagar-qabe, waxayna ciidamada dowladda ay toogteen shan kamid ah raggaasi, halka midka kalena uu is qarxiyay.

"Khawaarijta ayaa dishay illaa siddeed qof oo Shacab ahaa oo ku sugna Hoteelka, waxay ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen inay soo bad-baadiyaan 60 qof oo Shacab ah,” ayuu yiri Afhayeenka.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uusan jirin wax dhaawac ah oo soo gaaray dadka shacabka ah, halka ay ciidamada ammaanka ka dhinteen 1 Askari, ayada oo ay ka dhaawacmeen 5 kale.

 

"Waxaa ka tacsiyeynayna qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay Hoteelka oo isugu jira dadka shacabka iyo Askarta. Ilaahay waxaa ka baryeyna inuu u booga dhayo inta dhaawaca.”

Hoos ka daawo




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip