Is hor istaag lagu sameeyay in la jaro wadada u dhaxeysa Garoonka Muqdisho iyo KM4 (SAWIRRO)

0
Sunday October 18, 2015 - 12:52:17 in Wararka by
  • Visits: 820
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Is hor istaag lagu sameeyay in la jaro wadada u dhaxeysa Garoonka Muqdisho iyo KM4 (SAWIRRO)

    Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa is hor istaag ku sameeyay in la jaro wadada u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyo Isgoyska KM4, kadib markii sida la sheegay Wasiirka Amniga uu ogolaaday Hay'ada WFP inay jarato wadadaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa is hor istaag ku sameeyay in la jaro wadada u dhaxeysa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho iyo Isgoyska KM4, kadib markii sida la sheegay Wasiirka Amniga uu ogolaaday Hay'ada WFP inay jarato wadadaasi. Hay’ada WFP oo degan wadada aada Garoonka Aadan Cadde ee ka baxda KM4, ayaa qorsheysay inay guud ahaan laamiga goosato oo ay ka dhisto Biraha difaaca ah, sababo ku aadan amniga Hay’adaasi iyo Shaqaalaha ka shaqeeya.

Arintaan ayaa waxaa si adag uga biyo diiday oo is hor istaag weyn ku sameeyay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Muungaab oo Saxaafadda si cad uga sheegay tallaabadan inay tahay mid qaldan.

Saaka ayaa cagaf cagfyo Maamulka Gobolka ay direen, waxa ay tageen goobta ay qorsheysay Hay’ada WFP inay wadada ka jarato, waxaana halkaasi laga soo saaray Biraha ay doonaysay Hay’ada inay wadada ku jarato.

Wasaarada Amniga oo la sheegay inay bixisay ogolaanshaha wadadan Hay’ada WFP ay ku jaran rabtay ayaanan ilaa hada ka hadlin, inkastoo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu sheegay Wasiirka Amniga inuu ka dambeeyo arintaan.

Wadada aada Garoonka Muqdisho horay waxaa dhinac u goostay Xafiiska UNDP ee Garoonka agtiisa ku yaallo oo horay Shabaab ay u weerareen, tii oo ay jirto ayeey hadana WFP damacday guud ahaan wadada inay jarato oo aananba la marin.

Arintaan ayaa ah mid ay la yaabeen Bulshada reer Muqdisho oo fajac ay ku noqotay Damaca WFP ay ku doonayso inay wadada ku jarato.

1 2 3 5 6 7 8 9

XIGASHO:-DHACDO.COM




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip