Kenya oo shaacisay magacyada Saraakiil Kenyan ah oo Shabaab ka tirsan oo Somalia ku soo tababartay

0
Wednesday August 26, 2015 - 12:06:28 in Wararka by
  • Visits: 1303
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya oo shaacisay magacyada Saraakiil Kenyan ah oo Shabaab ka tirsan oo Somalia ku soo tababartay

    Booliska Magaalada Mombasa ee dalka Kenya, ayaa shaaciyay magacyada Saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab, kuwaasi oo tababar ku qaatay gudaha Somalia, kadibna dib ugu laabtay dalka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliska Magaalada Mombasa ee dalka Kenya, ayaa shaaciyay magacyada Saraakiil ka tirsan Ururka Al Shabaab, kuwaasi oo tababar ku qaatay gudaha Somalia, kadibna dib ugu laabtay dalka Kenya. Madaxa Amniga Mombasa oo lagu magacaabo Nelson Marwa, ayaa sheegay magacyada xubno u dhashay dalka Kenya oo Somalia tababar Militari ku soo qaatay, kadibna Kenya dib ugu laabtay.

Wuxuu ku sheegay magacyada Saraakiishaan Nassir Sogomo, Lukeman Khatib, Nurdin Khamis iyo Jamal Rashid, dhamaantood waa Kenyan, horay u deganaan jiray Gobolka Xeebta ee dalka Kenya.

Nelson Marwa, ayaa sheegay xubnahan inay weeraro abaabulan kasoo qaadaan deeganada kala ah Majengo iyo Diani, waana goobaha sida rasmiga ah ay weerarada uga soo abaabulaan sida uu hadalka u dhigay.


Ammaanka Magaalada Mombasa iyo guud ahaan Gobolka Xeebta dalka Kenya, ayuu sheegay inay lidi ku yihiin xubnahaan oo uu qeexay inay baadigoob ugu jiraan ciidamada Booliska.

Kenyan badan oo Shabaab ku biiray ayaa ku sugan gudaha dalka Kenya, kuwaasi oo fududeeyay weerarada Shabaabka ay ka geystaan Kenya, sidoo kalena waxa ay soo gudbiyaan xubnahaasi macluumaadka dhanka ammaanka ku saabsan.

Xoogaga Shabaab ayaa laf dhuun gashay ku noqday amniga dalka Kenya oo xilligaan walaac badan uu ka taagan yahay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip