HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 3-DA OKTOOBAR 2022-KA

0
Monday October 03, 2022 - 08:52:09 in Wararka by
  • Visits: 542
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA M.TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ISNIIN 3-DA OKTOOBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Madaxweyne Xasan oo shacabka laba u kala qeybiyey – Qeybtee ku jirtaa?

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo Dorraad ka hadlay ja naasadii Jeneraal Farxaan Qaroole ayaa she egay inaanu Berri dalku lahayn cadow aan ahayn mintidiinta Al-Shabaab.

"Cadow waa hal, laba ma ahan, laba ca dow malihin ee hal ayaan leenahay. Soom aaliyada Berri berri wixii Ilaahay ka dhigo ayay noqon doontaa, Inshaa’Allah. Berri Soomaaliyada jirta hal cadow ayay leedahay, waana Shabaab,” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Shabaab ka wax qarxinayo iyo kan kale ee taageeraya ba ay hal cadow wada yihiin.

"Ogow Shabaabka wax qarxinayo waa ca dow, kan ku taageerayana, lacagta siinayo, qarinayo, guriga dejinayo, qalbigana kala jira cadow waaye,” ayuu yiri Madaxweynuha.

Madaxweynaha oo dadka Soomaaliyeed ee Berri ku sheegay inay laba mid un yihi in ayaa yiri "Meel dhexe oo la istaagaahi Berri Soomaaliya kuma taalo ama Shaba ab ayaa tahay ama kan Shabaab la diriraya ayaa tahay, meel dhexe oo la istaago kuma jirto. Shabaab qori qaado kula dirir, gurigaga iyo gaarigaga haka ijaarin, meesha uu joogo ha tagin, ka leexo, dadka u sheeg carabkaga kula dagaal.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa intaasi ku daray "Hal cadow baan leenahay, cadow gaas Shabaab baa la yiraahdaa, macnahee da kan qaraxa sameynayo keliya maaha Sha baab, Shabaab kalkaal, beeso bixi, guri iyo baabuur ka ijaar, u soo iibi baabuur ee ka sii iibso. Walaalka Soomaaliyeedow Shabaab kalkaal ha noqonin, cadow waa hal, waana Shabaab.”

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheeg ay Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka, kadib markii uu Dorraad kaga qayb galay Salaadda Janaasada ee Marxuum Far xaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole), Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Banaadir.

DFS,IMF Iyo Bangiga Adduunka Oo Shir Uga Furmay Magaalada Nairobi.

Waxaa Berri shir uga furmay magaala da Nairobi ee dalka Kenya, Dowladda Feder aalka Soomaaliya, Hey’adda Lacagta Addu unka ee IMF iyo Bangiga Adduunka. Shirka an oo ay hogaaminayso Wasaaradda Maaliy adda Soomaaliya ayaa waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur.

Shirkaan oo ah wajigii labaad oo ay soo qabanqaabisay Hey’adda IMF ayaa waxaa di irada lagu saari doonaa arrimaha dib-u-habe ynta Maaliyadda,dib u eegista sharuudaha barnaamijka Deyn Cafinta Soomaaliya, he erka siyaasadda dhaqaalaha, iyo nidaamka Maamulka Guud ee Maaliyadda dalka ee loo soo gaabiyo (PFM). "Berri waxaa innoo bil aabmay shirka Dowladda Soomaaliya iyo IMF ee hannaanka dib-u-eegista iyo horuma rinta maaliyadda Dalka, oo aan ku lafa-gur nay heerka siyaasadda dhaqaalaha iyo dib-u-habayntiisa.

Waxa aan diiradda saaraynaa si aan wa dajir uga shaqayno xoojinta dhaqaaleheenna mustaqbal ka dhaw. Waxaan u mahadcelinay aa dhammaan hay’adaha Dowladda ee shi rka nagala soo qeyb galay, sida Wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Bangiga dhexe, Xafiis yada Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxtooyada.” Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Shirkaan oo socon doono muddo 6 maalm ood ah ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgala ya Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaran ka Soomaaliya, Guddoomiyaha Bangiga Dhe xe ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Hey’ ada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wa kiilo ka socda Hey’addaha calaamiga ah ee dhaqaalaha adduunka.

Xogta Shaqsiga Loo Wado Xilka Taliya ha Booliska Gobolka Banaadir Ee Uu Qaro ole Ka Geeriyooday.

Sida ay sheegayaan xogaha laga helayo madaxtooyada Soomaaliya, madaxweyne Xa san Sheekh ayaa maalmaha soo socda la fil ayaa inuu magacaabo shaqsiga noqonayo tal iyaha qeybta guud ee booliska gobolka Ban aadir oo uu Jimcihii ka geeriyooday Jeneraal Farxaan Qaroole.

Sida macluumaadka la helayo ay tilma amayaan, xilkan waxaa loo wadaa Col. Ma hdi Cumar Muumin oo ku magac dheer Mac allin Mahdi oo ah sarkaal haatan ku magac aaban taliyaha Nabad Sugida Galmudug, ka asoo qabashada xilkan darteed Dorraad loo ke enay magaalada caasimadda ah ee Muqdi sho.

Macalin Mahdi oo ah sark aal xilkaasi loo xushay wax aa Muqdisho keenay madax weynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor oo lahaa soo jeedin ta koowaad ee in loo xusho booskaasi, waxa ana arrintan gadaal ka riixaya xildhibaanada ay isku beesha yihiin sarkaalkan ee Saabir Shuuriye,C/raxmaan Odowaa iyo Saadaq Jo on, Xasan Sheekh ayaa aqbalay soo jeedinta as, sida ay macluumaadka tilmaayaan.

Macalin Mahdi ayaa ah sarkaal dhalinya ra ah oo firfircoon, aadna u yaqaana dhagar ta iyo xeeladaha dagaal ay adeegsadaan koo xda Shabaab, isagoo dhawaan dhaawac uu ka soo gaaray sagaal Shabaab lagula galay deegaanka Cada-kibir ee duleedka magaal ada Cadaado.

Waxa uu Macalin Mahdi qeyb ka ahaa Dorraad boqolaal qof oo ka qeyb gashay aaskii Qaran ee Muqdisho loogu sameeyay Jeneraal Farxaan Qaroole oo ku geeriyooday Miino dhulka la galiyay oo uu ku istaagay, xili howlgal uu u joogay deegaanka Basra ee kala qeybiya labada Shabeelle

Xigasho:Jowhar.Com

C/raxmaan Macallin: Canshuurta Shaba ab waxaa la joojin karaa keliya marka

Xildhibaan hore Cabdiraxmaan Macallin, oo ah siyaasi aad ugu dhuun-daloola arri ma ha siyaasada iyo bul shada waddanka ay aa ka hadlay kacdoon ka dalka ka socda ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Cabdiraxmaan Macall in ayaa ugu horreyn u soo jeediyay madaxw eyne Xa san Sheekh inuu ka fiirsado shaqsi yaadka aan siyaasad da iyo wac yiga dalku Berri mar ayo aan ehelka u ah eyn ee uu tallooyinkooda mudna anta siinayo, isaga oo ku baaqay in xirfada iyo aqoonta mudnaanta la siiyo.

Cabdiaxmaan, oo wareysi siiyay talee fi shinka Somali Nederland TV ayaa kaga ha dlay arrimo dhowr ah, wuxuuna sheegay in Madaxweyne Xassan kaga duwan yahay madaxdii hore inuu helay 2 fursad oo aan taa riikhda siyaasadeed ee dalka aan soo marin, isaga oo labadaasi fursadood ku tilmaamay in uu noqday madaxweynihii ugu horreeyey ee 2 goor la doorto iyo inuu ku soo beegmay kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab.

"Kacdoon shacab ayaa dhacay, dowlad du waxay haysataa fursad qaali ah oo ay ka ga guuleysan karto Al-Shabaab waa haddii si sax ah dagaalka loo wajaho,” ayuu yiri Cabdi raxmaan Macallin, isaga oo dhaliilay nidaam ka garsoorka ee dowladda.

Cabdiraxmaan Macallin oo sidoo kale ka hadlay isku dayga ay dowladda ku joojineyso dhaqaalaha gala kooxdaas ayaa yiri "Can shuurta Shabaab waxaa la joojin karaa, kel iya marka laga adkaado.”

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Sul aymaan Maxamed Maxamuud ayaa shaaci yay in dowladda ay qaadi doonto dagaal maa liyadeed oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab si loo xiro ilaha dhaqaalaha ay hesho, loona ballaariyo howl-galka ka dhanka ah kooxda.

Xeer ilaaliyaha ayaa xaqiijiyay in dowladdu ay si rasmi ah u bilowday howl-galkaan ujee dkiisu yahay sidii loo xayiri lahaa dhaqaalaha Al-Shabaab si looga mira-dhaliyo howl-galka lagu wajahyo, islamarka ana uusan u kobcin dhaq-dhaqaaqooda.

Cabdishakuur Cilmi Xasan  Amsterdam, Netherlands



Wasiir Fiqi Oo Daahfuray Kulan Howle edka Horumarinta Nidaamka Diiwaan gelinta Madaniga Ah.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalin Fiqi, oo uu wehliyo guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa magaalada Yuusuf Jimc aale Madaale ayaa Berri furay kulan how leed socon doona muddo afar maalin, oo looga arrinsanayo helidda nidaam diwaange lin iyo tirakoobka qaran.

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Fiqi oo ma dasha ka hadlay ayaa ku dheeraaday sida wasaaraddiisa iyo dowladaba ay ahmiyad u siineyso nidaamkan isaga oo yiri "Dib u soo nooleynta adeegga diiwaangelinta mad aniga waxaa ay ka mid tahay qorshey aasha hortabinta u leh xukuumadda

federaalka ah ee Soomaaliya, wasaara deydu iyada oo fulineysa siyasadda qaran ee dib u yagleelidda nidaam casri ah oo diiwaan gelin madaniga waxaa ay ku howlantahay si dii loo heli lahaa shuruucdii hagi laheyd nida amka casriga ah ee loo dhanyahay, sidii sare loogu qaadi lahaa isku xirka daneeyayaasha kala duwan iyo sidii loo abuuri lahaa barna amij Electronic ah oo khuseeya diiwaan gelinta madaniga ah”.

Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ax med Macalin Fiqi ayaa ku booriyey hey’ada ha ay khuseyso in ay qeybtooda ka qaataan hirgelinta barnaamijkan isaga oo ka hadlaya waxaa uu yiri” Waxaan dooneynaa in cid wal ba oo qeyb ka ah ay kaalinteeda ka qaadato oo masuuliyadda saaran sideeda u gudato, si loo helo adeeg casri ah oo dhameystiran”.

Kulankan oo ay ka qeybgalayaan qaar ka mid ah agaasimeyaasha guud ee wasaarada ha dowladda labadeeda heer iyo mas’uuliyiin kale ayuu ugu dambeyntii waxaa uu wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u he shiisinta bogaadiyey dadaallada iyo wadasha qeynta koox howleedka qaran ee diiwaan gel inta madaniga ah.

Taliye Shub oo shaaciyey sababtii uu Gir idhi ugu bedelay ninkii Leelkase

Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan oo loo yaqaano Taliye Shub ayaa faahfaahin ka bi xiyey sababtii uu ciidanka uga saaray ninkii u dhashay beesha Leelkase ee Giridhi uu ku bedalay.

Xildhibaan Mahad oo maal mo ka hor ciid an badan kula hadlayey magaalada Bay dha ba ayaa ciidankii ka dhex aq ooday nin uu horay ugu soo daray oo Giridhi uu u bix iyey.Markii uu aqooday aska rigaas wuxuu Mahad soo xasuustay sidii uu Giridhi ku soo galay cii danka, wuxuuna goobtaas ka sheegay in nin u dhashay beesha Leelkase uu ka cayriyey ciidanka, isla markaana uu qoray Giridhi oo qaatay lambarka askarigii laga saaray ciidanka.Hadalkaas ayaa aad ugu faafay bar aha bulshada, waxaana ka dhalatay falcelin badan, iyadoo dadka qaar ay arrintaas ku sif eeyeen isir-nacayb uu Taliye Shub ku kacay.

Berri ayuu Taliye Shub mar kale soo fariistay TV-ga Koonfur Galbeed, wuxuuna ka sheekeeyey sababtii uu ciidanka uga cayr iyey askarigii Leelkase.

Wuxuu sheegay in ninka la cayriyey uu la qabsa waayey shaqada ciidanka, isla marka ana uu ahaa nin Abwaan ah oo qaadka cuna, wax niyad ahna aan u heyn shaqada cii danka.

"Waxaan taliye dugsi tababar ka ahaa deg aanka 20-jirow, waxaa halkaas la isugu kee nay ciidan boolis ah oo laga kala keenay Buu hoodle, Laascaanood iyon Ceerigaabo, 3 bil ood ayaan dugsiga 20-jirow ku haye 250 ask ari, ninka magacaan leh oo askarigaan aan booskiisa ku qoray wuxuu ahaa nin Abwaan ah oo shaqada askarta aan qaba karin,” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan.

Wuxuu intaas ku sii daray in ninka uu ca yriyey uu u dhashay magaalada Galdogob ee gobolka Mudug, "Wuxuu la qabsa waayey du gsigii tababarka iyo shaqadii socotay, nin cagaarka/qaadka cunana wuu ahaa, bil iyo wax ka badan ayaan ku heynay halkaas, kadi bana waan iska fasaxnay oo cidiisii ayaan u dirnay,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xiligaas uu ciidanka booliska Soomaaliyeed Taliye ku xi geen ka ahaa nin u dhashay beesha Leel kase, isla markaana uu ka warqabay hanaan ka tababarka iyo ciidanka looga reebay askar igaas.

"Nin midab takoor lagu eryey maaheyn, ninkii si kale wax u qaatayow ka raali ahaaw, aniga iyo reer Galdogob wax dhibaato ah na ma dhexyaalaan, marka kuwa Facebook wax ku qora waxaan leeyahay dadka ha isku dir inina,” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Xildhibaan Mahad Cabdiraxmaan oo loo yaq aano Taliye Shub.

SIYAASIYIINTA SOMALILAND OO KA WALAACS AN TALLAABADII UU XASAN SHEEKH

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland Faysal Cali Waraabe oo Berri ka hadlayey mudo kororsigii loo sameeyey Muuse Biixi ayaa sheegay in dowladda Soom aaliya ay dadaaleyso, isagoo tu saale u soo qaatay codsigii Ma daxweyne Xasan Sheekh iyo Abiy Axmed ay adduunka u dir een oo ahaa in cunaqabat eynta hubka laga qaado Soomaaliya.

Wuxuu sheegay Faysal in Soomaaliya ay san hubkaas u qaadaneyn Al-Shabaab, wux uuna dadka reer Somaliland ku cabsi geliyey in ayaga ay hubkaas u dalbaneyso dowladda Soomaaliya.Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa markii uu booqashada ku tegay Itoobiya waxaa is aga iyo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed ay si wa dajir ah usoo saareen baaq QM looga codsa nayo in Soomaaliya laga qaado xayiraadda hubka."Waad ogtihiin waxa Berri Geeska Afrika ka socda iyo sida Soomaaliya ay u da daaleyso, Xasan Sheekh wuxuu hadda cods aday in cunaqabateynta hubka laga qaado, laakiin waxaan adduunka u sheegayaa, hu bkaas yaan la fasixin, waa fidno kalee, yaan Soomaaliya laga qaadin cunaqabateynta,” ay uu yiri Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Wuxuu intaas ku sii daray, "Reer Somali land waxaan leeyahay hubkaasi Shabaab u ma socdee, idinkaa la idin dalbanayaa, kaalin tii Somaliland waxaa baneeyey Muuse Biixi, Adduunkii waa ka harnay.”

Faysal Cali Waraabe ayaa shacabka Somalil and hor dhigay inay kala doortaan inay qaran noqdaan oo is doortaan iyo inay noqdaan "Dukaan Muuse Biixi leeyahay.”

Wuxuu dowladda Somaliland ku eedee yey in shacabka abaartu heyso aysan u gur man, taas bedelkeedna, wuxuu xukuumadda Muuse Biixi ku eedeeyey inay kala qeybin eyso dadka reer Somaliland.

"Maxamed Siyaad Barre waxaa ka xun ninkii na kala qeybiya, Maxamed Siyaad waa na wada dili jiray, laakiin nama kala qeybi ji rin, kan Berri na kala qeybinaya ayaa ka xun, shacabyahow ogaada wixii dhibaato da lkaan ka dhaca Muuse Biixi ayaa mas’uuli ya dda qaadi doona,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Faysal Cali Waraabe.

Wiilka Sheekh Xasan Daahir Aweys oo duqeyn lagu dilay

Sida ay xog ku heshay Caasimada Onl ine waxaa la dilay Ibraahim Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ahaa wiilka wadaadka u xir an dowladda Soomaaliya.

Ibraahim ayaa lagu dilay duqeyn Habeen hore ka dha cday deegaan ka tirsan G/Sh/Hoose,taas oo fa ah faahin bad an aan laga helin.

Ehelka Ibraahim ayaa noo sheegay in wiilk aan uu gobolka Shabeellada Hoose kulahaa Beer, sidoo kale wuxuu ahaa macalin wax ka dhiga jaamacadaha Muqdisho.

Kol sii horeysay ayuu Dr. Ibraahim ka qal in jebiyey jaamacadda Muqdisho, xiligaas wa xaa xafladiisa qalin jebinta ka qeyb galay Aa bihiis Sheekh Xasan Daahir Aweys. Dowladd a Soomaaliya, weli wax faahfaahin ah kama aysan bixin duqeynta lagu dilay wiilkii Xasan Daahir, sidoo kale xogtaani ma xusin in dad kale lala dilay Ibraahim.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegi karta in Ib raahim Xasan Daahir uu xiriir la lahaa Al-Sha baab iyo in kale, balse waxay xogtaani xaqiij ineysaa in lagu dhex duqeeyey beertiisa.

Aabihiis Sheekh Xasan Daahir Aweys oo mar kamid ahaa raga ugu saameynta badan Al- Shabaab ayaa hadda u xiran dowladda So omaaliya, isagoo in ka badan todoba sano xa bsi guri ku ah magaalada Muqdisho.

CC SHAKUUR oo sheegay arrin xasaasi ah oo la xiriirta dagaalka Shabaab

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Arrimaha Gurmadka Abaaraha, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdi shakuur Warsame oo ka hadlay kacdoonka dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ayaa shee gay inay jiraan dad aan weli daacad ka ah eyn dagaalkaasi.

Cabdiraxmaan ayaa sheeg ay in dadka qaarkood dhab ka aheyn dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, si gaar ah Odayaasha dhaqanka qaarkood oo uu she egay inay cabsi galinayaan kacdoonka dag aal ee socda.

"Nabadoonada qaar Shabaabka ayey u shaqeeyaan oo u jaajuusaan, qabiilada ayey isku diraan si Shabaabka u noolaadan. Dad ka ayey cabsi galiyaan, oo nimanka la iska ma celin karo oo khatar waaye oo madaxa ay ey ka jabinayaan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu ku baaqay in meel lo oga soo wada-jeesto argagixisada Al-Shaba ab, lana sii xoojiyo kacdoonka dagaal ee ka dhanka ah si looga gaaro ujeedada laga lee yahay oo ah xoreynta dalkeena.

"Haddii furimaha looga soo adkaado Al-Shabaab waa baxeysa baqdinta laga qabo. Xamar ciidan kuma haystaan Shabaab oo iya goo dhex jiifa ayey joogaan laakiin haddii fur imaha dagaalka looga soo adkaado dadka soo qab-qabanaya haddii furimaha looga ad kaado.”

Ugu dambeyntiina waxa uu kusii dhiiri-geli yay ciidamada dowladda iyo kuwa kale ee de egaanka inay sii kordhiyaan howl-galada la gu soo afjarayo Al-Shabaab, islamarkaana dagaalka lagu garab istaago nooc walba oo taageero.

Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday Askari dilay Taliyihiisa

Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciid amada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Berri oo Axad ah waxaa ay xukun dil ah ku riday Xidigle Cabdinaasir Daa’uud Sheekh Xasan oo lagu helay dilka taliyihiisii iyo dhaa waca laba qof oo Shacab ah.

Xeer ilaalinta ayaa Maxkamad da Ciidamada u gudbisay eeda ah in Xidigle Cabdinaasir Daa’ uud Sheekh Xasan uu dilay Tali yihii ururuka 59-aad ee Gaadiidka xooga dal ka Dhame Cabdi Maxamed Axmed (Hurdaa ye) si ku talo-gal ah 29-kii Septemper 2022. Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ayaa sheegtay in Xidigle Cabdinaasir Daa’uud She ekh Xasan uu ka cabanayay xaquuq ka ma qan, balse isaga uu ahaa nin qaban waayay mid kamid ah Shaqooyinkii loo diray oo ahaa inuu qeyb ka noqdo ciidamo katirsan xoogga dalka oo safar dhinaca dhulka ah ugu baxayay gobolada dalka.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Gaashaanle Sa re Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Xidigle Cabdinaasir Daa’uud Sheekh Xasan uu ku cadaaday dambiga lagu soo eedeeyay ee ah dilak taliyihiisa iyo dhaawaca Axmed Maxamuud Axmed iyo Cumar Axmed She ekh Maxamed ,Isla markaana lagu riday xu kun dil toogasho ah.

Maxkamadda Darajada koowaad ee Cii damada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa dhowr jeer ooh ore sidaan oo kale xukuno dil toogasho ah ugu riday Askar katirsan Ciida mada qalabka sida iyo Xubno katirsan Urur ka Al-Shabaab.

DF oo shaacisay doorka diyaaradaha Turkiga ay ka qaataan dagaalka Al-Shabaab

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay doorka ay diyaaradaha aan duul iyaha laheyn, oo ay soo saarto Turkiga, ka qaataan dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shab aab ee ka socda qeybo badan oo kamid ah Soomaaliya.

Diyaaradaha hubeysan ee Bayraktar TB2 ee ay soo saarto shirkadda Baykar, oo uu leeyahay wiilka qaba gabadha madaxwey ne Erdogan, ayaa ka qeybgalay dagaalka ka socda gobolka Hiiraan ee Al-Shabaab looga xoreenayo waana markii ugu horeysay oo ay tallaabadaan qaadaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay dood ka dhacday Muqdisho ayaa sheegay in diyaarad aha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ay bix inayaan sahan dhanka cirka ah iyo sahan milateri.

"Dowladda Mareykanka ayaa hogaamin eysa, waxaana runtii aad uga mahad celin eynaa in ay hawada ka taageerayaan oo ay fuliyaan weerarada cirka ah ee ka dhanka ah koox da argagixisada ah, sidoo kale wuxuu bixiyaa taag eero sirdoon ah,” ayuu yiri Fiqi.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in hawl wadeenada Turkiga ee Drones-ka ay si dhow ula shaqeeyaan taliyayaasha Sooma alida, kuwaas oo siinaya isku-dubarid bartil maameed ah, si loola socdo dhaq-dhaqa aqyada Al-Shabaab.

10-kii sano ee lasoo dhaafay Turkiga iyo Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaxeeyey xiriir wanaagsan, waxayna Turkiga Soomaaliya ka sameysatay saldhig Militari taasoo sare u qa atay iskaashiga dhanka ciidanka.

Marka loo eego falanqeeyayaasha, talla abadan cusub ee Ankara ayaa loo arkaa mid wax weyn ka tari doonta dagaalka ay Sooma aliya kula jirto Al-Shabaab.

Musharax Cirro: Ma aqbali doono koro dhsiimo xaaraan ah

Xisbiga Waddani ayaa gabi ahaanba ka soo horjeestay go'aankii ay Golaha Guurtida Somaliland mud ada 2-da sanno ah ugu kordhiyeen muddo xileedka madaxwey ne Biixi Musharaxa Madax weyna ha Xisbiga Wad dani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo warbaahinta kula hadlay magaalada Hargaysa, ayaa she egay in go'aanka golaha guurtidu aanu shar ciyad ku taagnayn, isla ma rkaana anay aqb alayn. "Waxan beesha caa lama, ee jecel wadajirka umada Somaliland iyo wax wadala haanshaheedau sheegayaa, in go'aanka go laha guurtidu, aanu ahayn mid ku qotoma da stuurka, iyo xeerarka dhaqan galka ah, sidaas darteed xisbiga Waddani go' aanka wuxuu u arkaa mid xaaraan ah oo aanu aqbalayn" ayuu yidhi Musharax Cirro.

"Hadii uu Muuse Biixi doorashadii qab an waayay, hadii uu diiday ergooyinkii kala dhwanaa ee sheekh iyo shariifba lahaa, hadii uu diiday xal ku yimada wada tashi ... xisbiga Waddani marna ma aqbali doono korodhsi imo xaaraan ah" ayuu hadalkiisa ku daray Musharax Cirro.

Waxa kale, oo uu sheegay in wixii ka da nbeeya 13 November oo ay ku egyihiin 5 tii sanno ee madaxweynaha Somaliland la door tay, in xisbiga Waddani aanu aqoonsan doo nin sharcinimada xukuumada Somaliland.

Waxa uu ku sheegay in dhibaato kasta oo ka dhalata go'aanka golaha guurtida uu masuuli yadeeda qaadi doono madaxweynaha Som aliland, isaga oo intaa ku daray in ay mari do onaan wado kasta oo suuragal ah si xukuum ada loogu qasbo in ay qabato doorashadii ka daxtooyada.

Faah Faahin Kasoo Baxeysa Muwaadin iin Soomaali Ah Oo Goobtooda Ganacsi Lagu Dilay

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay gudaha Magaalada Cape-town ee dalka Koonfur Afr ika dilal loogu geystay Muwaadiniin Soomaal iyeed oo kamid ahaa Soomaalida dalkaas ku leh goobaha Ganacsi, waxaana weerar ku qa aday dabley hubeysan oo bur cad ah.

Muwaadiniinta la dilay ay aa waxaa lagu kala magaca abi jiray Allaha u naxariistee Cabdikariin Cabd ullaahi Maxamuud iyo Cab dul laahi Dheere, dilkooda ayaa si gaar ah uga dhacay laba duka an oo isku dhow, ayna ku laha ayeen degaan ka Guguletu ee Koo nfur Afrika.

Dad kale Soomaali ah kana agdhawaa go obta lagu dilay laba Muwaadiniinta ayaa me ydka ka qaaday halkaas, isla markaana she egay in Marxuumiinta ay u dhinteen rasaas la gu weeraray, xilli ay guda jireen shaqooyink ooda caadiga ahaa.

Booliska Koonfur Afrika ayaa sida caada da u aheyd tegay halka ay dilalka ka dhace en, waxaana ay sheegeen inay wadaan baari taano lagu baadi gaabayo burcadii hubeys neyd oo baxsatay, waxaana howlagalada ay sameeyaan Booliska dalkaas ay yihiin kuwo aan wax natiijo ah kasoo bixin inta badan.

Koonfur Afrika ayaa waxaa inta badan falal Dil, Dhaawac iyo dhacba isugu jira kala kul ma Muwaadiniinta Soomaaliyeed, iyadoo aan ay jirin Safaarad ama Jaaliyad isku xiran oo tacadiyadan joogtada ah iyo sidii wax looga qaban lahaa kala xaaj ooda Dalka K/Afrika.


Laba BEEL oo muddo 40 sano dagaa shanaa oo lagu heshiisiiyey Dhuusa mareeb

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ah na ku-simaha Madaxweynaha Cali Daahir Ciid ayaa ka qeygalay kulan lagu heshiisiin ayey beelaha daga Ceelwaaq iyo Cadaado oo muddo 40 sano ah uu ka dhaxeeyey dag aal qabiileed.

Ciid oo hadal ka jeediyey xarunta uu ka dhacayey heshi iska ayaa sheegay inay aad ugu farax sanyihiin in lasoo afjaro wajiga koowaad ee colaadaan u dhaxeysay labadaan beel ee walaaha ah, wuxuuna arrintaas uga mahad celiyey wasaaradda arrimaha gudaha Galm udug oo uu sheegay inay waqti badan geli say howshaan.

"Waa yaabeysaan haddii aan idin dhaho colaadaan markii ay billaabaneysay waxaan jiray 3 sano, inay illaa Berri socoto waa ay aandarro, dadkii intaan colaadaan fiirsanayey waxay ahaayeen dad aan na matalin xaqi iqdii, Berri dadkeedii ayey heshay waa loo kacay” ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid.

Wuxuu hadalkisia kusii daray "Dagaalka labada beel u dhaxeeyey waxaa ku baxay dad badan oo qiimo lahaa, balse waa nasiib wanaag inaan hadda ku guuleysanay inaan joojino oo uusan wiil dambe naga dhiman.”

Ciid ayaa sheegay in labadaan beel aysan iy aga dooran inay daris noqdaan balse ay ta hay arrin uu Allah qadaray, islamarkaana ays an jirin meel ay ku kala tagaan.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa odayaa sha kula dardaarmay inay ka dhabeeyaan fuli nta heshiiskaan oo uu sheegay in waqti bad an lasoo galiyey.

"Dhammaan intii saxiixday iyo intii kor jo ogtada ka aheyd waxaa kula dardaarmayaa inay fuliyaan waxyaabihii lagu heshiiyey isla markaasna uusan wax dambe kasoo noqon, anagana haddii uu Allah yiraahdo waa idinku garab siineynaa fulinta heshiiskaan haddii ay ahaan laheyd dhanka farsamada iyo amn iga,” ayuu hadalkiis kusoo gunaanaday.

Beelahaan oo wada daga gobollada dhe xe ayaa muddo badan is dagaalayey, wuxuu na dagoolkooda inta badan ka dhalanayey muran dhanka deegaanka iyo daaqsinta ah.

Abaabulka dagaal xooggan oo si wada jir ah uga socda 3 maamul goboleed

Dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ayaa ku sii baahaya Gobollada iyo Maamul Gobole edyada Dalka, iyadoo weli socdaan abaabulka ciidam ada maamul Goboleedyo hor leh.

Jubbaland ayaa la she egay inay ku jirto diyaar gar owgii ugu danbeeyay ee dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana dhowaan uu madaxw eynaha Maamulkaasi Axmed Maxamed Isla am shaaciyey inuu dagaalku ka bilaabanayo degaanada Jubbaland, kadib sanado ay difa ac ahaayeen.Dhinaca kale Maamulka Koonf ur Galbeed ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo ka bilowday degaa nada maamulka Koonfur Galbeed, gaar aha an Gobolka Shabeellaha Hoose.

Wasiirka amniga Koonfur Galbed Maxa med Isaaq Cabdi iyo mas’uuliyiin kormeer u gu tegay ciidanka Koonfur Galbeed ayaa u sheegay in maamulku uu u diyaar garoobay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kana bilaab an doono Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dhinaca kale waxaa Gobolka Hiiraan, ga ar ahaan degmada Maxaas ka socda diyaar garow cusub oo lagu doonayo in dib loogu qa bsado deganaadii ay habeen hore banneeye en ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ee Moqokori iyo Yasooman.

Waxaa kaloo Muqdisho laga dareemay diyaar garowga beelaha G/sh/Dhexe oo lagu wado inay maalmaha soo socda ku biiraan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Waxaa sidoo kale weli socda abaabulka duulaan ka dhan ah Al-Shabaabka haysta Ce el-buur, oo la doonayey in dagaal lagu qaado toddobaadkii tegay balse uu dib u dhac ku yimid.

Abaabulkan ayaa imanaya ayada dho wrkii maalmood ee tegay uu hakad yar ku yi mid kacdoonka ka dhanka ah Al-Shabaab oo tan iyo markii uu billowday deegaano badan looga qabsaday kooxdas.

Al-Shabaab ayaa Jimcihii qarax ku di shay taliyihii booliska gobolka Banaadir Far xaan Qaroole, taasi oo mas’uuliyiinta dowlad da ay sheegeen inay kusii dhiiri-gelineyso un inay dagaalka sii xoojiyaan.

Sweden oo u hoggaansantay shuruuddii uu hordhigay madaxweyne ERDOGAN

Wakaaladda dowladda Sweden u qaabils an arrimaha militagriga dibadda ee (ISP) ay aa sheegtay inay laashay xayiraaddii saarn ayd in qalab milateri loo dhoofiyo dalka Turk iga, ka dib markii dalka Waqooy iga Yurub uu go’aansaday Inuu ka mid noqdo xulafada mil ateri ee NATO, islamarkaana heshiis laga ga aro dii dmadii Turkiga.

Dalalka Sweden iyo Fin land ayaa horraantii san adkan dalbaday xubinima da NATO kadib markii Ru ushka uu ku duulay dalka Ukraine, balse wa xa ay la kulmeen xaalad adag, maa daama co dsigoodu uu u baahnaa inay ansixi yaan 30 ka dal ee xubnaha ka ururka, iyadoo Turkiga uu arrintaas kasoo horjeestay. Madaxweynaha Turkiga Tayyip Erdogan ay aa ku hanjabay inuu hor-istaagi doono dal abkooda ku aaddan ku biirista NATO. Erdogan ayaa ku eedeeyey Sweden inay inay taageerto kooxda YPG ee waqoo yiga Suuriya, taasoo uu u arko inay tahay garab ka tirsan xisbiga shaqaalaha Kurdistan ee PKK oo sidoo kale Mareykanka iyo Mido wga Yurub ay u arkaan koox argagixiso.

Sweden iyo Finland ayaa mamnuucay in hu bka loo dhoofiyo Turkiga sanadka 2019 ka dib markii dagaal ka dhan Kurdiyiintaa Suuri ya ee YPG ay gudaha u galeen Suuriya.

Erdogan iyo Turkey ayaa Sweden iyo Finland hor-dhigay shuruudo ay ka mid yihiin inay qaadaan xayiraadda hubka, una soo gacan geliyaan xubnaha lala xiriirinayo kooxaha argagixisada ee Kurdish-ka iyo isku daygii afgambi ee 2016.

Saddexda dal ayaa heshiis horudhac ah ka gaaray shirkii NATO ee bishii June ka dhacay magaalada Madrid, halkaasoo Swed en iyo Finland ay ku heshiiyeen dhowr tall aabo oo la qaadayo si wax looga qabto walaaca Turkiga ee musharaxiinta.

ISP ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay inay billowday bixinta oggolaanshaha dhoofi nta inta lagu guda jiro rubuci saddexaad laak iin ma aysan shaacin shirkadaha ama badee cadaha la siiyay fasaxa.

Tirada dadkii ku dhintay isbuurashadii Indonesia oo korortay.

Ugu yaraan 174 qof, ayaa ku dhintay shil ka dhacay ciyaar kubadda cagta ah, oo ka socotay dalka Indonesia, taasoo noqotay mid kamid ah musiibooyinkii ugu xumaa ee ka dhaca garoomada ciyaaraha.

Ilaa 180 ayaa sidoo kale ku dhaawacmay, ka dib guuldaradii kooxda martida loo ahaa ee

 

 

Arema FC, ka soo gaartay garoon aad loo buux dhaafiyay, oo sabtidii ka dhacay magaa lada Malang ee bariga Java.

Dhimashada ayaa timid kadib markii ay boo liisku sunta dadka ka ilmaysiisa u istic maaleen taageerayaashii soo galay garoon ka. Markii uu argagaxa uu fiday, kumaankun ay aa u soo baxay dhanka bannaanka gar oonka Kanjuruhan, halkaas oo qaar badan ay ku ne ef-qabatimoobeen.Fifa, oo ah xir iirka kubbad da cagta adduunka, ayaa shee gay in aan "gaaska xakamaynta dadka” aan ay aheyn iney isticmaalin shaqaalaha ama booliiska, marka ay jiraan ciyaaraha.Mid ka mid ah go objooge kusugnaa goobta uu shi lku ka dha cay, ayaa BBC-da u sheegay in booliisku ay "si isdaba joog ah oo degdeg ah u rideen ga aska dadka ka ilmeysiisa,” ka dib markii xaa ladda taageerayaashu ay noqotey” mid kac san oo faraha ka baxday”


Maleeshiyaad hubeysan oo weeraray saldhigga Burtinle

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor imaad Berri ka dhacay gu daha degmada Burtinle ee gobolka Nugaal, kaas oo ka dhashay weerar ay maleeshiyaad beeleed hubeysan ku qaadeen saldhigga weyn ee magaaladaas.

Wararka ayaa sheegaya in Maleeshiyaadka ay do onayeen inay soo furta an maxaabiis ku xiraneyd saldhigga, kuwaas oo ma xkamadda Bur tinle ay xukun ku ri dday, wax aana la sheegay in ragga weerarka qaaday ay sidoo kale di idan yihiin in maxa abiistaas oo ay isku heyb yihiin loo gudbiyo xabsiga dhexe ee magaa lada Garoowe ee xarunta Puntland.

Israsaaseynta dhex-martay ciidamada ammaanka iyo ragga hubeysan ayaa si xoo gan looga dareemay magaalada oo dhan, ta as oo cabsi ku beertay dadka deegaanka.

Sidoo kale dagaalka Berri Burtinle ka dhacay ayaa saameyn ku yeeshay dhaq-dha qaaqa, dadka, gaadiidka iyo ganacsiga, sida ay innoo sheegeen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay iska hor imaadkan, balse xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, ayada oo ciidamo dheera ad ah lagu arkayo waddooyinka waa weyn.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo illaa iyo hadda ka soo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka Puntland oo la xiriira shaqaaqadaasi.

Deegaannada Puntland ayaa waxaa inta badan ka dhaca iska hor imaadyo hubeysan, kuwaas oo geysta khasaarooyin kala duwan, waxaana horey loogu dilay shaqaaqo tan la mid ah taliyihii saldhigga magaalada Qardho, xilli uu waday howlgal culus, kadib markii ay isku dhaceen koox ka ganacsanesay Qamr iga oo ku sugnaa gudaha magaaladaasi.

Soomaalida iyo Oromada oo wali ku dag aallamaya degmada Gurra dhaamoole ee dowlad degaanka Soomaalida

Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in wali uu socdo dagaalkii ka socday degmada Gurra dhaamo ole ee gobolka Liiban, kaas oo u dhaxeeya Soomaalida iyo Oroma da.

Wararku waxay in taa ku darayaan inay jir to khasaaro ka dhashay dagaalladan, inkas too aan wali faahfaahin dheeraad ah laga hel in dagaalladan maadaama ay go'an tahay isga arsiintii degmadaas.

Waxa kale oo ay wararku sheegayaan in ay jiraan guryo ku yaal degmada Gurra dhaa moole oo la gubay, iyo barakac xooggan oo dadku goobahay dagaalladu ka socdaan ka barakacayaan, iyadoo dadka degaankaasina ay arrintaas ku eedeynayaan maleeshiyaad ka tirsan Oromiya. Soomaalida iyo Oromada ayaa inta badan waxay wada degaan de gmooyin dhaca xu duudda labada degaan ee Soomaalida iyo Oromada, waxayna colaad dani ka dhalatay dhul ku yaal xuduudda deg aannada labadaa si qowmiyadood, oo inta badan muran iyo da gaallo badan ay ka dha sheen xilliyo kala du wan.

Labada maamul oo Soomaalida iyo Oro mada ayaan wali ka hadlin dhibaatada ka taa gan degmada Gurra dhaamoole ee gobolka Liibaan ee dowlad degaanka Soomaalida.

Midowga Yurub oo ka dayriyey xaalad da bani’aadanimo ee Tigray.

Ururka Midowga Yurub ayaa ku dhawaa qay in xaalada bini’aadantinimo ee gobolka Tigray ay sii xumaatay, kadib markii uu dib u soo cusboonaaday dagaalkii sokeeye.

Madaxa maareynta xasaradaha ee Midowga Yurub, Janez Lenarcic, ayaa sheegay in xaal adda bini’aadantinimo ay gaartey meel halis ah, oo ka xun dagaalka ka hor, haatanna ay ka sii dartay."Kadib dhama adkii dagaalka, xa aladda bini’aadantinimo ee waqo oyiga Itoobi ya, waa ay ka sii daraysaa, Midowga Yur ub ayaa ka walaacsan arrinta asi,” ayuu yiri guddoo miyaha.Tobanaan kun oo qof, ayaa mar kale ka bara kacay dagaalada soo cusb oonaaday, waxaana la sheegay in burbur xo ogan uu soo gaarayo hantidii, kaabayaashii dhaqaalaha iyo dadka deegaanka.Ururku ayaa wuxuu sheegay in xaaladda bini’aadant inimo ee gobolka ay mar horeba aheyd mid aad u liidata, ayna kasii dari doonto dhibaa tada, haddaan degdeg wax loogga qaban.

Dib u soo cusboonaanshaha dagaalka, ayaa si weyn u hor istaagay in gargaar bini’a adantinimo la gaarsiiyo waqooyiga Itoobiya, ururka Midowga Yurub, ayaa sidaasi sheeg ay.

Waxaa wali gabi ahaanba go’an jidadkii la marin lahaa sahayda iyo agabka aasaasi ga u ah nolosha, shidaalka iyo dhaqaalihii la gaarsiin lahaa Tigrayga,iyadoo sidoo kale dhi baatadan lagu arkayo deegaanada Axmaara da iyo Canfarta oo uu dagaalku ku fiday.

Itoobiya oo ciidamo soo gelisay Sooma aliya, kadib safarkii Xasan Sheekh

Wararka laga helayo gobolka Gedo ayaa sheegaya in ciidamo horleh oo ka socdo da lka Itoobiya ay gudaha u galeen gobolkaasi, ka dib markii ay ka soo talaabeen xadka Soo maaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan dhinaca dowlad deegaanka.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa in oo sheegay in ciidamadaan oo gaaraya dho wr boqol oo askari ay gaareen deegaano hoo staga degmada Doolow ee gobolka Gedo, halka as oo ay ka sameysteen fariisimo ciidan, waxayna bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo aad u culus.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa in noo xaqiijiyey in ciidamada ka socda Itoobiya ay aad u qalabeysan yihiin, isla-markaana ay wataan gaadiidka gaashaaman ee dagaalka.

Sidoo kale ciidamada Itoobiya ee guda ha u galay gobolka Gedo ayaa la sheegay in aysan qayb ka aheyn kuwa howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika.

Saraakiil amniga ayaa dhankooda shaa ca ka qaaday in ciidamadan ay ka qayb-geli doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shab aab ee haatan sida xoogan uga socdo dalka.

Arrintan ayaa waxaa daba socoto dhaq-dhaq aaq ay maalmihii u dmabeeyey saraakiil ka socota dowladda Itoobiya ka wadeen gobol ka Gedo, kuwaas oo saraakiisha ciidamada dowladda iyo mas’uuliyiinta maamulka gob olka Gedo lala lahaa kulamo la xiriira amn iga.

Dhaq-dhaqaaqa ay haatan gudaha Soo maaliya ka bilaabeen ciidamada Itoobiya ay aa kusoo aadayo, kadib safarkii madaxwey ne Xasan Sheekh ee Addis Ababa, kaas oo wadahadallo la yeeshay ra’iisul wasaare Abiy oo uu hordhigay ka qayb qaadashada dagaal ka Al-Shabaab.

Dhowaan ayey sidoo kale aheyd markii ay kooxda Al-Shabaab gudaha u gashay dhu lka deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaas oo ay ka fuliyeen weeraro maalmo badan qa atay, isla-markaana dhaliyey khasaare xoog leh oo isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo bur bur.

Cod sir ah oo laga helay Wasiirrada Pakist an oo u tashanaya Imran Khan

Golaha wasiirrada federaalka ee dalka Pakistan ayaa go’aansaday in ay tallaabo sharci ah ka qaadaan raysul wasaarihii hore ee dalkaas, Imran Khan, sida laga ma qlay cod lasoo dusi yay oo la duubay xil liga ay ta shanay een.

Xogta ku jirta codka ayaa qeexeysa in marka ay si rasmi ah go’aankaas u an sixiy aan golaha wa siirrada kaddib lagu dhaqaaqi doono tallaa bada sharciga ah.

Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Pakistan oo mag aciisa qariyay ayaa BBC-da u xaqiij iyay in baaaritaan heer federaal ah la gu sam eyn doono arrintan.

Hay’adda baaritaannada ayaa amar lagu siiyay inay si deg deg ah u soo baarto codka sirta ah ee la faafiyay. Imran Khan oo ah siy aasi aad u saameyn badan waxa uu guddoo miye ka yahay xisbiga Tehreek-e-Insaf. Bishii April ee sanadkan ayaa laga qaaday xilka ray sul wasaaraha Pakistan, arrintaas oo si weyn uga careysiisay taageerayaashiisa. Xilka qa adistiisa waxa ay timid kaddib markii ay xil dhibaannada baarlamaanka kalsoonida uga la noqdeen kulan dhacay saq dhexe oo habe ennimo kaddib.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip