HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH AXAD 2-DA OKTOOBAR 2022-KA

0
Sunday October 02, 2022 - 08:18:12 in Wararka by
  • Visits: 402
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO WARARKA WARGEYSKA MOGTIMES DAILY NEWSPAPER EE MAANTA OO AH AXAD 2-DA OKTOOBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Qodobo laga soo saaray kulankii dhexm aray Ma daxweyne Xasan Sheekh & RW Abiy Axmed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo labo maalmood ah Booqasho rasmi ah ku joogay Ja mhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka ee Itoobiya, kaddib martiqaad uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Abiy Axmed.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wada-hadallo la ba geesood ah yeeshay.

Intii uu socday wadahadalka labada hoggaamiye wa xaa ku wehlinayey masuuliyiin sare oo ka tirsan lab ada dal, iyagoo isla eegay arrimaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Itoobiya, gaar ahaan in la iska kaa shado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, xoojinta dhaqaalaha iyo is-dhexgalka gobolka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay isla qaateen 10 qodob, kuwaas oo kala ah

In la kobciyo, lana xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo Labada shacab, kaas oo sal looga dhigayo qadarinta qarannimada iyo midni mada labada dal.

Waxay ku celiyeen go’aankooda ah inay si wax ku ool ah isaga kaashadaan dagaalka ka dhanka ah cadowga ay wadaaageen labada dal ee Argagixisad da iyo Xag-jirnimada, waxa ayna fareen hay’adaha amniga xoojinta iyo tayeynta iskaashiga amni ee ka dhaxeeya.

Labada Hogaamiye waxay bogaadiyeen howlgal ada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Gobo llada Soomaaliya, gaar ahaan duulaankii ugu damb eeyay ee ciidamada XDS ay ku qaadeen Al Shab aab.

Madaxdu waxay ugu baaqeen Golaha Amaanka Qaramada Midoobay in ay tixgaliyaan codsiga Dow ladda Federaalka Soomaaliya ee ah in laga qaado cunaqabateynta hubka ee saaran dalka in ka badan 30 sano, si loo xaqiijiyo in Ciidamada Soomaaliyeed ay dalkoodaa ka xoreeyaan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee argagixisada ah.

Waxa ay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in la wada shaqeeyo, la yareeyo saameynta dibadda iyo faragelinta laga yaabo inay wiiqdo nabadda iyo xasilloonida gobolka iyo dadaalka wadajirka ah ee la dagaalanka argagixisada.

Si taas loo gaaro, waxay ku heshiiyeen inay yee shaan wada-tashiyo laba geesood ah oo joogto ah iyo in la iska kaashado golayaasha loo dhan yahay iyo kuwa goboleedba, korna loo qaado danaha guud ee ku salaysan is-xtiraamka labada dhinac iyo madaxbannaanida labada dal.

Waxaa la bogaadiyay Ciidamada Difaaca Itoobiya ee sida geesinimada leh ugu huray naftooda naba dda, xasiloonida iyo dowlad dhiska Soomaaliya.

Madaxdu waxay xuseen in labada dal iyo guud ahaan dalalka gobolka ay soo foodsaareen abaaro soo noqnoqday iyo masiibooyin kale oo dabiici ah, kuwaas oo ay keeneen isbeddelka cimilada, khata rna ku ah nolosha dadka deegaanka.

Waxay ku nuuxnuuxsadeen in ay lama huraan tahay in arrimahan la iska kaashado, loona baahan yahay in la laba jibbaaro dadaallada looga gudbi karo caqabadahaas.

Waxay sidoo kale ugu baaqeen saaxiibada caal amiga ah in ay sii wadaan taageerada bulshooyinka ay abaartu saameysey.

Madaxdu waxay ku heshiiyeen in la kordhiyo de eqaha waxbarasho iyo tababarada ee Itoobiya ay sii so shacabka, shaqaalaha, ciidamada ammaanka iyo hay’adaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Labada hoggaamiye waxa ay adkeeyeen muhiimad da ay leedahay balaarininta iyo horumarinta iskaash iga dhinacyada Ganacsiga, maalgashiga, Isgaarsiin ta, amniga iyo siyaasadda.

Madaxdu waxa ay fareen xafiisyada dawladda in ay sameeyaan guddiyada isku dhafka ah ee Wasaaradaha, sida ugu dhakhsaha badan ee suurt ogalka ah, si looga doodo loona dejiyo tilmaamaha iyo hababka fulinta ee arrimaha danaha labada dhinac.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo farriin culus ka diray janaasadii Farxaan Qaroole

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxa muud ayaa Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka kaga qeyb galay Salaadda Janaasada Alle ha u naxariisto Taliyehii Qaybta Guud ee Boliiska Gobolka Banaadir, Sarreeye Guuto Farxaan Maxamuud Aadan oo ku shahiiday dagaalkii Dorraad ka dhacay deeganno ka tirsan Shabeellaha Dhexe. Madaxwey naha ayaa tilmaamay in Marxuum Farxaan Maxa muud Qoroole uu ahaa geesi ay ka go’anayd in uu argagixisada ka xoreeyo dalkiisa, dhagartoodana ka difaaco dadkiisa Soomaaliyeed, waxa uuna halyey gani u shahiiday isagoo haya jidkaas sharafta ba dan.

"Dadka Soomaaliyeed Shalay waxa ay leeyihiin hal cadow oo ay tahay in ay cudud iyo caqliba u mid eeyaan. Caqli saliim ah ma ahan in aynu aqbalno fici lladooda gumaadka ah. Qofkasta oo Soomaaliyeed waxaa waajib ku ah in uu doorkiisa ka qaato dagaal ka ka dhanka argagixisadaas,” ayuu yiri madaxw eynaha

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay damiir xumo tahay ganacsatada han tidooda sida baadda ah u siiya argagixisada Al-Shabaab, taas oo ah waxa ay ku maalgeliyaan dha garta ay ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed ee birmi-gaydada ah, dowladduna aysan aqbalayn arrinkaas.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Marxuumka Alle uga baryey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fird owsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, ehell ada iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

Allah ha u naxariistee, Taliyihii ciidamada Boolis ka gobolka Banaadir Jeneraal Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qaroole) ayaa Dorraad lagu dilay qar ax ka dhacay deegaanka Basra ee gobolka Shab eellaha Dhexe.

Farxaan Qaroole ayaa watay gawaari nooca xab adda aysan karin ah, balse waxa uu qaraxa kahor ka degay gaariga waxaana kadib ku qaraxday miinada oo dhulka lagu aasay, ayada oo wararka qaar ay sheegayaan inuu ku istaagay.

Jeneraal Farxaan Qaroole oo loogu magac daray xarun ku taalla Muqdisho

Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Gene ral Cabdi Xasan Maxamed Xijaar oo saxaafadda kula hadlay halka lagu duugayey Allaha u naxari istee taliyihii booliska gobolka Banaadir Farxaan Qar oole ayaa sheegay in Shalay wixii dambeeyo loogu magaca daray xerada Haramcad.

"Waxaan Shalay inta isugu nimid inaan sagoot ino shahiid, saaxiibkey shaqsiga iigu dhow ayuu ah aa, geesi ayuu ahaa, wuxuu ahaa shumac soo bax aayey oo dhallinyarada u ahaa Fiyoore soo socda, wuxuu model u ahaa laba milyan oo oo dhallinyaro ah oo Xamar joogta,” ayuu yiri General Xijaar.

Taliyaha ayaa hadalkiisa kusii daray "Waxaa ra baa inaan la hadlo ciidanka booliska Soomaaliyeed, waxaa rabaa qof kasta oo booliska Soomaaliyeed ah darajo kasta iyo fadhi kasta oo uu ka tirsan yahay inuu noqdo Farxaan oo kale.”

General Xijaar ayaa sheegay in Shalay wixii ka dambeeyo uu ku dhawaaqay in magaca xirada Haramcad ee magaalada Muqdisho loo bixiyey Xar unta Haramcad ee General Farxaan.

"Waxaan ugu magac daray xeradan aan Shalay joogno oo ah xarunta ciidanka Haramcad, laga billa abo Shalay waxaa loo bixinayaa ama loo bixiyey ama aan ku dhawaaqayaa Xarunta Haramcad ee Ge neral Farxaan, magacaas ayaad qaadan doontaan si uu magaciisa u noolaado,” ayuu yiri Xijaar.

Xijaar ayaa sheegay in laba maalmood ka hor ay ugu dambeysay aragtida Farxaan Qaroole wuxuuna yiri isagoo ay murugo ka muuqato "Doraad ayaa iigu dambeysay oo halkaan isku aragnay, wuxuu u tusay kaarto uu u sameeyey ciidanka dhintay, Allaha u na xariisto, ciidankiisa ayaa jeclaa, sarkaalka fiicana wa xaa lagu gartaa sida uu u maamulay ciidankiisa.”

Allaha u naxariistee Farxaan Qaroole, oo Dorra ad ku dhintay qarax miino dhulka loogu aasay oo ay ka dambeysay kooxda Al-Shabaab, kana dhacay meel u dhow deegaanka Basra ee gobolka Shabeel laha Dhexe, ayaa Shalay aas qaran loogu sameeyey magaalada Muqdisho.

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Shaqada XFS Oo Shir Kaga Qeyb Galay Dalka Nigeria

Wasiir Dowlaha Wasaaradda Shaqadda iyo Arri maha Bulshada Mudane Xil.Yuusuf Maxamed Aad an, ayaa waxaa kulan miro-dhal ah oo ku saabsanaa qaab-dhisme edka maaliyadeed ee isku-dhafka ah iyo Misaaniy adda furan ee yo olalka horumarin ta wa ara uga soo dhammaaday Magaal da Abuja ee dalka Nigeria.

Kulankan oo socday muddo Afar c isho ah, ayaa waxaa kasoo qeyb galay in ka badan 50 dowladood oo ka kala socday wadamada Afrika iyo hey’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya Arrimaha Bulshada iyo Maaliyadda.

Shirkan oo ay martigelisay Dowladda Nigeria waxaa soo agaasimay hey’ada Caalamiga ah ee is kaashiga Miisaaniyadda, Hey’ada Qaramada Mido obay ee Horumarinta Mashaariicda (UND P), Waa xda Dhaqaalaha iyo Arrima ha Bulshada ee Qaram ada Midoobay (UND ESA), Guddiga Dhaqaala ha Africa iyo Midowga Yurub(EU

Ururada saxaafadda Soomaaliya oo camba areey ay dilka weriya katirsan warbaahinta dowladda

Ururada Suxufiyiinta Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay dilka weriye Axmed Maxamed Sha kuur oo ka tirsan Telefishinka Qaranka Soomaali yeed (SNTV), kaasoo ku geeriyood ay qarax ka dhacay deganka Basra.

Weriyahan ayaa la socday sar aakiil ka tir san hay’adda nabad Su ggida, xilli uu soc day howlgal ay ciid am ada ammaanka ka sa meeyeen deegaan ka Basra oo qiyaastii 30km dhanka waqooyi kaga beegan maga alada Muq disho.

Ururada saxaafadda ayaa sheegay in weriye Ax med oo fadhigiisu ahaa degmada Balcad uu la soc day taliyihii ciiddanka Booliiska gobolka Banaadir, Farxaan Qaroole iyo ciidamo ka tirsan kuwa nabad sugidda oo ku geeriyooday qarax ka dhacay deega anka Basra, Dorraad oo jimce ahayd.

Taliyaha iyo ciidanka nabad sugida ayaa waxay halkaasi u tageen howlgal ciidamada dowladda ku xoreeyeen deegannada hoos yimaada degmada Balcad ee gobolka Shabeeladda dhexe.Alshabaab ayaa sheegtay dilkooda waxayna sheege en inay ku qaari jiyeen miino waddada loosoo dhigay.

Danjire Salaad Cali Jeelle oo faahfaahiy ey khilaafkii Farmaajo iyo Jabuuti

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Djibouti Sal aad Cali Jeelle ayaa hadlay xiriirka Soomaaliya iyo Djibouti iyo saameynta ay shaqadiisa ku yeellatay mugdigii diblomaasiyadeed ee u dhaxeeyay dow ladda Djibouti iyo maamulkii madaxweynihii hore ee Somaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Salaad Cali Jeelle, oo haatan ku sugan dalkan Maraykanka ayaa wa reysi ay VOA ku sheegay in markii xilka safiirka Soomaaliya ee Jabuuti loo magacaabay uusan jirin xiriir wanaagsan oo ka dhaxeeyey labada dowladeed, balse wuxuu xusay inuu soo dhaweyn fiican kala kulmay madaxweybe Ismaaciil Cumar Geelle.

"Runtii markii aan aniga tagay xilligaas waxbaa jiray, xiriirka labada dhinac ma uusan wanaagsaneyn waana iga horreeyey, xaaladda oo fiicneyn ayaa me esha tagay, balse nasiib wanaag madaxweyne Ism aaciil oo aan horey isku naqaanay oday guud oo Soomaaliyeedna ah ayaa isoo dhaweeyey, waxaana kala kulmay wada-shaqeyn fiican,” ayuu yiri.

"Markii aan shaqada billaabay waxaan ka shaqe eyey in xaaladda la dajiyo maadaama dadkaan uu ka dhaxeeyo dhiig walaaltinimo, madaxweyne Ismaa ciil Cumar Geelana gacan fiican ayuu igu siiyey in xaaladda la dajiyo oo hoos loo dhigo, islamarkaana aysan Soomaaliya iyo Jabuuti u dhaqmin sida laba da dowladood oo kale.”

Mar wax laga waydiiyey xiriirka kala dhaxeeya madaweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ku jawaabay "dalka hal dowlad ay uu leeyahay, cidda mar kasta xilka qabato waa in la la shaqeeyo sida ay tahay waajibadka muwaadinka, madaxweynaha cusub markii la doortay waa u ham balyeynay ka safaarad ahaan, kadibna nasiib wan aag wuxuu noogu yimid Jabuuti, runtii si weyn ayaa loogu soo dhaweeyey wuxuuna madaxweyne Ismaa ciil u arkay shaqsigii ugu wanaagsanaa ee uu la sha qeyn karo, runtiina arrintaas aniga farxad weyn ayey igu abuurtay.”

Salaad ayaa sheegay in xiriirka labada dowlado od uu hadda yahay mid wanaagsan, wuxuuna shee gay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ka dhabeey ey hal ku dhigiisii ahaa "Soomaali heshisi ah dunid ana heshiis la ah”.

Mar wax laga waydiiyey dhaliilihii uu u jeedin jir ay madaxweyne Xasan Sheekh ka hor inta aan la do oran ayuu ku jawaabay "Anigaba waan ogahay, mar kii uu Jabuuti yimid si fiican ayaan u gacan qaaday isna ma ahan madaxweyne maanka ku haya wixii ho re, arrintaas waxay aheyd mid in laga garaabo mudan.”

Farmaajo oo bilo kadib Dorraad ka dhoofay Muqdisho

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Dorraad ka dhoofay mag aalada Muqdisho markii ugu horreysay tan iyo markii uu xilka ka degay, sida aysheegtay in ay sheegtay in ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasi mada Onlinesheegtay in ay u sheegeen in madax weynaha uu tegay dalka Turkiga, halkaasi oo uu joo gi doono muddo aan la cayimin.Waxaa safarka ku wehlisa marwadii 1aad ee hore Zeynab Macallin, waxaana lagu sheegay safar nasasho.

Xubnaha Farmaajo ku dho wa ayaa sheegay in weli aysan waxba iska beddelin qorshaha madaxweynihii hore ee ah inuu ku noolaado caasimadda, ee aanu noqon doonin dibadjoog, taasi oo uu ballanqaaday markii uu xilka ka degay.

Farmaajo ayaa degan guri kiro ah oo ku dhow ga roonka Aadan Cadde, oo bishii ah $25,000. Waxaa jira qorshe ay taageerayaashiisa guri ugu dhisayaan oo la billaabay markii uu xilka ka degay,balse ma cadda halka uu qorshahaas ku dambeeyey. Farma ajo hadda waa xildhibaan aan dhicin oo ka tirsan gol aha shacabka, taasi oo uu xaq u siinaya madaxwey ne kasta oo dalka soo mara tan iyo markii ay dhala tay dowladda federaalka.

Farmaajo ayaa qoraal uu saacado kahor soo sa aray uga tacsiyeeyey geerida taliyihii booliska gobol ka Banaadir Jeneraal Farxaan Qaroole, oo xilka Jen eraalnimo uu isaga siiyey.

"Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelka, qa raabada iyo dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey Taliyihii Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir S/Guuto Farxaan Maxamuud Aa dan (Qaroole) oo shahiiday isaga oo ku jira hawl-gal lagu beegsanayey kooxaha arxanlaaweyaasha arga gixisada ah,” ayuu yiri Farmaajo.

"Janaraal Farxaan Qaroole waxa uu ahaa sar kaal kaalin mug leh ku lahaa xaqiijinta ammaanka dalka iyo la dagaallanka argagixisada, iyada oo aa nay ahayn markii koowaad ee uu kooxaha argagixis ada ah kula dagaallamo deegaanka Basra iyo deega annada kale ee ku teedsan xuduudda Gobollada Shabeellada hoose, Shabeellada Dhexe iyo Gobolka Banaadir.”

"Waxaan Alle uga baryayaa in uu hoygiisa ka ye elo Jannatul Firdowsa, simir iyo iimaanna ka siiyo qo yska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaal iyeed ee uu ka shahiiday, gaar ahaan Ciidanka Bool iska Soomaaliyeed ee uu ka tirsanaa”

Xigasho:-Caasimadda.net

Dowladda oo iclaamisay DAGAAL jiho cusub oo ka dhan ah maleeshiyada Al-Shabaab

Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Dr. Sulaymaan Maxamed Maxamuud ayaa shaaciyay in dowladda ay qaadi doonto dagaal maaliyadeed oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab si loo xiro ilaha dhaqaalaha ay hesho, loona ballaariyo howl-galka ka dhanka ah kooxda.

Xeer ilaaliyaha ayaa xaqiiji yay in dowladdu ay si rasmi ah u bilowday howl-galka an ujeed kiisu yahay sidii loo xa yiri lahaa dhaqaalaha Al-Shab aab si looga mira-dhaliyo howl-galka lagu wajahyo, islam arkaa na uusan u kobcin dhaq-dhaq

ulaymaanaaqooda.

Dr. S ayaa qoraal uu soo dhigay bar tiisa twitter-ka waxa kale oo uu ku sheegay inay da mbi tahay in dhaqaale la siiyo Al-Shabaab ama loo fududeeyo, sidaas darteedna uu xafiiskiisa bilaabayo howl-galka socda kaalinta uu ku leeyahay.

"Sida ay geesiyaasha ciidamadeena Soomaaliy eed ee qalabka sida iyo kacdoonka bulshadu ay u wadaan dagaalo naf-hurnimo ah oo ka dhan ah ko oxda argagixisda ah, waxaan halkan ku iclaami nayaa dagaal maaliyadeed oo ka dhan maal-gelinta argagixisada iyo dadka gacanta kula jira dambiyada lacag dhaqidda. Waxaan kula diriri doonaa gudaha iyo dibadda meel walba oo ay joogaan,” ayuu ku yiri qoraalka Xeer ilaaliyaha guuf ee Qaranka.

Sidoo kale waxa uu xusay in xafiiskiisu uu bilaa bay baarista kiisaska la xiriira lacagaha la dhaqo iyo maal-gelinta nacfiga kasoo galo Al-Shabaab, ayada oo arrintaas kala kaashanaysa hay’adaha kala duw an ee dowladda.

"Dambiyadan ayaa keenaya inuu kobco dhaqaa laha maleeshiyada argagixisada ay ku maal-gelinaya an burburinta bulshadeenna Soomaaliyeed, sidaa daraadeed xaafiiska xeer ilaaliyaha guud ee qaranka wuxuu si dhow u daba socdaa isaga oo kaashanaya hay’adaha baarista iyo kuwa caalamka dhaq-dhaq aaqyada maaliyadeed ee lagu dhaqayo lacagaha, laguna maal-gelinayo argagixisada.”Hadalkaan ayaa imanaya xili ay dowladdu sheegtay inay gacan adag ku qabaneyso dadka la shaqeeya Al-Shabaab ee u sahlaya in ay dhaqaale helaan, ayada oo dhowr jeer ay digniino ku aadan arrintaas soo saareen Wasa arada arrimaha gudaha, Xeer ilaaliyaha Qaranka iyo hay’adaha amaanka dowladda.

Magacyada Janaraaladii ku baxay gacan ta mintidiinta Al Shabaab

General Farxaan Maxamuud Aadan (Farxaan Qa roole), Taliyihii Qaybta Booliska Gobolka Banaadir ayaa Jimcihii ku geeriyooday qarax ka dhacay deeg aanka Laba-buundaale ee duleedka Deg mada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhex e, xilli Ciida mada Dowladdu ka wadeen hawlgal ka dhan ah mal eeshiyada Al Shabaab.

Taliyaha ayaa dhowr jeer oo hore ka badbaaday weera ro ay maleeshiyada Al Shaba ab doonayeen inay ku qaaraji yaan, waxaana ugu dambee yay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee 10-kii bishii July ee sanadkii hore lagula eegtay Isgoyska Banaadir ee Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxa muud ayaa ka tacsiyeeyay geerida Farxaan Qaroole, waxaana uu warsaxaafadeed ku sheegay "Sarreeye Guuto Fa rxaan Maxamuud Aadan iyo askartii kale ee la sha hiiday waxa ay waqtigoodii iyo naftoodooba u hur een, sidii ay nabad ugu noolaan lahaayeen shacab ka Soomaaliyeed, waxayna dadaal badan galiyeen, sidii Somaliya looga sifeyn lahaa kooxaha argagi xisada ah.”

Jananka ayaa noqonaya Janaraalkii 11aad ay Shabaabku dilaan, waana janaraalkii ugu da’da yaraa ee gacantooda ku baxa, inta ay taariikhdu qor eyso.

Janaraaladan oo ka kala tirsanaa Ciidamada Booliska iyo Xoogga Dalka ayaa kala ah General Ma xamad Ibraahim Faarax (Gordon), General Cabdik ariin Yuusuf Aadan (Dhega-badan), General Maxa med Rooble Jimcaale (Goobaale), General Ismaaciil Axmed Cismaan, General Maxamuud Xaaji Cali, Ge neral Cabdullaahi Maxamed Sheekh (Quruurux), General Cumar Aadan Dhabad (Cumar Dheere), Ge neral Cabdi Cali Jamaame, General Cabdicasiis Ca bdullaahi Cabdi (Qooje), General Maxamed Nuur Galaal iyo General Farxaan Qaroole oo ugu dambe eyay. Saraakiishan ayaa u badan kuwo xilal ka soo qa btay Talisyada XDiyo C/Boolis ka Somaliyeed, wa xaana masuuliyadda dilkooda sheegtay Shabaabka hubeysan ee dalka ka daga alama.

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay muddo kordhinta

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in aanu jirin xeer qeexaya waxa la yeelayo hadii doorashooyinka urruradu wakhtigooda dib uga dhacaan, lakiin xal loo hayo doorashada ma daxweynaha iyo guurtida.

Madaxweynuhu waxa uu shee gay in hadii xisbi yada wakhtig oodu dhamaado aan loo kordhin kar ayn, oo ay khasabtah ay in doorashado oda la galo, xe er kii mudada loogu kordhin lahaa oo aan jirin awgeed.

"Doorashooyinku hadii ay qa bsoomi waayaan, sad dex door asho ayaa yaala, ta 1aad ee xisbi yada, ha dii ay 10 sanno ka dham aato xeerka uu baarlamaan ku meel mariyay muu sheegin hadii wa khtigooda la qaban waayo halka loo marayo, markaa qaranka waxa ku waajib ah in wakhtigeedii la qabto" ayuu yi dhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu doorashooyinka madaxweynaha iyo guurtida ayuu sheegay in sharcigu sheegay halka loo marayo hadii ay wakhtigoodii ku qabsoomi waayaan, isaga oo uga jeeda in loo kordhin karayo mudada madaama oo uu jiro xeer sida tilmaamaya.

Waxa uu sheegay in ay sharci tahay in 10 kii sanno ba mar la furo urrurada siyaasada, isla markaana doorashooyinku sida ay usoo kala horaynayaan loo raacayo sharciga oo loo sameeyay hay'addo ay kamid yihiin guddida diwaangalinta urrurada siyaas ada iyo gudda doorashooyinka.

Waxa uu sheegay in hay'addaha doorashadu ay haystaan madaxbannaani buuxda oo sharcigu sii yay, isla markaana anay cidna ku farogalin karin sha qadooda, isaga oo intaa ku daray in nabada Soma liland ay tahay mid taama doorashooyinkiina la

galayo.

Madaxweyne Muuse Biixi oo muddo kordhin loo sameeyey

Golaha Guurtida Somaliland ayaa Shalay muddo kordhin horleh u sameeyey madaxweynaha maamu lkaasi Mudane Muuse Biixi Cabdi, kadib kulan xasaasi ah oo ay Shalay ku yeesheen xarunta ay ku leeyihiin magaalada Hargeysa.

Golaha ayaa laba sano oo dheeri ah ugu daray madaxweynaha iyo xukuumaddiisa, kadib codeyn gac an taag ah oo ka dhacday xarunta Guurtida Somaliland.

Sidoo kale Golaha Guurtida Somaliland ayaa iya guna ku darsaday muddo xileedkooda 5 sano oo dheeri ah, waxaana golahan uu yahay kii u horree yey, mana jiro isbeddel lagu sameeyey tan iyo markii la dhisay, waxaana markastaa loo kordhiyaa mud dada xil heynta,

Kulankan oo aad isha loogu hayey ayaa markii hore loo diiday wariyeyaasha, balse dood dheer ka dib ayaa loo ogolaaday, waxaana lagu dhowaaqay muddo kororsiga.

Tallaabada ay qaadeen Golaha Guurtida ayaa aheyd mid la filayey, waxayna ku soo aaday, xilii to dbaadkii hore guddiga doorashada Somaliland uu ku dhowaaqay in uusan xiligeeda ku qaban karin doo rashada, uuna u baahan yahay ugu yaraan ilaa 9 bilood oo dheeraad ah.

Lama oga sida ay noqon doonto fal-celina xisbiyada mucaaradka oo si weyn uga soo horjeeday muddo kororsigan, kuwaas oo horey dibad-baxyo uga dhigay Somaliland.

Si kastaba, doorashada guud ee Somaliland ayaa ku asteysneyd 13-ka bisha Novmeber, balse Muuse Biixi ayaa ku darsaday 2 sano, taas oo ka dhigeysa muddo xileedkiisa 7 sano.

Maxaa ka jira in Puntland ay qorsheyneyso muddo kororsi?

Wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha gudaha ee Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo dho waan xilkan loo magacaabay ayaa ka hadlay xa ala dda Puntland, gaar ahaan muddo kororsiga la shee gay inuu ku how lan yahay Deni.

Ugu horreyn wasiir Juxa ayaa iska fogeey ay in sababta loo maga caabay ay qeyb ka tahay muddo kororsiga lagu eedeynayo madaxt ooyada, gaar ahaan madaxweyn aha Puntland.

Wasiirka cusub ee wasaaradda gudaha Puntla nd ayaa gebi ahaan meesha ka saaray inuu jiro qo rshey ku darsasho ah oo miisak saaran, sida uu hadalka u dhigay.

"Ku darsasho wax la yiraahdo oo miiska saarani ma jirto. Dowladdaana wax gaar ah oo dan ah, ka sa kow inuu barnaamijkan hirgalo mooyee ma jirto. Ju xana taas qeyb kama ahan,’ ayuu yiri wasiir Cabdi Faarax Saciid (Juxa).

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay siyaasiyiinta reer Puntland inay u diyaar garoobaan doorasho dimuqu raadi ah iyo inay codka weydiistaan bulshada.

Dhanka kale wasiir ku xigeenka arrimaha gud aha Puntland Cabdiweli Mire Xirsi ayaa ka jawaa bay hadalkii ka soo yeeray wasiirkii hore ee Maal iyadda Xasan Abgaal oo shaaciyey in isaga iyo mad axweynaha ay isku qabteen in doorashada lagu soo koobo illaa 12 degmo.

Xirsi ayaa beeniyey arrintaas, wuxuuna shaaca ka qaaday in aysan jirin wararka sheegaya in 12 deg mo laga qabanayo doorasho qof iyo cod ah, taasina aysan macquul aheyn.

Puntland ayaa u diyaar garoobeyso doorasho ku soo fool leh, waxaana haatan sii billowday is jiid jiid u dhexeeyo siyaasiyiinta xil doonka ah iyo madaxa hadda tallada heyso.

Generaal Biixi & Mas’uuliyiin kale oo booq day furimaha dagaalka ee gobolka Hiiraan

Taliyaha ciidanka Dulka Generaal Maxamed Tah liil Biixi oo aay wehliyaan guddoomiyaha gobolka Hii raan Cali Jeyte Cismaan, taliyaha qeybta 27-ee CXD Gen. Tawane Axmed Maxamed, Odayaasha dhaqan ka iyo saraakiil ciidan ayaa booqday furimaha dag aalka oo aay ku sugan yihin ciidamada dib-u-xore ynta deegaanka.

Generaal Biixi iyo masuuliyiinta la socday ayaa dhiirri-gelin u sameeyay ciidanka dib-u-xoreynta dee gaanka ee howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ka wada gobolka Hiiraan.

Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidamada xoogga Genaraal Tawane Maxamed oo la hadlay ciidanka ayaa ku guubaabiyay in aay howlaglka sii laba jiba araan.Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa digniin adag u diray shaqsiyaad xagal daacin ku haya howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee Hiiraan ka socda

Taliyaha ciidanka Dulka Generaal Maxamed Tahliil Biixi ayaa ku ammaanay ciidanka dib-u-xore ynta iyo ciidaanka qalabka sida howlglka aay wad aan, sidoo kale, taliyaha ayaa xusay in dagaalka xor eynta ah ee reer Hiiraan wadaan tusaale u yahay Soomaaliya oo dhan.

Ugu dambeyntii, taliyaha ayaa ballan qaaday in dowladda dhexe ay dadka reer hiiraan ku garab ista agi doonto taageero dhinacyo badan leh sida ciida an, dhaqaale iyo cafimaad si aay deegaankooda uga saraan argagixisada.

AL-SHABAAB oo dilay 12 qof oo ceel qodayey kadibna meydadkooda gubay

Dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ayaa Ji mcihii Dorraad ahaa dilay 12 qof oo ceel ka qodayey deegaan abaar xun ay ka taagan tahay oo ku yaalla gobolka Gedo, waxaa sidaas xaqiijiyey dadka dee gaanka iyo mas’uuliyiin.

Weerarkan ayaa ka dhacay deeg aanka Gariley ee koonfurta gobol ka Gedo, halkaasi oo Al-Shabaab ay shaqaalaha ku weerareen goobtii ay ceelka ka qo dayeen, ayaga oo kadibna gubay meydadkooda iyo qalabkii, sida uu sheegay Mahad Cabdi oo goobta tegay islamarkaana tiriyey meydadka.

Deegaankaas, gobolka Gedo iyo gobollo kale oo dalka ka mid ah ayaa waxaa ka taagan abaartii ugu xumeyd ee Soomaaliya ka dhacda muddo 40 sano ah, sida ay sheegeen hay’adaha QM.

"Aad ayaan uga xumahay in Al-Shabaab ay dhib intaas le’eg noo gaysane yso xilli ay na asiibtay abaar darran iyo biyo la’aan ka jirta deegaankeena, oo aynan dooneyn inaan biyo u raadsano 100km,” ayuu Mahad u sheegay wakaaladda wararka Reut ers.

Maxamuud Cabdi Warsame, oo ah duqa magaa lada Gariley, ayaa xaqiijiyey dhimashada dadkan, wuxuuna sheegay in ciidamada ammaanka ay sidoo kale dileen lix Al-Shabaab ah.

Al-Shabaab ayaa toddobaadyadii tegay gubay guryo, burburiyey ceelal islamarkaana gowracay dad rayid ah oo ku noolaa bartamaha iyo koonfurta Soo maaliya.

Weerarada noocan ah iyo canshuurta ay kooxda ka qaadeyso shacabka xilli ay jiraan abaaro darran ay aa ku qasbay shacabka inay hubka qaataan oo ay la-dagaalamaan kooxdan.

Ciidamada ammaanka ayaa sheegay in guulo laga gaaray dagaalkii socday toddobaadyadan ee ay qeybta ka yihiin Macawiisleyda.

Kulan Looga Hadlaayay Ammaanka Deegaanada Jubbaland Oo Shalay Qabsoomay

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Jubaland Maxamuud Sayid Adan ayaa shir Gudoomiyey kulan ay isugu yimaadeen laamaha Amniga Jubaland oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Jubaland.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiiro, Taliyaha Ciidanka Booliska, Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Jubaland iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka qaybta 43-aad ee Jubaland.

Shirka ayaa inta uu socday waxaa la iskaga xogg wareeys anayey xaaladdaha Amniga, Howlgalada xoreeynta deegaanada maqan iyo dhacdooyinkii ugu dambe eyey ee ka dhacday degaanka Garileey ee gobolka Gedo halkaas oo la sheegay in lagu dilay dad shacab ah.

Maareeyaha cusub ee xarunta Qaran ee gurmad ka deg dega ah xafiiska R/wasaa raha oo xilka la wareegay

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xu kuumadda federaalka, mudane Xirsi Jaamac Gaani, ayaa xilka u kula wareejiyay Mar eeyihii hore Xarunta Qaran ee Gurmadka deg dega ah Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, mudane Cabdifataax Cabdi Nuur iyo Maa reeyaha cusub ee Xarunta mudane Cabdiqaadir Faarax.

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Md.Xirsi Jaamac Gaani, ayaa Mareeyihii hore ee Xa runta Qaran ee Gurmadka deg dega ah mudane Cabdifataax Cabdi Nuur uga mahad celiyay shaqadii wacnayd ee uu soo qabtay, isagoo Maareeyaha cusubna u rajeeyey in alle shaqada u fududeeyo.

Sababta ay ciidanka DF uga soo baxeen dee gaanadii ay qabsadeen ee Hiiraan oo la

Deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan waxaa saac adihii u dambeeyey isaga baxay ciidamada dowlad da iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka, halkaas oo todobaadyadii ugu dambeeyey laga xoreeyey kooxda Al-Shabaab.

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdifit aax Xasan Afrax oo ku sugan magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa qiray inay jiraan aagga ay dib uga soo baxeen ciidanku, isagoo ku macneeyey istiraatiijiyad ciidan.

Guddoomiye Cabdifitaax ayaa Idaacadda VOA u sheegay inay xeelad dagaal dib ugu gurteen, balse aysan jirin awood uga timid dhanka Al-Shabaab oo ciidanka ku khasabtay inay isaga baxaan deega anadii ay joogeen.

"Tani kama dhigna inaan dib u soo noqonay oo Al-Shabaab ay dib u qabsadeen, dad qaaliya ayaa naga dhintay, waxaa jirtay in meelaha qaar laga war eegsaday oo meel kale loo wareegay, laakiin dib u bax weyn ma jiro,” ayuu yiri Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cabdifitaax Xasan Arax.

Cabdifitaax ayaa sheegay in cabsi weyn aysan ka qabin in dagaalkaan uu Al-Shabaab uga guuley sto, isagoo sheegay in jabka ay gaarsiiyeen kooxda aysan ka soo kabsa doonin.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa dowladda Soomaaliya iyo qabaa’ilka dega ka codasaday, inay si deg deg u xoreeyaan magaalo oyinka Ceelbuur iyo Aadan-yabaal ee gobollada Galgaduud iyo Shabeellada Dhexe oo culeyska ugu badan oo uga imaanayo reer Hiiraan.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay aad uga sha qeynayaan in beesha Xawaadle ay ku diraan beel aha la deriska ah, sidaas darteedna ay codsanayaan in la xoreeyey dhulka ay fursadaas ka raadineyso kooxdu.

Tirada dadka ku dhintay Qarax ka dhacay Kapul oo sii korortay

Ugu yaraan 19 qof ayaa ku dhimatay qaar kal ana wey ku dhaawacmeen qarax lala beegsaday xaruun waxbarasho oo ku taalla caasimadda Kabul ee dalka Afghanistan.

Ninka weerarka geystay ay aa lagu soo waramayaa in uu rasaas ku furay ilaalada banaanka hore ee dhis maha ku sugneyd, ka hor inta uusan gudaha u gelin fasal ay ardaydu ku qaadanayeen imtixaanka ay jaa macadda ku galayaan.

Muuqaal laga soo duubay goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa ka muuqda burbur iyo dhiigga dadki qaraxaasi ku waxyeelloobay iyo burbur dhismaha soo gaaray.

Sida qaraxyo badan oo dhowaan dhacay, qarax an u dambeeyey wuxuu ka dhacay xaafad ay degg an yihiin Shiicada Hazara ee laga tirada badan yahay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuli yadda qaraxaasi, balse Ururka isku magacabay dowladda islaamka ayaa horay qaraxya noocan ah la beegsaday Shiicada laga tirada badan yahay ee Hazara.

Taliyaha Ciidamada UK Admiral Tony oo Ruush ka ugu digay in uu hawada sare ka qaado dagaal ka dhan ah reer galbeedka.

Taliyaha Ciidamada qalabka sida ee Ingiriiska, Admiral Tony Radakin, ayaa Ruushka ugu digay in uu hawada sare ka qaado dagaal ka dhan ah reer galbeedka.

Sarakiisha ciidamada Uk, ayaa aminsan in ciid amada Ruushku ay u dhaqaaqi ka raan meelo ka baxsan dagaalka dhulka, taasi oo laga yaabo in ay dhabar jab ku noqoto reer galb eedka.

Sida uu qoray wargeyska Ingiriiska, The Tele graph, Admiral Tony ayaa yiri: "Ruushka waxa uu lee yahay awood dhanka hawada sare ah, waxaana tus aalahaas aragnay dhamaadkii sannadkii hore.

Admiral Tony ayaa intaas ku daray, ” Ruushka wax uu leeyahay awood Nukliyeer iyo sidoo kale awoodo dagaal oo biyaha hoostooda iyo hawada sare ah”.

Hadalkan ayaa imanaya kadib markii qaar kamid ah waddamada reer galbeedka ay ku edeyeen Moscow, inay ka danbeeysay Qaraxyadii saameey ay dhuumaha gaaska ee Nord Stream.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turki ga oo ca mbaareysay go’aanka uu Ruushka ku dhawaa qay, kaasoo ah inuu goostay afar gobol oo katisan dalka Ukraine

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga, ay aa cambaa reysay go’aanka uu Ruushka ku dhawaa ay, kaasoo ah inuu goostay afar gobol oo katisan dal ka Ukraine, taasoo ka dhigan cambaareynka timid dal katirsan xulafada Nato maalintii Jimcihii.

War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda, ayaa lagu sheegay in Turkigu "uusan aqoonsanayn ku darista Ruushka ee Crimea, ee afti sharci darro ah lo oggu sameeyey sanadkii 2014-kii.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu xusay taageera da xooggan ee uu Tukigu u hayo madax bannaanida dhuleed, iyo midnimada dalka Ukraine xilli kasta.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in la raaco ma wqifka la qaatay sanadkii 2014-kii, taasoo loogga hor yimid go’aanka Ruushka ee ahaa inuu goosto Don etsk, Luhansk, Kherson iyo Zaphorizhzhia ee dalka Ukraine.

Go’aankan, ayaa ka dhigaya xadgudub weyn oo ka dhan ah mabaadi’da sharciga caalamiga ah, iya doo sidoo kale lagu yiri ma ahan mid la aqbali karo.

Turkiga ayaa isku dayay inuu dhex dhexaadiyo dowladaha Ukraine iyo Ruushka, iyo galaan galka diblumaasiyadeed ee uu la leeyahay Qaramada Midoobay. Turkey-ga ayaa gar wadeen ka ahaa he shiiskii dhawaan la gaarey ee dhex marey Ukraine iyo Ruushka, kaasoo la xiriiray dhoofinta badarka Ukraine, ee uu marinka u yahay Badda Madow.

Australia: Shirkad laga xaday xogta 10.2 Milyan oo ka mida macaamiisheeda iyo FBI-da oo gacan ka siinaysa baadhista.

Dawladda Australia ayaa ka codsatay hay’adda dembibaadhista ee Maraykanka ee FBI inay ka gacan siiso sidii loo soo qaban lahaa budhcadda co mputer-ada jabsata, kuwaas oo dhowaan u dhacay ama jabsaday computer-ada dalka Austr alia, isla markaana ka xaday xogtii ugu badnayd.

Budhcadda internetka ayaa jabsaday computer-ada shirkada isgaadhsiinta Optus ee laga leeyahay dalka Singapore, iyaga oo ka xaday macl uumaadka illaa 10 milyan oo macaamiil ah, waxaana xogta ay xadeen ku jira cinwaanada guryaha, xogta liisanka gaadiidka iyo macluumaadka baasaboorada ee macaamiishaas.Kooxaha budhcadda internetka ee xaday macluumaadka macaamiisha shirkadda Optus ee ka hawlgasha Australia ayaa shirkaddaas waxay markii hore weydiisteen lacag madax furasho ah, iyaga oo hanjabaado kala duwan u soo diray

Hase ahaatee waxaa baraha isgaadhsiinta bulsh ada lagu arkay, raali gelin laga bixiyey weerarkaas, iyada oo qofka raaligelinta bixiyey uu u muuqday inuu xubin ka ahaa budhcadda weerarka geysatay.

Dad badan ayaa isha ku haya,” sidaas ayuu soo qoray. "Qofna ka iibin mayno xogta.Waan ka xunah ay in illaa 10.2 milyan oo qof oo Australian ah in xogtooda la faafiyay.Madax furasho lama bixin, laak iin dan iyo hello toonna kama gelayno mar dam be.”Dowladda Australia ayaa canaan u soo jeedisay shirkadda Optus oo ka mid ah shirkadaha isg aarsiin ta ee ugu waaweyn dalkaasi.Wasiirka amniga inte rnetka ee Australia, Clare O’Neil, ayaa sheegtay in shirkaddu ay u fududaysay tuugta inay gudaha u gal aan computer-adeeda."Waxaan ka walaacsannahay sida fudud ee loo dhex galay shirkadda Optus” ayay tidhi wasiirku, iyada oo hadalkeeda sii raacisay

"ma ha inay dalkan ka hawlgalaan shirkado isga adhsiin eed oo daaqad u furaya kooxaha computer-ada jab sada, si ay u xadaan xogta macaamii sha”

Hase ahaatee mada fulinta ee shirkadda Optus Kelly Ba yer Rosmarin, ayaa beenisay in hannaanka difaaca ee shirkaddeedu inuu daciif yahay.Waxay sheegtay inay jiraan nidaamyo kala duwan oo kala sarreeya oo lagu ilaaliyo xogta macaamiisha.

Hay’adda FBI ayaa haatan ku soo biirtay, uga adhsiga kooxda budhcadda ah ee shirkadda jabs atay.

Frank Montoya Jr, oo horey uga tirsanaan jiray hay’adda FBI-da, ayaa u sheegay Australian Broadc asting Corp. inay suuro gal tahay in dowlad shishe eye ay ku lug yeelan karto weerarka.

"Waxaan isha ku haynaa inaan go’aan ka gaa dhno, haddii ay dawlad ajnebi ahi ku lug leedahay weerarka iyo inkale”.

Saraakiil milateri oo sheegay inay xukunka ka tuureen Hoggaamiyihii Burkina Faso

OUAGADOUGOU, Burkina Faso – In ka badan 10 askari ayaa la wareegay telefiishanka qaranka ee dalka Burkina Faso xilli dambe oo Jimcihii ah, iyaga oo shaaciyey in Lt. Col. Paul Henri Sandaogo Dam iba oo ahaa hoggaamiyihii dalka ku qabsaday inqi laabka ee isu bedelay inuu madaxweyne ka noqdo dalkaas, in xilkii laga tuuray.

Sagaal bilood uun ka hor ayay ahayd markii uu Lt. Col. Damiba, uu inqilaabka ku qabsaday xukunka dalkaas.War qoraal ah oo laga akhriyey telefiishanka ayaa la gu sheegay in Capt. Ibrahim Traore uu yahay hogga amiyaha cusub ee ciidanka milateriga ee dalka Bur kina Faso. Hoggaamiyayaasha cusub ee milateriga ee Burkina Faso ayaa sheegay in la xidhay dham maan xuduudaha dalka, isla markaana dalka lagu soo rogay bandow ka bilaabmaya 9-ka fiidnimo illaa 5-ta subaxnimo. Waxay ku dhawaaqeen in la kala dir ay dawladdii ku meel gaadhka ahayd iyo golihii qaranka.

Madaxweyne Damiba iyo xulafadiisa ayaa hore u inqilaabay madaxweyne si dimoqraadi ah loo soo doortay, isagoo la yimi ballan-qaadyo ah, inuu dalka ka dhigi doono mid ammaan ah.

Si kastaba ha ahaatee, rabshadaha ayaa ayaa u sii socday si aan kala joogsi lahay, waxaana sii kordhay niyad-jabka ay bulshadu ka muujisay hoggaaminti isa."Iyada oo la waajahayo xaalad amni oo ka sii da raysa, ayaa arrintaasi nagu dhiiri gelisay, haddaanu nahay saraakiisha sarsare iyo saraakiisha hoose ee ciidamada milaterigu, inaanu tallaabo qaadno, ann aga oo rabna inaanu ilaalino amniga iyo sumcadda dalkayaga” ayuu yidhi afhayeen u hadlay ciidmada inqilaabka dhigay oo lagu magcaabo Capt. Kiswen dsida Faaruuq Azaria Sorgho.

"Kulan ayaa la isugu imaan doonaa si loo ansi xiyo axdi cusub oo ku meel gaadh ah, laguna soo xulo madaxweynaha cusub ee Burkina Faso ha ahaado rayid ama mid ciidan," ayuu Sorgho ku daray.

Madaxweynaha la sheegay in la inqilaabay Dam iba ayaa hadda uun ka soo laabtay golaha guud ee Qaramada Midoobay, isaga oo metelaya dawladda Burkina Faso. Damiba ayaa khudbadiisii golaha gu ud, ku difaacay afgembigii uu sameeyey bishii Janu ary isaga oo ku tilmaamay inay ahayd arrin ku saa bsan badbaadada qaranka ee dalkiisa.                                                 Associated Press

Saraakiisha caafimaadka Kenya oo baadh aya qof looga shakisan yahay xanuunka Ebola.

Saraakiisha caafimaadka Kenya oo baadhaya qof looga shakisan yahay xanuunka Ebola.

Saraakiisha caafimaadka ee Kenya ayaa baadhaya kiis looga shakisan yahay xanuunka Ebola oo lagu arkay Galbeedka dalkaas, gaar ahaan meel u dhow xuduudda dalka Uganda, oo uu ka dilaacay fayraska dilaaga ahi, waxaana wararka ka imanaya dalkaasi ay sheegayaan in illaa 35 xaaladood oo xanuunka Ebola ah in lagu arkay Uganda, halka ay jirto illaa toddoba qof oo dhimasho ahi.

Kenya ayaa heegan sare g ashay ka dib markii hal bukaan oo looga shakisan ya hay inuu qabo xanuunka Ebola in lagu daawaynayo isbitaalka St.Mary ee Galbeedka Kenya.Madaxa cus bitaalka St.Mary, Hildah Apwao ayaa saxaafadda u sheegtay in ninka looga tuhunsan yahay inuu xanu unkani ku dhacay inuu dhawaan u safray dalka Uga nda, uuna booqday xarun caafimaad oo ku taalla dal kaas, halkaas oo lagu dabiibayo dadka looga shaki san yahay inuu ku dhacay xanuunkani.Ninkan ayaa haatan ku jira qaybta karantiinka ee cusbitaalka, isaga oo sugaya natiijada shaybaadhka.Madaxa Isbit aalka St.Mary’s Hildah Apwao ayaa saxaafadda u sheegtay in ninkan uu dhawaan u safray dalka Uga nda uuna booqday xarun caafimaad oo ku taalla halkaasi si looga dabiibo go’an.Ninkan ayaa hadda ku jira qayb karantiil ah oo ku taal cisbitaalka St.Mary’s ee ku yaal Mumias, ee countiga Kakam ega isagoo sugaya natiijada shaybaadhka.

FAHAD OO FAALLO KA QORAY SHA QSIYA DII JENARAL FARXAAN – KUMUU AHAA FARXAAN QAROOLE?


Kumuu ahaa Janaraal Farxaan Maxamuud Aadan (Qaroole)?

Wiil dhalinyara ah oo gaaban, oo misana caata ah, oo hadana bar-yar, bashaash ah, sida magaciisa ka muuqato aad Farxaan u ah, fariid-nimana u dhashay, fiiro dheer, hadal yar, misana qorshe dajisan kara, qarankiisa iyo madaxdiisana daacad u ah, dhiigiisa iyo dhididkiisana u huray dalk iisa, godkii Jannadana u galay (Insha’allaah) isagoo difaacaya sharafta iyo jiritaanka umadda Soomaal iyeed.

Magaciisa siduu u faafay, siduu u jin yaraa, iyo da’iisa siday u yarayd, intaas kaliya sabab uma noqon karin darajada uu gaaray ee wuxuu maqaam sare ku mutaystay daacadnimada, hawlkarnimada, wadaniyad da iyo qaran jacaylka qalbigiisa ku abuurnayd.

Wuxuu kamid ahaa dhawr dhalinyaro ah, aan ku bartay shaqada amniga iyagoo ah saraakiil dhexe, wuxuuna aad u jeclaa inuu mar walba waxbarto oo uu aqoon ciidan kororsado. Wuxuu qayb ka ahaa ciidankii laga wareejiyey Nabad sugidda ee loo wareejiyey Booliska. Ma uusan iska dhigin Sarkaal xil raadinaya ee wuxuu la xarooday askar tababar loo xaraynayey oo lagu aasaasay ciidankii Haramacad, wuxuuna galay dufcad tababar ku qaadatay Xamar iyo Turkiya. Wux uu soo laabatay isagoo helay aqoon Boolis, iyo tababarka hawlgallada gaarka ah, waxaana loo magacaabay Taliyaha ciidanka gaarka u tababaran ee Haram cad. Wuxuu lahaa sifo ay aad ugu yar tahay hoggaannada ciidanka, taasoo ah inuu saaxiib dhaw la ahaa ciidanka uu madaxda u yahay iyo inuu daacad u ahaa qarankiisa.

Dowladihii kala duwanaa ee dalka soo maray, intaba si daacad ah ayuu u gudanayey shaqada qaran, waana sababta dawladdii timaadaba ay u aamintay, oo uu mustaqbalkiisa mar walba horumar u gaarayey.

Saddex qolo ayaa mudan inaan uga tacsiyeeyo geerida xanuunka badan ee ku timid walaalkeen Halyeey Jeneraal Farxaan Maxamuud (Qaroole).

Qolada koowaad waa qoyskiisa oo ay ugu horreeyaan waalidkiisa, xaaskiisa iyo caruurtiisa. Waxaana leeyahay, geeridu waa xaq ee samir iyo iimaan Allaha idin ka siiyo, marxuumkana Jannadii Alle ha geeyo, ilmihiisa iyo qoyskiisana Allaha dhawro oo barakeeyo, waalidkiisana waxaan si gaar u leeyahay qadarta ilaahay raalli ku noqda, rabigii abuuray ee koonka keenay baa haddana naga ceshaday.

Qolada labaad waa Madaxweynaha iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed. Mada xweyna ha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ahna Taliyaha guud ee ciidamada qalabka sida, waxaan leeyahay Mudane Madax weyne wax aan kula qaybsanaynaa xanuunka iyo tacsida geerida ku timid Jeneral Farxaan Qaroole, oo Shalay Shahiiday isagoo gudanaya waajibka qaran ee aad fartay oo ah la dagaallanka Argagixisada. Madaxweyne samir iyo Iimaan Allaha kaa siiyo, waxaana kuu rajaynayaa inaad ku guulaysato horumarinta tayada ciidanka iyo nabadayta qarankeena. Sidoo kale, ciidanka Booliska ee uu kamid ahaa Jeneraal Farxaan, waxaan kusii adkaynayaa in geerida Shahiidka qaranka Farxaan, ay ku dhaliso dhiiranaan iyo dhiigga iyo dhididka in loo huro dalka iyo dadka soomaaliyeed.

Qolada Sadexaad waa Shacabka Soomaaliyeed. Waxaan leeyahay, ogaa da in dalkii ay u kaceen dhallinyaro waddaniyiin ah, leh xirfad iyo tababar ciidan oo sare, qarankoodana daacad u ah, kana mid ah qaybaha kala duwan ee Ciid amada Qalabka sida. Sidaas darteed, boqollaal Farxaan oo kale ah oo booskiisa buuxiya, shacabkoodana difaa ca waan leenahay, waxaana ilaahay ka baryeynaa in madaxda qaranka uu haleeshiiyo in ay soo saaraan awoodda iyo tayada dhallinyarada kor u qaadi kara rajada iyo niyada shacabka Soomaaliy eed.

Walaalkay Farxaanoow, waan ogahay inaysan ku soo gaaraynin fariintan, laakiin waan ku khasbanahay inaan kuu soo diro. Farxaanoow, inaad jid xaq ah ku dhim atay, inaad dalkan daacad u ahayd, inaad sarkaal qaran ahayd ood ka saraysay siyaasadda waxaan ku gartay, madaxdii umadda Soomaaliyeed oo dhan, khilaaf kasta oo dhexdooda yaalay, intey gees isaga dhigeen. Waxaa mideeyey iney kuu wada duceeyeen, kuwada amaaneen, iyagoo kuwada jecelna aad Shahii day. Naftaadii dalkaad u hibaysay, geeridaadiina dadkay midaysay. Rabigay Ja nnada guri hakaaga yeelo, danbigaaga aduun xasanaad hakuugu baddalo, anna gana gadaashaa Eebe nama fitneeyo.

Qore:-Fahad Yasin

La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka

 


SADDEX DAL OO YURUB AH OO OGGOL BAASABOOR

 SOOMAALIGA


Waa la cusbooneysiiyay 1 Oktoobar 2022

Cabdishakuur Casoowe

Baasaboor Soomaali

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Baasaboorka Soomaaliya ayaa dhowrkii sano ee lasoo dha afay u muuqday mid soo xoogaystay marka loo eego sida uu ahaa wixii ka da mbeyay burburkii dowladii dhexe ee 1991-kii.

Inkastoo uu meel hoose uga jiro liiska kala sarraynta baas aboorrada, haddana waxaa muuqata in uu san adkan ka horreeyo waddamo kale oo waawayn, oo ay ku jiraan Pakistan, Ciraaq, Suuriya iyo Afghanist an, sida lagu sheegay xogta ay shaacisay hay'adda Passport Index ee qiimaysa sharciyada socdaalka caalamka.

Horumarka uu sameeyay baasaboorka Soomaal iya waxaa ka mid ah in wad damada Yurub qaarko od ay si rasmi ah u aqoonsadeen muddo dheer ka dib.

Talyaaniga

Dadka heysta baasaboorka Soomaaliga ayaa marka ay dalbadaan dal-ku-galka Talyaaniga wa xaa baasaboorkooda si caadi ah loo saaraa fiisaha.

Dalal badan oo kale ayaa qofka Soomaaliga ah aan baasaboorkiisa ku dhajinin fiisada, iyagoo warq adda caddeynta fiisaha si gaar ah u siiya. Dowl adaha sidaas sameeya waxaa ka mid ah UK, inta badan dalalka Yurub, Canada, Australia iyo Mare ykanka.

Waxaa xusid mudan in Talyaaniga uu ka mid yahay gumeysteyaashii Soo maaliya, sidoo kalena yahay dalkii ugu horreeyay ee aqoonsaday dowla dnimada Soomaaliya.

Norway

Tan iyo bartamihii sanadkii 2018-kii, dalka Norw ay ayaa aqoonsan baasabo orka ay dowladda Soom aaliya siiso muwaadiniinteeda.

Dadaal dheer kaddib ayay safaaradda Norway ku dhawaaqday xilligaas in ay aq bashay jiritaanka baasaboorkan, sidaas awgeedna ay dadka wata u saari doonto dal-ku-galkeeda (Visa), haddii uu shuru udaha kasoo baxo. "Wada-shaqayn dhow oo ay yeesheen mas'uuliy iinta socdaalka ee Norway iyo Soomaaliya awg eed, Norway waxay aqoonsan doo ntaa Baasab oorka Soo maaliya laga billaabo 1-da bisha August 2018. Waxaa ku jira baasaboorka dibl omaasiga iyo kan shaqaalaha dowladda iyo baasab oorka muwaadiniinta caadiga ah ee ay soo saarto waaxda socdaalka Soomaaliya," ayaa lagu yiri qor aal mark aas ay safaaradda Norway ee Soomaaliya soo dhigtay boggeeda Twitter-ka.

Waddamada kale ee Yurub, UK iyo dalal badan oo kale waxay baasaboorka Soomaaliya dadka wata u aqoonsan yihiin qaxooti, haddii ay dal-ku-gal u og go laadaanna kuma dhajiyaan baasaboorka. Taas baddalkeeda waxay soo raaci yaan warqad cadday naysa in fiisaha la siiyay qofka, macluumaadkiisana ay ku xusan yihiin.Sweden

Hase yeeshee, dowladda Sweden ayaa si gaar ah u qaddarisa baasaboorka Soomaaliga ah ee noo ciisu uu yahay diblomaasiga.

Baasaboor

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Tan iyo bishii Jannaayo ee sanad kii 2020-kii, Sweden waxa ay aqo onsanayd baasaboorka diblomaa siga ee Soomaaliya, gaar ahaan kan la soo saaray 2014-kii ama wixii ka dambeeyay.

Balse, dhammaan noocyada kale ee baasaboorka Soomaaliga ma aqoonsana Sweden, sida lagu she egay bogga internet-ka ee safaaradda Sweden.

Waddamada Latin America ee fiiso-la'aan lagu tagi karo

Dhowr waddan oo ku yaalla Koonfurta Qaaradda Ameerika ayaa baasaboorka Soomaaliya lagu aadi karaa iyadoo aan wax dal-ku-gal ama fiiso ah loo qaadanin.Dalalkaas ayaa kala ah:

Bolivia (oo qofka markii uu garoonka dalkaas ka dago la siinayo fiisada) Dominica Haiti, St. Vincent and the Grenadines Waxaa jira waddamo kale oo sidaas si la mid ah soo dhaweeya muwaadiniinta Soomaaliya.

Baasaboor

XIGASHADA SAWIRKA,GETTY IMAGES

Waddamadan qofka u socda waxa kaliya ee looga baahan yahay waa inuu tikit goosto, toosna ugu dho ofo. Sidaas awgeed, marka uu ka dago ayaa la siinayaa aqoon si muujinaya joogitaan kiisa.

Waxaa ka mid ah:

Benin - oo ah waddan ku yaalla Galbeedka Qaaradda Afrika.

Gambia - oo ah waddan yar oo isla galbeedka Afrika ku yaalla.

Cooc Islands - oo ah jasiirado dal sameystay oo ku yaalla badweynta Pacific. Waxa uu xiriir siyaasa deed la leeyahay waddanka New Zealand.

Malaysia - oo ah waddan ku yaalla qaaradda Aasiya.

Micronesia - oo ah waddan jasiirado isu tagay ah oo ka tirsan qaaradda Oceania oo dhacda dhinaca galbeed ee badweynta Pacific. Calankiisa oo xoogaa shabbaha kan Soomaaliya ayaa ah buluug ay dhexda uga yaallaan afar xiddigood oo caddaan ah, shan geesoodna wada ah.

Niue - oo ah waddan jasiirad ah oo ku yaalla dhinaca koonfureed ee badweynta Pacific.

XIGASHO:-BBC

PUNTLAND OO BEENISAY IN 12 DEGMO AY KA QABANAYSO 

DOORASHOOYINKA

Xukuumadda Puntland ayaa waxba kama jiraan ku tilShalayy in barnaamijka doorashoo yinka qof iyo cod lagu koobay 12 de gmo oo keliya.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland Cabdiweli Mire Xirsi ayaa sheegay in aysan waxba jirin wararka ku saabsan in 12 degmo laga qabanayo qof iyo cod.

Cabdiweli Mire ayaa sheegay in wasaaradda arrima ha gudaha ay mas’uul ka tahay barnaamijkan islam arkaana aysan macquul ahayn in 12 degmo lagu ko obo doorashooyinka.Sidoo kale wuxu beeniyay in wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Abgaal iyo madaxweyne Siciid Deni isku khilaafeen arrintaas




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip