HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 21-KA SEPBTEMBAR 2022-KA

0
Wednesday September 21, 2022 - 08:39:20 in Wararka by
  • Visits: 418
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HALKAAN KA AKHRISO:- WARARKA WARGEYSKA M. TIMES DAILY NEWSPEPAR EE MAANTA OO AH ARBACO 21-KA SEPBTEMBAR 2022-KA

    ...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

...

Shiinaha Oo Balanqaad Culus U Sameysay Ra’iisul Wasaare Xamze.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa sa aka xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mr. Fei Shen gchao oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka 2da dal iyo taageerada dowladda Shiinaha ee dhina cyada Gurmadka Abaaraha iyo fulinta mashaarii cda horumarineed ee dib-u-dhiska dalka.

Ra’iisul Wasaaraha

ayaa uga mahadceliyey Dow ladda Shiinaha kaalmada ay la garab taagan tahay shac abka Soomaaliyeed, xilligan ay dalka ka jiraan abaaraha ku dhuftay qeybo ba dan oo kamid ah waddanka, una baahan in wad ajir loogu istaago gurmad kooda.

Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soo maaliya Fei Shengchao ayaa dhankiisa tilmaamay in dowladdiisu ay kaalinta uga aaddan ka qaadan doonto gurmadka abaaraha – isaga oo intaa raac iyay in dhawrka maalmood ee soo socda dekedda Muqdisho uu ku soo xiran doono markab sida cu nto gargaar oo ay dowladda Shiinaha ugu deeqd ay Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Oo Mu qdisho Kula Kulmay Mas’uuliyiin Ka Socotay Dowladda UK.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, fede raalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa la kulmay la-taliyaasha xasillin ta ee ka socday safaaradda UK ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa looga wada hadlay arrimaha xasillinta iyo hin disaha soo kabashada xilli hore (ERI) ee looga golleeyahay in la gu taageero dadaallada xoreyn ta iyo xasilinta DFSoomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda ayaa bogaadiyay Kaalinta ay dawladda UK ka qaadatay arrimaha xasillinta iyo dib u heshiisiinta, isaga oo ballan qaaday in ay si dhow ula shaqayn doonaan Hay’addaha fuliya mashaariicda ay dalka ka wado dawlada UK.

RW Xamze Oo Kormeeeay Wasaaradda Maaliy adda Iyo Bangiga Dhexe.

R/Wasaaraha XFS Md. Hamza Abdi Barre, ay aa kormeeray xarumaha Wasaaradda Maaliyadda ,Bangiga Dhexe iyo xisaabiyaha Guud, isaga oo u kuurgalay howllaha shaqo ee ka socda hey’adah aan muhiimka u ah nidaamka Maaliyadda dalka.

Md Xamse ayaa kala hadlay madaxda Hay’adaha Maaliyadda dalka ee uu boo qday dardar-gelinta hagaajin ta maamulka maaliyadda, ila alinta hantida dadwaynaha, qorshaha cafinta daymaha dalka lagu leeyahay, kordhinta dakhliga, daah-furnaanta iyo isla xisaab tanka

Ra’iisul Wasaaraha oo warbixin ka dhageyst ay Wasiirka Maaliyadda Dr. Cilmi Maxamuud Nu ur, Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Mudane Cab diraxmaan Maxamed Cabdullaahi iyo Xisaabiyaha Guud Marwo Faadumo Cusmaan Faarax, waxa uuna ku boorriyay masuuliyiinta sii Xoojinta wada shaqaynta dhexdooda ah iyo waajibaadka ay qaranka ugu idman yihiin.

rw xamze oo kormeeeay wasaaradda maaliya dda iyo bangiga dhexe.rw xamze oo kormeeeay wasaaradda maaliyadda iyo bangiga dhexe.rw xa mze oo kormeeeay wasaaradda maaliyadda iyo bangiga dhexe.rw xamze oo kormeeeay wasaar adda maaliyadda iyo bangiga dhexe.

Ugu dambeyntii, wasiirka arrimaha gudaha, fede raalka iyo dib u heshiisiinta Md. Axmed Macalin Fiqi waxaa uu sheegay in ay socdaan dhismaha maamullada dowladaha hoose isaga oo yiri " de gmooyin ayaa dhisan, machadkan qeyb ayuu ku lahaan karaa baahinta maamullada dhismaya, ma amul goboleedkii waa in ay magacaabaan maam ullada macaahidda dowlaha hoose, dhul haddii ay u helaan macaahiddana waan u ololeynaa in la dhiso”.

Wasiir Alcadaala iyo Xildhibaan Saabir Shuuri ye oo Gaaray Magaalada Baxdo Ee Galgaduud

Wasiirka ku-xigeenka warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al cadaala Xildhimaab Cabdi Saabir Nuur Shuuriye iyo guddoomiye ku-xigenka amniga iyo siyaasada gobolka Mudug Cabdi Xuseen iyo ciidamo ka tir san dowlada federaalka iyo ku wa Galmudug ayaa gaaraya Degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud.

Wafdiga wasiirka iyo xil dhibaanka ayaa degmada Baxdo kula kulmay Su ldaanka Mowliid Shiikh Jaamac Suldaan Axmed Nuur, saraakiisha heer federaal ee hogaamiyaana kacdoonka ladoonayo in lagu xoreeyo degaann ada Galmudug ay ka jogaan Alshabaab, taliska ciidanka NISA qeybta Galmudug iyo maamulka degmada Baxdo.

G/le sare Warsame Diirshe Xuseen Warsame GaabOo hoggaaminaya howlgalka xoreynta deg aanka Galmudug ee kujira gacabta Alshabaab iyo Gashaanle sare Xasan Jaamici ayaa uga wa rbixiyay wasiirka iyo xildhibaanka waxyaabihii u qabsoomay intii ay jogeen degaannada u dha xeeya degmooyinka Cadaado.

Wasiir Alcadaala iyo Xildhibaan Cabdi saabir ayaa lagu wadaa iney tagaan dhamaan degaana da ey ku diyaarsanyihiin ciidamada shacabka ah ee isabaabulay iyo kuwa dowlada ee isku garab sanaya dagaalka ka dhanka Al-ashabaab, iyaga oo sheegay in hadafkoodu uu yahay sidii lagu ga ari lahaa degmada ka maqan Galmudug.

Kacdoon shacab ayaa kajira inta badan dega annada Galmudug, kaas oo bilowday kadib markii ay Alshabaab bilaabeeb iney gubaan Ceelbiyoo dyo, Barkado iyo guryo ku yaalla deegaanno u dhaxeeya magaalooyinka Baxdo iyo Cadaado, ka dib dadka deegaannada bariga iyo galbeedka Galgaduud ayaa bilaabay kacdoon ka dhan ah Al-shabaab.

Xog: Axmed Madoobe oo shuruud adag hor dhigay xubnaha Jubaland ugu jira DF

Madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Madoobe ayaa dhowaan magaalada Muqdisho kulamo kula yeeshay xubnaha labada gole ee ba arlamaanka federaalka kasoo galay Jubaland.

Xubno kulanka ka qeyb galayayaa sheegay in Axmed Madoobe uu xildhibaanada kala hadlay in xildhibaan kasta uu beesha ka keeno ciidamo iyo weliba saanaddooda hubka si ay qeyb uga no qdaan dagaalka la qorsheenayo in Al-Shabaab lo oga saaro deegaanada uu maamulkaas ka taliyo.

Madaxweynaha Jubaland ayaa xildhibaanada u sheegay inuusan hadda diyaar u aheyn inuu hu beeyo beelaha maadaama deegaan ada ay ka dhaceen dagaal be eleedyo lagu hoobtay, wuxuu na taas badalkeeda sheegay in beelaha ay dag aalka kaga qeyb geli doonaan hubka ay hadda heystaan.

Axmed Madoobe ayaa xildhibaanada u she egay inuusan hadhow qaadi doonin eeda la xiriirta wixii awood hey si ah ee dhanka federa alka ah haddii aan loo midoobin xoreynta deegaanada Jubaland oo qaarkood si buuxda gacanta ugu heyso kooxda Al-Shabaab. Sida ay xogta aan helnay sheegeyso Axmed Madoobe ayaa xildhibaanada ku casuu may inay kasoo qeyb galaan kulan ka dhacayo Kismaayo kaasoo looga hadli doono sidii kooxda Al-Shabaab looga saari lahaa dhammaan deega anada Jubaland.

Muddo 10 sano ah ayuu Axmed Madoobe ku hanjabayay in uu Al-shabaab ka saari doono dee gaanada maqan, balse weli ficil looma rogin arrin kaasi. Kulankii uu xildhibaanada la yeeshay ayaa waxaa xusid mudan in ay ka maqnaayeen xubno muhiim ah oo saamayn ku leh beelabooda.

Ololaha uu wado Axmed Madoobe ayaa kusoo aadaya xilli qeybo kamid ah Soomaaliya uu ka curtay kacdoonka looga soo horjeedo kooxda Al-Shabaab, wuxuuna kacdoonkaas hadda si rasmi ah uga bilowday HirShabelle iyo Galmudug.

Kooxda Al-Shabaab ayaa dhawaan ku habjabtay inay la dagaalami doonto qabiil kasta oo la safto dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza ayaa ballan qaaday inay hal sano gudahood ay Al-Shabaab kaga saari doonaan guud ahaan Soomaaliya.

Waan waan laga dhex bilaabay labo Male eshiyo Beeleed oo ku dagaalamay Shabee llaha Dhexe

Waxaa degmada Cadalle ee Gobolka Shabeel laha Dhexe ka bilaawday shir lagu xalinaayo be elihii dhawaan dagaalada ay ku dhex-mareen de gaano hoostaga degmooyin ka Cadalle iyo Raaga-Ceelle ee Gobolka Shabellaha Dhe xe.

Qaar kamid ah Odayaa sha Dhaqanka labada Beelood iyo Saraakiisha Guutada 4aad ee Ciidanka ee Ciidanka xoogga dalka ayaa Kulanka goobjoog ka ah, iyaga oo ka ariinsanaya sidii xal looga gaari lahaa dagaal beeleedyada soo laab laabtay.

Taliyaha Guutada Afaraad ee qeybta 27aad Korneyl Saneey Cabdulle o kulanka qeyb ka ahaa ayaa sheegay in ay xaqiijiyeen amniga goobtii lagu dagaalamay, balse Odayaasha dhaqanka lab ada dhinac looga baahan yahay inay xal ka gaar aan.

Dagaalkii dhawaan labada maleeshiyo Beel eed ku dhexmaray degaannada hoostaga degm ooyinka Cadalle iyo Raaga-Ceelle ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa waxaa ku geeriyooday in ka badan 20 ruux, waxaana dhawaan la kala dhex-dhigay ciidamo katirsan dowladda Somaliya

James Swan oo shaaciyey arrin ay QM ka ball an-qaaday Axmed Madoobe

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo Shalay ka degay magaalada Ki smaayo ayaa shaaciyey qodobadii uu kala hadlay Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, kadib kulan dheer oo ay ku ye esheen Madaxtooyada maa mulkaas ee Kismaayo.

War-saxaafadeed uu kul ankaas ka soo saaray xafiiska James Swan ayaa lagu shaaciyey in Q/Midoobey ay Axmed Madoo be ka balan qaaday baahinta ama hoos u daadej inta maamulkiisa.

"Qaramada Midoobay waxay diyaar u tahay in ay Jubbaland ku taageerto dhisidda golayaasha degmooyinka, iyo sii wadidda dib-u-heshiinta gu daha Jubbaland. Waxa aan sidaa darteed boorri neynaa metelaadda ay mudan yihiin haweenka, dhallinyarada, iyo bulshooyinka laga tirada badan yahay ee dowladnimada iyo hoggaanka,” ayaa lagu yiri qoraalkaan uu baahiyey xafiiska wakiilka QM.

Sidoo kale James Swan wuxuu sheegay in madaxweynaha Jubbaland uu kala hadalay mo wduucyo dhowr ah oo la xiriira dhibaatooyinka bi ni’aadanimo, baahiyaha kale ee dhinaca horumar ka, xaaladaha siyaasadeed ee dalka iyo kuwa amni ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Qoraalkaan waxaa lagu cadeeyey in James Swan iyo Axmed Madoobe ay diiradda ku saar een ka arrinsiga sida ugu wanaagsan ee Qaram ada Midoobey ay u taageeri karto Jubaland.

Ugu dambeyntii arrimaha bini’aadanimada ee ka jira Jubbaland iyo guud ahaan Soomaaliya ay uu wakiilka QM qoraalkaan ku balan qaaday inay laba jibaari doonaan dadaalkooda caawinta dadka Soomaaliyeed ee abaaraha daran wajahaya.

Balan qaadka taageerada QM ee maamulka Ax med Madoobe wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo ma almo ka hor baarlamaanka maamulkaas uu Axm ed Madoobe u sameeyey mudo kororsi hal sano ah, tallaabadaas oo ilaa hadda dolwadda dhexe aysan cadeyn mowqifka ay ka taagan tahay.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Wasaar adaha Heer Dowlad Gobleed iyo Gobolka Banaadir oo Shir u Furmay

wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, fed er aalka iyo dib u heshiisiinta xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi, ayaa Shalay furay Kulanka wasiirrada heer federaal, D/G/yada & G/Banaadir ee dhaqangelinta qaab dhismeedka Machadka dowl adaha hoose.

Wasiir Fiqi oo kulanka khu dbad kooban ka jeediyey ay aa u mahadceliyey qaar ka tirsan wasiirrada maa mul goboleedyada iyo madaxa machadka dowla ha hoose ee Banaadir oo goobta joogay, isaga oo ka hadlay ahmiyadda kulamada noocan ah ee loo ga tashanayo qaab dhismeedka machadka dow ladda hoose ay u leeyihiin dowladnimada isaga oo yiri "Dowladda hoose, waa saddexda heer ee dowladaha ka kooban tahay ee dowladaha dhexe, dowlad goboleedyada iyo dowladaha hoose mi dka ugu mihiimsan, sidaasi darteed ayaan xoogga u saareynaa dhismaha hey’adaheeda maamulka waayo waa midda mas’uulka ka ah horumarinta iyo dhismaha dalka”.

Wasiir Axmed Fiqi oo sii hadlaya ayaa waxaa uu yiri "Wax kasta oo wanaagsan waxaa keena maamul wanaagsan, meel kasta oo maamulkee da uu hooseeya waa meelaha ugu liidata dowlad nimada, machadyadaha dowladaha hoose waa kuwii awoodsiin lahaa dadka si ay u qabtaan hawl wanaagsan”. Ugu dambeyntii, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalin Fiqi waxaa uu sheegay in ay socdaan dhismaha maamullada dowladaha hoose isaga oo yiri " degmooyin ayaa dhisan, machadk an qeyb ayuu ku lahaan karaa baahinta maamulla da dhismaya, maamul goboleedkii waa in ay ma gacaabaan maamullada macaahidda dowlaha ho ose, dhul haddii ay u helaan macaahiddana waan u ololeynaa in la dhiso”.

C C Shakuur Oo Saluug Ka Muujiyay Deeq da Beesha Caalamka Iyo Xadiga Abaarta Dalka.

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Jam huuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha ayaa sheegay in deeqda ay beesha caalamka ku bixiyaan Soomaaliya aysan ka jawaabi karin halista ka dhalan karta xaaladda abaaraha ee ka taagan Soomaaliya.

Ergeyga ayaa hadalk an ka jeediyey shir-doce ed dhinac socda shirwa ynaha Jamciyadda Qaruu maha Ka Dhaxaysa, kaa soo ay soo qabanqa abisay Dawladda Check Republic oo haatan ah shir-guddoonka Midowga Yurub.

Shirkan oo isugu jiray gole-joog iyo fogaan arag, waxaa ka soo qayb-galay Wasiirka Arrimaha Diba dda ee Jamhuuriyadda Czech-ga Jan Lipavský, Wasiirka Horumarinta iyo Ganacsiga Caalamiga ee Finland, Ville Skinnari iyo Komiishanka Midow ga Yurub u qaabilsan gargaarka bani’aadanima da, H.E. Janez Lenarčič.

Sidoo kale waxaa shirka ka soo qeyb galay Jan Eliassonmoo ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Di badda Swedan, ahaana ku xigeenka Xoghaya Gu ud ee QM ee arrimaha gurmadka degdega ah iyo gargaarka bani’aadannimada iyo diblomaasiyiin ka socota Yurub, Canada, Switzerland iyo Maray kanka. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sida ugu ha bboon ee dib-u-habeyn loogu sameeyn karo u qar eemidda iyo dibloomaasiyadda gurmadka iyo gargaarka bini’aadannimo.

Ergayga Gaarka ah wuxuu deeq-bixiyayaasha ku boorriyey in ay dardargeliyaan gurmadka aba araha, isla-markaana dawladda Soomaaliya laga la shaqeeyo sidii xal waara loogu heli lahaa abaar aha soo noqnoqda, isagoo tilmaamay in horumar inta iyo maalgashiga qaybaha wax soo-saarka dal ka uu xal u yahay soo noqnoqoshada abaaraha.

In ka badan 100 Al-Shabaab ah oo lagu dilay gobolka Hiiraan 72 saac gudahood

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in in ka badan 100 ka tirsan Alshabaab lagu dilay howlga lo 72-kii saac ee lasoo dhaafay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ay ka fuliyeen tuulooyinka Yasooman iyo Aboorey ee gobolka Hiiraan.

Dowladdu waxay sheegtay inay howlgalkan taa geerayeen dadka deegaanka iyo duqaymo dhan ka cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada Mareykanka ee saaxiibka la ah Soomaaliya.

Waa howlgalkii ugu ballaarnaa ee Shabaabka ka dhan ah ee dowladdu fuliso. Madaxweyne Xas an Sheikh ayaa dhawaan ku goodiyay in Alshaba ab lagu qaadidoono weerar dhul iyo cir ah.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa sheegay in hal sano kadib Shabaab iyo Daacish laga weyndo ono dalka. Wuxuuna sheegay inay meel kasta u gu galidoonaan, si buu yiri dhibaatadooda dadka looga dulqaado.

Alshabaab ayaa haatan abaabul ciidan kaw ada deegaannada ay ku xooggan yihiin. Afhayeen ka kooxda Alshabaab, Cali Dheere wuxuu shee gay inay jawaabi doonaan duullaanka loogasoo horjeedo.

Al-shabaab oo 10 sano kadib lagala waree gay deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Booco ee gobolka Hiiraan oo qiyaas ahaan magaalada Baledweyne kaga beegan dhanka Koonfureed ilaa 45 KM ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa dib u xureynta deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleey ay Shalay oo Shalay ah la wareegeen deegaankaasi.

Ciidamada Shalay la wareegay deegaanka Booco waxaa hoggaaminaayay guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka So omaaliyeed guutada 5-aad qeybta 27-aad ee ka howlgasha gobolka Hiiraan.

Majirto wax dagaal ah oo ka dhacay deegaan ka Booco, waxaana la shee gay in ciidankii Al-shabaab ee ku sugnaa deegaanka asi ay isaga baxeen deega anka ka hor inta aysan gud aha u galin ciidamada iskaashanaya ee xoogga dalka Soomaaliye ed iyo kuwa dib u xureynta deegaanka.

Deegaanka Booco waxa uu ka mid ahaa dee gaanada Al-shabaab ay ka talinayeen dhowr iyo tobankii sano ee lasoo dhaafay, waxana halkaasi ugu yaalay Maxkamado ay u garsoor tagi jireen dadka ku dhaqan Baledweyne iyo Saldhigyo waa weyn, waana markii ugu horeysay oo ay ciida ma da dowladda deegaankaasi gacanta ku dhiga an mudo ka badan 10 sano.

Bishii June ee sanadkaan ayay aheyd markii Maleeshiyo beeleed is abaabulay ay weerar xo ogan ku qaadeen deegaanka Booco, kuwaas oo ka carooday dil Al-shabaab ay u geysteen Nabad oonkooda oo lagu magacaabi jiray Cali Macalin Maxamuud Cali Dheere oo si weyn looga yaqiinay gobolka Hiiraan.

Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliye Oda waa Yuusuf oo Kurmeeray Ku Maraya Hiiraan

Wasiirka gaashaandhigga XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo taliyaha ciidanka xoogga dal ka Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa korme eray degaanadi dhowaan ay la wareegeen ciidanka dowladda iyo kwa deegaan ka ee isabaab lay, deegaa nnaad an ayaahoostaga de gmada Buulo Burde. Wsiir ka Gaashaandhigga iyo taliyaha ciidanka xoog ga dalka Soomaaliyeed ayaa tagay degaanka Yasooman ee gobolka Hiir aan, halkaasi oo dhawaan oo dhowaan ay la ware egeen ciidanka isgarabsanaya ee dowladda iyo kuwa deegaanka,iyadoo lagu wado wasiirka inuu booqdo deegaanno kale oo dhaca gobolka.

Ciidanka qaabka sida oo kaashanaya shac ab ka degaanka ayaa maalmihii ugu dambeeyay wax aa ay howlgallo ka wadeen deegaanno hoost aga degmada Buulo Burde oo muddo u go’doon saneyd xoogga Al-shabaab, ciidanka ayaa la war eegay Yasooman oo aheyd fariisintii ugu weynd Galbeedka Hiiraan.

Ciidamada dowladda iyo shacabka ee howlga llada ka wada gobolka Hiiraan ayaa Shalay wax aa ay la wareegeen deegaanka Booco oo 45km u jirta magaalada Baladweyne, guddoomiyaha gob olka ayaa sheegay in deegaanka Booco ay ka jirto xaalad adag oo dhanka nolosha ah isaga oo dalbaday gargaar lalas oo gaaro.  Goobjoog News


Muxuu yahay qorshaha wafdiga DF ee ka qaybgalaya shirka QM?

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Soo maaliya, Abshir Cumar Jaamac ayaa faah faahin ka bixiyey shirka golaha loo dhan yahay ee Qar amada Midoobay, kaas oo ka furmay magaalada New York ee waddanka Mar eykanka.

Shirkan oo ah mid muhi im ah waxaa loogu magac da ray Xalka oo loo maro Wada jirka, Joogtaynta iyo Saynis ka”ee loo qorsheeyay in uu socdo 19ka illaa 25ka September 2022.

Wasiirka ayaa shaaca ka qaaday in shirka loo ga hadlayo arrimo dhowr ah oo ay ugu horreey aan cunno yarida, tamarta, shaqo la’aanta, awo od-siinta haweenka, isbeddelka cimilada amniga iyo waxbarashada.

"Shirka waxaa horyaalla oo laga wada doodi doonnaa oo la isku aragti waydaarsan doonnaa arrimaha ka taagan caalamka sida Isbaddelka Ci milada, Amniga guud ee Caalamka ee dagaallada ka socdaan, sidoo kale waxaa si gaargaar ah looga hadli doonnaa arrimaha quseeya qaarada ha & deegaannada kala duwan ee Caalamka” ay uu yiri wasiirku.

Haddaba Muxuu yahay qorshaha wafdiga DF ee ka qaybgalaya shirka QM?

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa til maamay in ay u qorsheysan tahay inuu kulamo gaar gaar ah la yeesho wasiirada dhiggiisa ah ee ka qayb-galaya meertada 77aad golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Illaa 10 wasiir oo ka kala socda Bariga Dhexe, Yurub, Mareykanka & Afrika ayuu sheegay inuu la ballansan yahay, si uu wada-hadallo ula yeesho.

"Madaxweyne weliba waxa uu jeedin doonnaa khudbad ka tarjumaysa dalkiisa, anigu ka Wasiir Arrimo dibadeed ahaan waxa aan qayb ka ahay shirkaas, waxaa ii yaalla oo qorsheysan la kula nka Wasiiro badan oo dhiggayga ah oo ka imaana ya Qaaradaha kala duwan ee Adduunka, ajend ahayga waxaa ku jira illaa toban in aan arko oo ah kuwo ka yimid Bariga, Dhexe, Yurub, Mareykanka & Afrika” ayuu hadalkiisa kusii daray wasiirka.

Soomaaliya waxaa shirkan oo ah mid sanadle ah uga qayb-galaya wafdi uu hoggaaminayo mada xweyne Xasan Sheekh oo haatan ku sugan dalka Mareykanka, isaga oo la filayo in kulanka uu ka jeediyo khudbad xasaasi ah oo ku aadan xaalada guud ee dalka Soomaaliya.

Puntland oo Somaliland ku eedeeysay daan daansi dagaal iyo hurrin colaaddeed

Puntland ayaa ku eedeeysay Somaliland daan daansi dagaal, kadib markii Dorraad ma daxweyn aha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ta gay Tuk araq oo 70km u jirta magaalada Garowe ee caa simadda Puntland.

Wasiirka warfaafinta Puntla nd, Eng, Maxamuud Ceydiid Dir ir oo Shalay saxaafadda kula ha dlay Garowe, ayaa ku eedeey ay Muuse Biixi inuu maleyshiyo beeleed ku hubaynayo gobolka Sool, si uu colaad uga dhex abuuro dadka shacabka ah.

Wasiir warfaafinta waxa uu sheegay in aysan Somaliland muddo fog sii haynsandoonin mag aalada Laascaano, oo hadda in ka badan 15 sano gacanta ugu jirta. Wuxuu ammaanay dad shacab ah oo Dorraad mudaharaad ka dhan ah madaxw eyne Muuse Biixi ka sameeyay magaalada Laas caano.

Sannadkii 2018 ayay ahayd markii Puntland la gala wareegay degmada Tukaraq ee gobolka Sool, taasoo ah meel istaraatiiji ah oo isku xirta Garowe iyo Laascaanood.

Taliyaha ciiddanka milatariga Somaliland Nu ux Taani oo kamid ahaa wafdigii la socday mad axweynaha Somaliland, ayaa sheegay inay labaa tan sano ku qaadatay inay yimaadaan Tukaraq. Wuxuu sheegay inay tagyaan wuxuu ugu yeeray xadka Somaliland oo kuyaalla meel dhowr km u jirta Garowe.

Kulankan oo uu soo qaban-qaabiyay Gudo omiyaha Gobolka Bakool, Maxamed Cabdi Tool, ayna ka qaybgaleen Saraakiisha Guutada 9aad, Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Oda yaasha Dhaqanka ee Degmooyinka Xudur, Tiye eglow & Rabdhuure ayaa laga soo saaray in si de gdeg gobolka looga bilaabo guluf xididada loogu siibayo mintidiinta ka hawlgasha gobolkaasi, iya doo dagaalka ay door weyn ku yeelanayaan sha cabka, oo abaabulkooda iyo isku xirkooduna ay leeyihiin Hoggaanka Dhaqanka.

Xubno ka mida Odayaasha Dhaqanka oo kulanka ka dib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in la isku afgartay in si wadajir ah loola dagaala mo maleeshiyada Al Shabaab.

Odayaasha Dhaqanka ayaa bidhaamiyay inay safka hore ku wehlin doonaan ciidamada iyo shacabka diyaarka u ah ciribtirka maleeshiyada asi.

"Saacaddan laga bilaabo dagaal ayaa lagu ba aqay meeshii ay nala gaarto, hanala gaarto, ninkii tiisa gashaa dhimanayo, maxaa yeelay dalna ma hayno, dadna ma hayno. Al Shabaab markii hor eba dadka way dhameynaysay, haddana ha dha meyso, xoolihii harayna ha dhameystirto, annaga dagaalkan waan galaynaa.” Ayuu yiri mid ka mida Odayaashii Dhaqanka ee Warbaahinta la hadlay.

Taliyaha Guutada 9aad, Qaybta 60aad ee Cii danka Xoogga Dalka, G/dhexe Cabdi Maxa med Gaagaale ayaa soo dhaweeyay go’aanka adag, ee ay Odayaasha Dhaqanka qaateen.

"Waxaan rajeynaynaa in hawlgalkaas uu guul ku bilowdo, guulna uu ku soo dhammaado.” Ayuu yiri Taliye Gaagaale oo intaasi ku daray "Shacab ku aad iyo aad bay diyaar u yihiin, wayna u hayl an yihiin hawlgalkan, annaguna waan garab taaga nahay, mar walbana waxaan diyaar u ahayn difaa ca dalka, dadka iyo diintaba.”

Maxamed Cabdi Tool, Gudoomiyaha Gobolka Bakool ayaa dhankiisa sheegay inay dagaal la ge li doonaan Shabaab, iyagoo markaasi wax la qa ba shacabka Soomaaliyeed.

"Gobolka Bakool, saacaddan wixii ka bilowdo abaabul ayaan galnay, dagaalka waan galayn aa, Soomaalida ayaana wax la qaybsan aynaa.

Dhibaato kasta dagaalka ha lahaado, Soomaal ida ayaan wax la qabnaa.” Ayuu yiri Gudoomiye Tool. Tool ayaa yiri "Xoreynta dalka ayaan ka qayb qaadanaynaa, cadowga toban iyo shan sa no ayuu na dul fadhiyay, waa inaan annaga iska kicinaa, sida dadka kale.”

Tani ayaa imaanaysa, xilli Gobolada Dhexe ay ka socdaan hawlgalo uu hadafku yahay in Shabaabka lagaga sifeeyo bartamaha dalka, waana guluf ay door muhiim ah ku leeyihiin shacabka goboladaasi.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horaan bogaadiyay kacdoonka shacabka, ee ay isaga dulqaadayaan maleeshiyada Al Shabaab.

Kacdoonkii mucaaradka oo Dorraad dhaliyay ansixinta laba MOOSHIN oo muhiim ah

Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Dorraad cod aqlabiyad ah ku ansixiyay labo mooshin oo dhigay ay in la is raaciyo doorashada madaxweynaha iyo doorashada ururada siyaasada/xisbiyada qaran ka. Mudaneyaasha GolahaAyaa sidoo kale qabyo tiray xeerarkii doora shooyinka khus eeyey oo dhan, kuwaasi oo mu ddooyinkii da mbe xiisad xoogan ka dhexab uuray xuku umadda iyo xisbiya da muc aaridka.

Fadhgigii Dorraad ee Golaha Wakiilada Somali land ayaa waxa ansixinta laba da mooshin u cod eeyay 33 Xildhibaan, waxaana ka aamusay 19 md. oo ka tirsan golaha.

Barkhad Batuun oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ansixinta labada xeer ay ku timid kac doonkii shacab ee uu soo abaabulay mucaaridka, isaga oo xusay in tallaabada ay muhiim u aheyd ka baaqsiga qalalaase siyaasadeed.

"Shalay ayuu dalkii ka baxay khilaafkii siyaa siga ahaa, wuxuuna Golaha uu gutay masuuliyad weyn oo ka saarneyd umadda Somaliland nabad-gelyadooda, wada-jirka umadda iyo ilaalinta shar ciga, oo indhaha umaddu soo eegayeen,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in tallaabada uu xal kama dambeys ah u yahay cabashadii xoogan eyd ee mucaaridka, taasi oo horseeday inay mag aalooyinka waaweyn ee Somaliland ka dhacaan banaanbaxyo wata rabshado dhaliyay khasaare kala duwan.

Si kastaba, Arrintaan ayaa ka dhigan in uu hal kaas kusoo idlaaday maalmihii adka ee Somal iland lugaha lasii galeysay, taasi oo ka dhalatay muranka doorashooyinka iyo furista ururada

Maraykanka oo shaaciyay inuu bixiyay 700 Milyan oo dollar oo lagu caawinayo Somaliya

Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday inay bixisay in ka badan 700 oo milyan oo dollar si wax looga qabto dhibaatooyinka abaareed ee waxyeeleeyay ​​kala bar dadka Soomaaliyeed.

War lagu faafiyay bogga safaaradda Marayk anka ee Soomaaliya,ayaa lagu sheegay in dhaqaalah an Soomaaliya loosii marsiiyay hay'a ddaha kala ah OCHA iyo USAID si ay si deg deg ah u kor dhiyaan dadaallada gargaarka ee abaaraha ka jira Soomaaliya.

Maraykanka ayaa ah saaxiibka ugu weyn ee Soomaaliya ka taageera arrimaha gargaarka iyo amniga. Waxay dowladda Maraykanku dhawaan sheegtay inay sii xoojinayso caawinta Soomaal iya.

Bixinta dhaqaalahan ayaa kusoo aaday xilli in ka badan 7 milyan oo qof oo Soomaaliya ku nool ay abaartu saameysay, halka in ka badan labo milyana ay ku barakaceen abaarta sii xooggaysanaysa.

Waa abaartii ugu adkayd ee Soomaaliya soo marta muddo 40 sano ah kadib, waxayna si isku mid ah u saameysay gobolada dalka oo dhan.

Ciidamada Eritrea ‘oo weerar baaxad leh ku qaaday’ Tigray iyo dagaal culus oo socda

Mas’uuliyiinta gobolka Tigray ee Itoobiya ayaa sheegay in ciidamada dalka deriska la ah ee Eritrea ay Shalay weerar baaxad leh kusoo qaad een, islamarkaana dagaal xooggan uu ka socdo xuduudda.

Laba ka mid ah shaqaalaha ga rgaarka ayaa sidoo kale ku warramay in dagaal culus uu ka socdo xuduudda, islamarkaana madaafiic ay ku dhaceen xero ay ku sugan yihiin barakacayaal oo ku taalla xaafadda Ziban Gedena. Ma aysan sheegin haddii ciidamada Eritrea ay ku sugan yihiin dhulka gobolka Tigray.

Haddii la xaqiijiyo ka qeyb-galka ciidamada Eritrea ee dagaalka, waxay ka dhigan tahay inuu sii darsaday dagaalka oo dib u qarxay bishii tag tay kadib markii ay burburtay xabad-joojin jirtay tan iyo bishii March.

Ergeyga gaarka ah ee Mareykanka u qaabils an Geeska Afrika, Mike Hammer ayaa Shalay sheegay in Mareykanka uu ka war hayo in ciid amada Eritrea ay kasoo gudbeen xuduudda oo ay soo galeen gobolka Tigray ayna cambareynay aan.

Eritrea ayaa ciidamadeeda kala baxday inta badan gobolka Tigray sanaddii tagtay kadib markii ay militariga Itoobiya taageereen wejiyadii ugu ho rreeyey ee dagaalka ka dhanka ah xooggaga Tigray-ga oo qarxay bishii November ee 2020.

"Eritrea waxay soo daabushay dhammaan ciidam adeeda iyo sidoo kale keydkii. Ciidamadeena si geesinimo leh ayey u difaacayaan aagaggooda,” waxaa sidaas twitter kusoo qoray Getachew Re da, afhayeenka TPLF.

Toddobo Qof Oo Meyd Ah Oo Laga Soo Saa ray Webiga Yala Ee Mara Galbeedka Kenya

Toddobo meydad ah ayaa laga soo saaray we biga Yala ee mara galbeedka Kenya halkaas Oo u dhaw deegaan labo sano ka hor laga soo saa ray tiro meydad ah.

Meydadkan oo la ga soo saa ray webi ga labo bilood ka hor, sida laga soo xigtay warbixinta booliska oo ay arkeen saraakiil ka tirsan goobta la gu keydiyo meydadka ee Yala.

Lamana aqoonsan meydadkan xilli lagu wado in baaritaan lagu sameeyo.

Waxay ka dhigan tahay in tan iyo bishii January webigan laga soo saaray in ka badan 30 meydad ah. Hay’adaha u doodo xuquuqul insaanka ayaa sheegayaa in shacabka ku nool deegaan ay cabsi ka muujinayaan meydadka aan la aqoon ee laga soo saaray webiga.Booliska weli kama aysan ha dlin arrintani.

Uganda oo ku dhawaaqday in uu ka dillaa cay cudurka Ebola.

Nin 24 jir ah oo uu ku dhacay cudurka Ebola ayaa ku dhintay bartamaha Uganda kadib markii saraakiisha caafimaadka ay xaqiijiyeen in cudurka uu ka dillaacay halkaas.

Wasiirka caafimaadka ayaa weriyeyaasha u sheegay in qofka u dhintay cudurka markii hore la gu arkay astaamaha Ebola.Ninka u geeriyooday cudurka ayaa kasoo jeeday tuulada Mubende oo qiyaa stii 147km u jirta magaalada caasimadda ah ee Kampala Kiiskan ayaa ah mid naad ir ah oo ah nooca Ebola ee laga helay sida ay xaq iijisay xarunta qaabilsan cilmi baarista feyraska, si da laga soo xigtay bayaan kasoo baxay Hay’adda Caafimaadka Adduunka.Ha’yadda waxay she egtay in 8 qof oo lagu arkay astaamo looga sha kisan yahay cudurka haatan la daweynayo isla markaana shaqaalaha caafimaadka u dirayaan goobaha uu ka dillaacay cudurka.

Mareykanka Iyo Taliban Oo Mar Kale Max aabiis Is Weydaarsaday.

Ururka Taliban ayaa Isniintii Dorraad sii daayey Mark Frerichs, oo ahaa muwaadin u dhashay dalka Maraykanka oo gacanta ugu jiray ururkaas, iyaga oo ku bedeshay Bashir Noorzai oo ka tirsanaa ururka Taliban, kaas oo ku jiray xa bsi ku yaalla dalka Maraykan ka, ka dib markii lagu xukumay madaxaa haku fu rto ama xabsi daa’in.Wasiirka Arrimaha Debedda ee xukuumadda Taliban Amir Khan Muttaqi ayaa warbaahinta ugu sheegay magaalada Kabul, in xukuumaddiisa iyo dawladda Maraykanku inay maxaabiista isku dhaafsadeen garoonka diyaarad aha ee caasimadda Afghanistan.

Maxbuuska la sii daayey oo ahaa muwaadinkii ugu dambeeyey ee Maraykan ah oo gacanta ugu jiray ururka Taliban, ayaa da’iidu ay ahayd 60 jir isaga oo ahaa Injineer, hore uga tirsanaa ciidama da badda ee Maray kanka, wuxuuna gacanta u ga lay kooxda Taliban, sannadkii 2020, xilligii oo ay ciidamada Maraykanka iyo NATO ay la dagaala mayeen kooxda Taliban.Madaxweynaha Mara ykanka Joe Biden oo qoraal soo saaray ayaa she egay in Frerichs uu haatan ku so laabanayo gurig iisii ka dib markii afduub loo haystay muddo ga adhaysa illaa 31 bilood. Biden ayaa sheegay inuu la hadlay qoyska Frerich, isaga oo la wadaagay warka farxadda leh.

Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Gebre meskel kama jawaabin codsi falcelin oo loo diray.

Getachew waxa uu sheegay in ciidamada do wladda Itoobiya iyo ciidamada gaarka ah ee go bolka Amhara ee koonfurta ay sidoo kale ku bii reen weerarka.

Afhayeenka dowladda Itoobiya Legesse Tulu, afhayeenka militariga Cololnel Getnet Adane, iyo Billene Seyoum oo ah afhayeenka ra’iisul wasaa re Abiy Ahmed ayaan dhammaantood ka jawaa bin codsi falcelin oo loo diray.

Gizachew Muluneh, oo ah afhay eenka dowladda gobolka Amhara, ayaan isna sidoo kale jawaabin.

Dagaalka gobolka Tigray oo socda laba sano iyo bar ayaa mar horeba dilay kumananaan qof, wux uuna barakiciyey malaayiin kale, isaga oo musiibo bani’aadannimo ka abuuray waqooyiga Itoobiya.

Dowladda Canada ayaa Sabtidii ka digtay in ciidamada Eritrea ay isku urursanayeen xuduudda iskuna diyaarinayeen weerar ay ku qaadaan gob olka Tigray. Wasiirka Warfaafinta Eritrea Yemane Gebrem eskel ayaa dhammaadkii toddobaadkan xaqiijiy ey in loo yeeray qaar ka mid ah ciidamada keydka.

Mareykanka oo wajahaya China kadib ballan-qaad uu BIDEN u sameeyay Taiwan

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in ciidamada dalkiisa ay difaaci doonaan Taiwan haddii ay dhacdo in China ay ku duusho.

Waa hadalladii ugu xasaasinaa ee Biden uu kaga hadlo arrintan, wa xay na dhaliyeen jawaab caro leh oo kasoo baxday China oo sheeg tay inay baaq khaldan u dirayaan kuwa raadinaya Taiwan madax-banaan.

Biden oo lagu wareystay barnaamijka 60 Minutes ee taleefishinka CBS ayaa la weydiiyey in ciidama da Mareykanka ay difaaci doonaan jasiiradda sida iskeed ah isku maamusho, wuxuuna ka jawaabay "Haa, haddii dhab ahaantii uu dhaco weerar aan horey loo arag.”Mar la weydiiyey inuu kala caddee yo haddii si ka duwan Ukraine, ciidamada Mareyk anka ay difaaci doonaan Taiwan haddii ay ku duusho China, Biden wuxuu ku jawaa bay: "Haa.”

Hadallada Biden ayaa ah kuwa muhiim ah, sa babtoo ah Mareykanka wuxuu horey u lahaa siy aasad "hubanti la’aan istaraatiiji ah” oo ah inaanu kala caddeyn inuu militari ahaan u jawaabi doono haddii la weeraro Taiwan.

Mar la weydiiyey afhayeenka Aqalka Cad wa xa uu sheegay in siyaasadda Mareykanka ee ku wajahan Taiwan aysan isbeddelin.

"Madaxweynaha horey ayuu u sheegay arrin tan, oo ay ku jirto safarkii uu horraantii sanadkan ku tegay Tokyo. Wuxuu sidoo kale caddeeyey in siyaasaddeena Taiwan aysan isbeddelin, taasina waa arrinta dhabta ah,” ayuu yiri afhayeenka.

Afhayeen u hadashay wasaaradda arrimaha dibedda China, Mao Ning ayaa weriyayaasha ugu sheegtay Beijing in hadallada Biden ay "tilmaan khaldan oo halis ah u dirayaan” xoogagga gooni u goosadka ah ee raadinaya Taiwan madax-ban aan.

China "si xooggan ayey uga soo horjeeddaa” hadallada Biden waxayna diiwaan-gelisay ashta ko rasmi ah,” ayey tiri, ayada oo intaas ku dartay in China ay qaadi doonto tallaabooyinka lagama maarmaanka ah si ay uga hortagto gooni u goos adka.

Wasaaradda arrimaha dibedda Tawain ayaa uga mahad-celisay Biden inuu dib u xaqiijiyey "Ballan-qaadka amni ee adag ee Mareykanka ee ku wajahan Taiwan.” REUTERS + VOA

Siddeed Qof Oo Ay Jiraan Badaariyo Oo Lagu Qafaashay Dalka Cameroon

Siddeed qof oo ay ku jiraan badaariyo ka ti rsan Catholic iyo dad cibaadeysanayay ayaa wax aa qafaashay kooxo gooni u goosed ah oo ka dag aall ama koonfur galbeed dalka Cameroon.

Kooxdii weerarka soo qa aday ayaa dab qabadsiisay kaniisadda xilli ay weerarka ku qaadeen deegaanka Nchang. Ma jirto cida she egatay mas’uuliyadda weerarkan.

Mas’uuliyiinta kaniisadda Catholic-ga ee ag gaas ayaa sheegay inay ka naxeen weerarka.

Waxay sheegeen in dadkii ku cibaadeysanayay halkaas ay bartilmaameed u noqdeen hanjabaad aha iyo afduubka tan iyo sanadkii 2016-kii.

Deegaannada dhaca waqooy galbeed iyo ko onfur galbeed Cameroon waxaa ka dhacay dag aallo uu dhiig badan ku daatay oo u dhexeeyay ko oxaha gooni u goosadka ee ka howlgala gobolka

af-Ingiriiska looga hadlo iyo dowladda.

 

SII JOOGISTA AL SHABAAB OO NOQOTAY DAN SIYA ASADEED – UJEEDKA KUWA KA WALAACSAN

 KACDOONKA IYO XASAN SHEEKH


Siyaasiyiinta maxaliga ah ee Soomaalida ayaa qaarkood waxay taaba gelinayaan diidmo la xiriirta in lala diriro kooxda Al-Shabaab. Tobanaan kun oo dad Soomaaliyeed ah ayaa lagu tuhmayaa in ay kooxdu dishay 12-kii sa no ee lasoo dhaafay.

Iyadoo qeybo kamid ah dalka uu ka curtay kac doonkii ugu weynaa ee lagu diidan yahay kooxda Al-Shabaab, ayaa dhinaca kale waxaa bilowday siyaasiyiin iyo shaqaalahooda kuwaas oo isku dayaya inay leexiyaan ujeedka dagaalka socda.

Al-Shabaab waxaa loo arkaa halista ugu weyn ee Shalay ka jirta Soomaaliya. Dalka Soomaaliya oo aan 30 sano laheyn dowlad dhexe oo awood leh wuxuu soo maray marxalo adag. Dagaalo jabha do, mid qabiil, mid hoggaamiye kooxeed iyo mid ururo magacyo badan leh u dhaxeeya ayey Soo maalidu dhadhamisay 30-kii sano ee lasoo dhaafay.

Laakiin waxay badi dadka isku raacsan yihiin inaysan Soomaalidu gaarin heerka ay Al-Shabab gaarsiisay damiir ahaan iyo nooca xasuuqa dhacay 12-kii sano ee lasoo dhaafay.

Al-Shabaab waqti dheer oo ay koonfurta Soom aaliya ku sugnaayeen halmar ayey galeen dagaal dhab ah oo caqiido ku dhisan, waana markii ay is-qabteen kooxdii Ahlu Sunna ee gobollada dhexe markaas oo Al-Shabaab laga laayey madax muh iim ah lana gaarsiiyey inay ka caagaan dhulka ay ka taliso ururka Ahlu Sunna.

Dhowr dowladood oo isku badashay maamu lka Villa Somalia waxaa la rumeysan yahay n mad axdooda ay ku guul dareysteen inay kooxda si dhab ah ula diriraan. Waa adag tahay inuu guule ysto dagaal uusan hoggaakiisu diyaar u aheyn in uu guusha qiimo u huro.

Raggii iska lahaa fikirka Al-Shabaab waxay be egsadeen oo ay sal dhigteen deegaanada ay ku tuhmayaan inay dadkoodu waxbarasho ahaan da mbeeyaan, shaqo la’aanta xooggan tahay, faham diimeedkuna uu ku yar yahay, waana halka ugu badan oo ay ka heleen dhallinyaro ku qanacsan in ay is dilaan iyadoo ay sii waarayaan dadkii fikirka hormuudka u ahaa.

Deegaanada dadkoodu leeyihiin faham fiican oo xagga diinta ama ay bulshadu xadaarad ahaan sarreyso ma aadin kooxda Al-Shabaab, waana ar agti aan daraasadeeda waqti la gelin si looga bax sado.

Waqti xaadirkaan dadku waxay badi qabaan in la aado dariiq walba oo lagu bixin karo kooxda, in loo midoobo dagaalka, inaan mowduuc siyaasi ah laga dhigin qadiyadaan iyo inay dowladdu qa adato kaalin dhab ah.

Dooda ku saabsan in qabiilo la hubeenaayo waxay u muuqataa mid daciif ah maadaama uu san haddaba jirin qabiil Soomaaliyeed oo bilaa hub ah.

Walaaca ugu weyn waa in Xasan Sheekh iyo Xamza bixin waayaan wax u dhigma shucuurta shacabka Soomaaliyeed oo ay mowduuca fud udeystaan sidii dhici jirtay.

Maadaama ay jirto kalmad soo noq-noqotay oo ah Soomaaliya waxaa ugu taariikh fiicnaan do ona siyaasigii soo afjara Al-Shabaab, waxaa du rba abuurmay siyaasiyiin ka didsan in xilliga lasoo afjarayo kooxda Al-Shabaab iyo muddo xileedka Xasan Sheekh inay isku soo aadaan, waxayna taas badalkeeda door bidayaan inay kooxdu sii joogto, waana sababta ay hadda waqti iyo qarash u gelinayaan in la suurad xumeeyo difaaca shac abka.

Inkastoo ay shaqo fiican u baahan tahay in ko oxda laga adkaado, haddana fasirka aragtida si yaasiyiinta dhibsanaya dagaalka lagula jiro Al-Sha baab waa hasii joogto kooxdu ummaddana hasii gumaado si jiritaankoodu uu malaha u caawiyo do orashada xigta, Xasan-na uusan u helin diiwaan wanaagsan.

Diwaanka Xasan Sheekh waxaa ka muhiims an badbaadinta nafta iyo maalka muwaadiniinta Soomaaliyeed, siyaasiga aan intaas fahamkiisu gaarina wuxuu kamid yahay dhibaatada taala Soomaaliya.

Markii la joogo Soomaaliya waxaa jiro mowd uuc weyn oo falcelintiisu culus tahay waana qabiil ka. Al-Shabaab waxaa la sheegaa inay wax ba dan fahamsanaayeen in dariiqa qura ee looga ad kaan karo inuu yahay dagaal dhex mara iyaga iyo qabiilada Soomaaliyeed.

Waxaa muuqata in hadda lasoo gaaray xilliga as ay ka walaacsaneyd kooxdu. Sidii looga faa’ide ysan lahaa kacdoonka shacabka, waxaa looga fa dhiyaa hoggaanka dowladda dhexe iyo maamul lada heer gobol iyadoo siyaasiyiinta ay hor taalo inay bixiyaan fursad lagu tijaabiyo dariiqaan aan weli lagu tijaabin kooxda.

XIGASHO:CAASIMADDA.NET

JACEYLKII KU BILLOWDAY FARRIINTA FACEBOOK IYO QISADII CAJIIBKA EE KA DAMBEYSAY

Maxamed Muxyadiin Axmed waa wiil dhalli nyaro ah oo ku dhashay kuna barbaaray magaal ada Muqdisho. Muddo toban sano ah ka hor ayaa isaga oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soo maaliya wuxuu ku naafoob ay dhaawac ka soo gaaray dagaal ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab u dhaxee yay.

Maxamed oo BBC-da uga warramay sida uu dar eenkiisu ahaa markii uu dha awaca soo gaaray ay aa yiri: "Maalintaan dhaawacm ay socodkaygii ay aan waa yay, istaaggaygii ayaan waayay, daree mahayga ayaan waayay, wax walba ayaan waay ay.”

Maxamed iyo xaaskiisa Xaawa waxa ay isbu ucii la soo dhaafay ku aqal galeen magaalada Mu qdisho. Lamaanahan ayaa intii aysan nolosha ku midoobin ku kala noolaa Soomaaliya iyo Sucuu diga oo ay masaafo dheer u dhaxeyso.

SIDA AY ISKU BARTEEN

Barashadooda waxaa kaalin mug leh ka qaa tay barta ay bulshada ku wada xiriirto ee Face book.

Jacayl ku billowday farriin la iskula wadaagay Facebook ayaa horseeday guusha guurkooda. Maxamed oo BBC-da uga warramay sida ay isku barteen xaaskiisa Xaawa iyo cabsidiisii ku aaddan ayd waxa uu waalidkeeda kala kulmi doono ayaa yiri:

"Aniga iyo xaaskayga baraha bulshada ayaan iska barannay, gaar ahaan Facebook, maaddaa ma aan ahaa qof badanaa aan socon ama bann aanka aan u bixin si aan uga gaabsado takoor aan marar badan bulshada kala kulmay. Muddo ayaan sheekaysannay, waana heshiinnay markii dambena waan isku imaanay.” Cabsidii soo waja hday Maxamed iyo Xaawo, heshiiskooda guurka kaddib Waxaa soo food-saartay cabdi dhanka wa alidka ah iyagoo ka fakarayay sida loola wadaagi lahaa arrintan.

Maxamed ayaa sheegay in isaga iyo xaaskii suba ay cabsi ka qabeen sidii ay ku wajihi lahaay een waalidka Xaawo markii ay guur ku heshi iyeen.

"Maaddaama aan ahay qof saaran gaariga dadka naafada ah, waxaan cabsi ka qabay marka aan u tago qoyska Xaawo inay ku gacan sayraan guurkeenna. Waxaan xitaa mar ku fikirnay inaan isla cararno, balse nasiib-wanaag waalidka dhanki isa dhib noogama imaanin,” ayuu yiri.

Balse Xaawo Luul ayaa sheegtay inay markii hore kaliya aabbeheed la wadaagtay heshiiska guurka ee kala dhaxeeyay Maxamed.

"Markaan aniga iyo Maxamed ku heshiinnay guurka waxaan kaliye la wadaagay aabbehay, wa xa uuna igu yiri ‘aniga xaggayga wax dhib ah mal ahan. Waan oggolahay’, markii la gaaray xilligii meherkana isaga ayaa i bixiyay,” ayay tiri Xaawo oo aabbeheed u duceysay.

Marka laga soo tago ogeynsiiska aabbeheed, Xaawo waxa ay sheegtay in qoyska intiisa kale aysan arrinta guurka Maxamed la wadaagin iyada oo ka cabsatay in la niyad-jebiyo.

Dhanka kale, Xaawo Luul oo sidoo kale faahfaa hin ka bixisay sababta ay u go’aansatay inay Max amed oo aysan weligeed kulmin ay dartiis Muqdi sho u timaado ayaa tiri: "

"Markaan is fahannay kaddib ayaan go’a ansaday inaan Muqdisho ugu imaado oo aan sha qadeyda ka soo tago, sababtoo ah Maxamed isa ga iima imaan karin.”

Arooska lamaanahan waxaa gacan wayn ka gaystay dhallinyaro ay isku xaafad ku nool yihiin Maxamed. Wuxuu noo sheegay markii uu go’a ansanay guurkan in uusan haysan wax lacag ah balse dhallinyarada saaxiibbadiis ah ay u istaag een inay gacan ka gaystaan, ayna u sameeyeen xaflad aroos oo qurux badan.

Caqabaha uu bulshada kala kulmo

Maxamed ayaa sheegay in bulshada qaar ay ku qaldaan qof tuugsanaya marka ay arkaan gaar iga lagu riixayo.

"Dadka marka ay i arkaan aniga oo gaariga yga saaran, waxa ay ii maleeyaan qof tuugsan aya, waxayna i siiyaan lacag, taas oo igu kalliftay in aanan badanaa soo bixin. Xitaa waxaa jirtay mar aan baaskiilka dhan iska dhigay oo aan is iri faa’iido ma lahan ku socodkiisa, kaddib markii aan dhacdooyin badan bulshada kala kulmay,” ayuu yiri.

Sababta Maxamed ku kaliftay inuu ku biiro ciidanka?

Moxamed ayaa waraysiga uu BBC-da siiyay waxa uu ku sheegay in ciidanka xoogga dalka So omaaliya uu ugu biiray si qoyskiisa oo aad u dar uufaysnaa uu u caawiyo.

"Waxaan ahaa wiil da’ yar oo ay labadiisa waalid ay kala tageen, hooyadiisna ay shaqayna ysay, iyada oo ilma yar korinaysa. Marka waxaan is iri haddii aad Shalay xoog yar yeelatay sidee ayaad qoyskaada ku caawin kartaa? Shaqo far maso iyo mid xamaali waan waayay. Marka wa xa an go’aansaday inaan ku biiro ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya si aan mushaar yar u helo, dal kaygana uu amaan u noqdo, si ilmaheenna must aqbalka ay nabad ugu noolaadaan,” ayuu yiri.

Maxamed waxa uu sheegay in uusan wax garg aar ama taageero dhanka caafimaadka ah ka hel in dowladda Soomaaliya muddadii uu dhaawaca ahaa. Balse, dadka kaliye ee ilaa haatan aan ka quusanin oo garabkiisa taagnaa ay ahaayeen qoyskiisa iyo saxaabbadiis.

Xigasho: BBC Somali




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip